XIGASHADA TAARIIKHDA: Taariikhdu Ma Aha Warin Keliya

Dad badan oo Soomaaliyeed waxay ka sheekeeyaan ama ka warramaan dhacdooyin ku jira taariikhda Soomaalida. Inta badan, warintaasi waxay ku ekaataa tilmaamid (descriptive), mana la socoto falanqayn qoto dheer oo ka jawaabta su’aalaha aasaasiga ah ee taariikhda: maxaa dhacay, maxaase sababay inay dhacdooyinku sidaas u dhacaan (analysis and attribution). Taariikhda noocaas ahi waxa ka maqan duruufihii, jawigii, iyo xaaladihii ku xeernaa dhacdooyinka (historical context – السياق التاريخي). Meelaha qaar taariikhda si ula kac ah ayaa looga aamusaa, halka meelo kalena si xad-dhaaf ah loo buunbuuniyo, taas oo inta badan ka dhalata dano, aragtiyo, ama ujeeddooyin siyaasadeed. Arrintan ayay taariikhyahannada iyo falanqeeyayaasha taariikhdu ku tilmaamaan xakamaynta iyo qaabaynta taariikhda (الحجب والتمرير في التاريخ).
Si kastaba ha ahaatee, taariikhdu ma aha ururin dhacdooyin oo keliya; waa isku-dar u dhexeeya xaqiiqooyinka dhacay iyo fasiraadda maskaxda aadanaha.
Fasiraadda iyo Macnaha Qarsoon ee Taariikhda
Sida uu caalimkii waynaa ee Ibnu Khalduun tilmaamay, dhacdadu waa xogta muuqata, halka fasiraaddu tahay fahamka macnaha qarsoon ee ka dhasha falanqaynta asbaabaha, duruufaha, iyo is-dhexgalka awoodda iyo bulshada. Marka fasiraadda taariikhda loo jiheeyo dano gaar ah ama aragti hore loo sii qaatay, dhacdadii lafteedu waxay luminaysaa macnaheedii dhabta ahaa, waxayna isu beddeshaa aalad lagu hago ama lagu marin-habaabiyo wacyiga bulshada. Sidaas awgeed, khatarta ugu weyn ee taariikhdu ma aha khaladka ku dhaca warinta dhacdada, balse waa leexinta fasiraaddeeda, maadaama ay si qoto dheer u qaabayso xusuusta wadajirka ah, aqoonsiga bulshada, iyo jihada mustaqbalka.
Ibnu Khalduun wuxuu xusay in taariikhdu leedahay laba waji: mid muuqda iyo mid dahsoon. Wajiga muuqda waxaa lagu arkaa diiwaannada dhacdooyinkii hore, raadadkii dawladihii jiray, quruumihii soo maray, iyo magacyadii xilliyadaas caan baxay.
Halka wajiga dahsoon uu xanbaarsan yahay asbaabihii dhabta ahaa ee keenay dhacdooyinkaas, sida ay wax u dhaceen isuna beddelayeen, iyo falgalkii ka dhex curtay lakabyada kala duwan ee bulshada, iyo weliba saamayntii ka dhalatay faragelinta shisheeyaha iyo kala-qaybsanaanta gudaha. Sidaas darteed, taariikhdu ma aha oo keliya sheeko laga warramo, balse waa cilmi qoto dheer oo u baahan in si xeeldheer loo lafaguro duruufihii iyo xaaladihii ku xeernaa waqtigii ay dhacdooyinku dhaceen.
Taariikhyahanno badan ayaa sidoo kale ka digay in taariikhda lagu akhriyo duruufaha iyo waaqica maanta jira (presentism), maadaama habkaasi uu dhalin karo eex taariikheed oo qalloocisa fahamka dhacdooyinkii hore. Sidoo kale, waxaa laga digaa in dhacdooyin gaar ah si xad-dhaaf ah loo buunbuuniyo ama kuwo kalena laga aamuso sababo la xiriira dano siyaasadeed, aragtiyo hore loo sii qaatay, ama dano kooxeed.
Waxaa kale oo muhiim ah in laga feejignaado isbarbardhigga dhacdooyin ka dhacay waqtiyo iyo juqraafiyo kala duwan, iyadoo aan la adeegsan hab-raac cilmiyeed (methodology) oo ku dhisan daraasadaha isbarbardhigga taariikhda (comparative historical studies). Isbarbardhigga aan tixgelinayn kala duwanaanshaha waqtiga, deegaanka, dhaqanka iyo duruufaha bulsho wuxuu inta badan horseedaa gunaanad aan lahayn saldhig taariikheed oo adag.
Sidoo kale, maraajicda taariikhda lafteedu waa mawduuc u baahan akhris naqdin leh. Gaar ahaan, qoraalladii ay reebeen dalmareennadii reer Galbeedka iyo saraakiishii gumaysigu ma aha kuwo loo qaadan karo xaqiiqooyin kama dambays ah (absolute truth). Marka hore, waxay ku qornaayeen indhaha iyo caqliga dad ka yimid dhaqan iyo aragti ka duwan bulshada ay wax ka qorayeen, iyagoo wax ku qiimaynayay cabbirrada dhaqankooda.
Marka labaad, qoraalladaasi waxay badanaa ahaayeen xog iyo daraasado loo diyaariyey inay taageeraan danaha siyaasadeed, militari ama maamul ee dawladihii gumaysiga. Tani waxay qayb ka ahayd waxa loo yaqaan taariikh-qorista gumaysiga (Imperial historiography), taas oo dhacdooyinka iyo bulshooyinka inta badan ku fasirtay aragtida, danaha iyo himilooyinka quwadihii gumaysiga.
Sidaas darteed, ujeeddadu ma aha in gebi ahaanba la diido ilahaas, balse waa in lagu akhriyo indho naqdin leh, lana barbar dhigo ilo kale iyo habab kale oo taariikh-qoris ah, gaar ahaan taariikh-qorista gumaysi-ka-dib (Postcolonial historiography), si loo helo sawir taariikheed oo dheellitiran.
Tusaale ahaan, buuggiisii First Footsteps in East Africa (1856), Sir Richard Francis Burton wuxuu qoray in Soomaalidu aaminsanaayeen in qaniinyada kaneecadu sababto qandho ama xummad halis ah. Burton wuxuu aqoontaas ay Soomaalidu u lahaayeen xiriirka kaneecada iyo cudurrada ku tilmaamay “khuraafaad”, isagoo u arkayay mala-awaal iyo isku-beegmid (coincidence) aan sal lahayn. Hase yeeshee, sannadkii 1880-kii, cilmi-baaris caafimaad ayaa xaqiijisay in cudurka duumadu (malaria) dhab ahaantii ka dhasho qaniiyada kaneecada Anopheles. Tusaalahani wuxuu muujinayaa in mararka qaar aqoonta bulshada deegaanka la dhayalsaday, halka qiimayntii qoraaga ajnabiga ahi ay ku koobnayd aragtidii iyo xaddidaaddii aqoonta ee waqtigiisa.
Xusuusta Taariikhiga ah iyo Dhaawacyada Bulshada
Dhanka kale, waxaa jira qaybo ka mid ah taariikhda oo aad u xanuun badan, maadaama ay xambaarsan yihiin dhaawacyadii iyo raadadkii ay ka tageen dhacdooyinkaas. Sidaa darteed, bulshooyinka qaar waxay ula dhaqmaan si taxaddar leh; way diiwaangeliyaan oo ku kaydiyaan xusuus-dhigyo (archives), balse badanaa kuma daraan manhajka waxbarashada, lamana faafiyo si ballaaran, iyagoo ka baqaya in dib u xusuusintaasi ay soo nooleeyaan xiisado iyo colaado hore.
Tusaale ahaan, kadib Dagaalkii Sokeeye ee Spain (1936–1939) iyo xukunkii Jeneraal Francisco Franco (1939–1975), waxaa la isla qaatay siyaasaddii loo yaqaanay Hilmaanka Taariikhda (The Pact of Forgetting – ميثاق النسيان). Ujeeddada laga lahaa waxay ahayd in aan dib loo furin murannadii siyaasadeed iyo dambiyadii la xiriiray dagaalka iyo xukunkii Franco, si dalka loogu gudbiyo marxalad dimuqraadiyadeed oo nabad ah, loogana fogaado in dhaawacyadii hore ay dib u kiciyaan kala-qaybsanaan iyo colaado cusub.
Bulshooyin kale waxay si ula kac ah u jilciyaan eray-bixinta ay ku tilmaamaan colaadaha taariikhdooda soo maray. Tusaale ahaan, colaaddii ka dhacday Northern Ireland inta badan looguma yeero dagaal sokeeye, balse waxaa loogu yeeraa The Troubles, si looga fogaado eray-bixin sii hurin karta kala qaybsanaantii bulshada.
Masuuliyadda Xigashada Taariikhda
Gabagabadii, raad-raaca taariikhdu waa lama huraan, balse xigashadeeda iyo fasiraaddeedu waa inay noqdaan kuwo dheellitiran oo ku dhisan masuuliyad cilmiyeed. Qofka qoraya ama xiganaya taariikhda waa inuu ka madax-bannaan yahay dagaalladii shalay, kana fogaadaa isku dayga dib-u-qorista taariikhda (rewriting history), isla markaana yeeshaa aragti mustaqbal oo ujeeddadeedu tahay bogsiinta bulshada, xoojinta dib-u-heshiisiinta, iyo hiigsashada mustaqbal dan-wadaag lagu yahay. Sidoo kale, taariikhda waa in laga dheegtaa duruus iyo cibro lagu hago qorshaynta iyo jihaynta mustaqbalka fog.
Faallooyinka
Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.
Maqaallo la xiriira

YAA HORTAAGAN DAWLADNIMO KA HANA-QAADDA DHUL-UDUG (PUNTLAND) Qaybta 1-aad

Dawladnimo iyo Awood Barbar Socota: Fahamka Kooxaha Hubaysan

