Ku saabsan Majaladda Marag

Hordhac

Majaladda Marag waa madal aqooneed oo bille ah, una heellan kobcinta fikirka, wadaagga aragtiyada, iyo dhiirrigelinta qoraalka tayada leh ee Af-Soomaaliga. Ujeeddadeedu waa inay isu keento qoraayaal, aqoonyahanno, cilmi-baarayaal iyo akhristayaal xiiseeya falanqaynta arrimaha bulshada, siyaasadda, dhaqaalaha, sharciga, dhaqanka, suugaanta iyo horumarka guud ee bulshada Soomaaliyeed.

Marag waxay ku dadaashaa inay soo bandhigto qormooyin asal ah oo leh aragti qoto dheer, xog la hubiyay iyo dood cilmiyeed oo dhisaysa fahamka akhristaha. Waxaan aaminsanahay in qoraalku yahay aalad awood leh oo lagu kobcin karo wacyiga, lagu dhiirrigelin karo isbeddel togan, laguna xoojin karo aqoonta bulshada.

Majaladdu waxay soo dhoweynaysaa dhammaan qoraayaasha leh karti iyo himilo ay ku cabbiraan fikradooda si hufan, mas'uuliyad leh, isla markaana waafaqsan heerarka qoraalka cilmiyeed.

Tifaftiraha Guud

Abdi Omar Bile, Tifaftiraha Guud ee Majaladda Marag

Abdi Omar Bile

Tifaftiraha Guud

Abdi Omar Bile waa suxufi sare, khabiir dhanka isgaarsiinta dijitaalka ah, iyo cilmi-baare fadhigiisu yahay magaalada Garowe, kaasoo heysta shahaadada Master-ka ee Journalism and Mass Communication. Waa aasaase-wadaaga bogga wararka ee madaxa-bannaan ee Puntland Mirror, wuxuuna hadda yahay Agaasimaha Isgaarsiinta ee machadka cilmi-baarista ee SIDRA Institute. Abdi oo khibrad toban sano ka badan u leh falanqaynta amniga, siyaasadda, iyo baaritaanka xaqiiqda (fact-checking), ayaa sidoo kale ah xubin ka tirsan shabakadda caalamiga ah ee Oxford Climate Journalism Network (OCJN), isagoo si weyn ugu takhasusay tebinta arrimaha deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee Geeska Afrika.

Qormo Nooku Soo Dir

Qorayaasha waxay halkan ka soo gudbin karaan qormooyinkooda asalka ah si Guddiga Tifaftirka Majaladda Marag u dib u eego. Fadlan buuxi xogta hoose oo soo lifaaq qormada (Word) iyo sawirkaaga.

JPG, PNG ama WEBP — ugu badnaan 5MB.

.doc ama .docx kaliya — ugu badnaan 10MB.

Shuruudaha Gudbinta Qormooyinka

Qormo kasta oo loo soo gudbinayo Majaladda Marag waa inay buuxisaa shuruudahan:

  1. 1.Qormadu waa inay noqotaa mid asal ah oo aan hore loogu daabicin wargeys, majalad, buug ama bar internet oo kale, isla markaana aan meel kale dib-ueegis uga socon.
  2. 2.Qormadu waa inay ku qoran tahay Af-Soomaali oo keliya, iyadoo la adeegsanayo higgaad sax ah iyo luqad tayo leh.
  3. 3.Qormadu waa inay ka koobnaataa 800 ilaa 1,200 oo eray, iyadoo la adeegsanayo:
    • Far (Font): Times New Roman
    • Cabbirka farta: 12
    • Kala fogaanshaha laymanka (Line Spacing): 1.0
    • Bogga: A4
    • Margins: Normal (2.54 cm)
    • Waa in uu kusoo gudbiyaa Word Document
  4. 4.Qormadu waa inay leedahay cinwaan cad oo ka tarjumaya nuxurka mawduuca.
  5. 5.Haddii la adeegsanayo xog, tirokoob ama xigashooyin, waa in si cad loo tilmaamaa ilaha laga soo xigtay.
  6. 6.Qormadu waa inay ku salaysnaataa falanqayn iyo dood dhisan, kana fogaataa aflagaaddo, naceyb-abuur iyo xog aan la xaqiijin.
  7. 7.Guddiga Tifaftirka Majaladda Marag waxay xaq u leeyihiin inay sameeyaan sixitaan luqadeed iyo habayn farsamo iyagoo aan wax ka beddelayn nuxurka qormada.
  8. 8.Guddiga Tifaftirku waxay xaq u leeyihiin inay diidaan qormo kasta oo aan waafaqsanayn heerarka tayada, ujeeddooyinka ama siyaasadda Majaladda Marag.
  9. 9.Aragtida ku jirta qormo kasta waxay mas'uuliyaddeeda saaran tahay qoraaga, mana matasho mowqifka Majaladda Marag haddii aan si cad loo sheegin.
  10. 10.Qoraagu waa inuu la socodsiiyaa magaciisa oo buuxa, hay'adda ama xirfadda uu ka tirsan yahay (haddii ay jirto), iyo cinwaankiisa iimaylka. Sawirkiisa.

Ku soo dhowaada Majaladda Marag—halka fikirku ka iftiimo, aqoontuna ka kobocdo.

Ku saabsan Majaladda Marag

Madal madaxbannaan oo soo saarta falanqayn, fikrad iyo cilmi-baaris Soomaaliyeed.

178
Maqaallo
17
Cadadyo
64
Qorayaal
Madal Madaxbanaan oo Bille ah
Madal