
Maqaalkan kooban waxa uu isbarbardhig guud ku samaynayaa mabaadi’da Islaamka iyo kuwa liberalism-ka Reer Galbeedka, gaar ahaan marka laga hadlayo fikradda bulsho xor ah iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha. Waxa uu dul istaagayaa waxa lagu qeexo bulsho xor ah, mabaadi’da ay ku dhisan tahay iyo xuquuqaha aasaasiga ah ee uu qofku leeyahay. Sidoo kale, waxa si gaar ah loo eegayaa bulshada Soomaaliyeed, oo dastuurkeedu qeexayo xuquuqda iyo xorriyadaha muwaadiniinta, iyo muhiimadda ay leedahay in xuquuqahaasi aanay ku ekaan qoraal dastuuri ah oo keliya, balse ay noqdaan kuwo si dhab ah loo dhowro loona dhaqangeliyo.
Waxaan aragtiyaha xorriyadda ee uu ku qoray Ashford buuggiisa “Principles for a Free Society” barbar dhigi doonaa buugga qiimaha badan ee uu qoray Shiikh Maxamed Al-Ghazaali ee ahaa “Xuquuqda Aadanaha marka la barbar dhigo Mabaadi’da Islaamka iyo Baaqa Qaramada Midoobay’’.
Inta aynaan horay u sii socon, bal marka hore aynu kala baranno labada mufakir ee fikradahooda aynu isbarbardhigga ku salaynayno:
Shiikh Muxamed Al-Ghazaali Al-Saqa (1917–1996) wuxuu ahaa caalim, mufakir iyo daaci Islaami ah oo Masri ah, kana mid ahaa hormuudkii dib-u-cusboonaysiinta fikirka Islaamka qarnigii 20aad. Wuxuu wax ku bartay Jaamacadda Al-Azhar, wuxuuna si weyn uga shaqeeyay isku xirka fahamka diinta, caqabadaha bulshada iyo arrimaha casriga ah. Qoraalladiisu waxay si gaar ah diiradda u saareen caddaaladda bulshada, xuquuqda aadanaha, xorriyadda, akhlaaqda, la dagaallanka kelitalisnimada iyo dib-u-habaynta fikirka Muslimiinta. Wuxuu qoray tobannaan buug oo si weyn looga akhriyo dunida Islaamka, waxaana lagu xusuustaa codkiisii aqooneed ee dheellitirnaa, dhaliilihiisii bulsho iyo siyaasadeed, iyo dadaalkiisii joogtada ahaa ee uu ku difaacayay qiyamka Islaamka.
Nigel Ashford waa aqoonyahan iyo qoraa u dhashay Britain, kuna takhasusay cilmiga siyaasadda, xorriyadda shakhsiga iyo mabaadi’da bulshada xorta ah. Wuxuu hore Professor of Politics uga ahaa Staffordshire University, sidoo kalena wuxuu hoggaamiyey mashruuca Principles for a Free Society ee Jarl Hjalmarson Foundation.
Bulshada xorta ahi keliya ma aha wadarta xuquuqaha ay leeyihiin xubnaha iyo qoysaska ay bulshadu ka kooban tahay, ee waa hab maamul (system) is-dhamaystiraya oo leh mabaadi’ saldhig ah, kuwaas oo u wada shaqeeya si heer sare ah oo isku dheelli tiran. Nigel Ashford wuxuu tilmaamayaa in xorriyadda qofka, wax-lahaanshaha, ganacsiga xorta ah, sarreynta sharciga iyo bulshada rayidka ahi ay yihiin unugyo isku xiran oo aan la kala saari karin; haddii mid maqnaadana kuwa kale ay saamaynayaan.
Nigel wuxuu leeyahay aragtiyo gurracan oo ku xadgudbaya xorriyadda, kuwaas oo ku dhisan falsafadda liberaaliga ah ee reer Galbeedka, balse wuxuu leeyahay aragtiyo badan oo waafaqsan mabaadi’da la jaanqaadaysa fidrada bani’aadamka iyo kuwa diinteenna suubban ay ina siisay.
Labada kitaab waxay isku waafaqeen, iyagoo kala matalaya aragtida Islaamka iyo tan reer Galbeedka, in qofka bani’aadamka ah aan la dulmin karin. Waxay ka siman yihiin in sharciga hortiisa loo siman yahay, caddaaladda, xorriyadda insaanka, ilaalinta noloshiisa iyo maalkiisa, iyo in la koobo awoodda dowladda ama suldadda si aysan ugu xadgudbin shacabka.
Qaanuunku cidna ma siinayo sad-bursi ama sarreyn gaar ah oo uu kaga duwan yahay dadka kale. Garsoorkuna waa inuu madax-bannaan yahay, waajibna ka saaran yahay xaqiijinta caddaaladda. Xorriyadda fikirka iyo ra’yigu waa mid muhiim ah. Qofkuna wuxuu la xisaabtami karaa cidda awoodda u haysa (dowladda), mana aha inuu si indho la’aan ah ugu hoggaansamo. Ilaalinta noloshiisa, hantidiisa iyo karaamadiisa, iyo diidmada midab-takoorka iyo kali-talisnimadu intuba waa waxyaabaha ay isku waafaqsan yihiin.
Waxay isku khilaafsan yihiin halka laga soo xiganayo xuquuqda. Al-Ghazaali wuxuu kasoo xigtay in Alle karaameeyey insaanka (ولقد كرمنا بني آدم) “Waxaa xaqiiqo ah in Eebe uu kareemeyey banii’aadanka.” – Al-Israa -70, xuquuqduna leedahay asaas diimeed oo sharci iyo akhlaaq ku dhisan, taas oo aan isbeddeli karin. Halka Ashford uu kasoo xigtay in xuquuqdu tahay akhlaaq caalami ah, kuna tiirsan xuquuq dabiici ah, qofkuna yahay sidaha xaqa aasaasiga ah. Macnaheedu waa in aanay diin salka ku hayn, ee qofka laftiisu leeyahay. Sida dabeecadaha iyo shuruucdu isu beddelaanna way raacaysaa, oo haddii sharcigu xaq u siiyo wax diinta ka hor imanaya, taas ayuu raacayaa.
Al-Ghazaali wuxuu arkaa in qofku wax hantiyi karo, ayna sharci tahay, laakiin ay leedahay masuuliyad bulsho. Maalku waa inuusan noqon awood dhiig-miirasho iyo keli-koob ah (suuqa oo cid keli ahi gacanta ku hayso), taas oo dulmi ku ah fuqarada. Wuxuu sidoo kale arkaa in bulshada iyo dowladduba ay kaalin ku leeyihiin caawinta kuwa nugul iyo ilaalinta karaamada qofka.
Ashford wuxuu diidayaa sinnaanta bulshada, wuxuuna arkaa in caddaaladda bulshada dhexdeeda ahi ay tahay habab iyo qawaaniin oo keliya, ayna ahayn natiijo ay tahay in la gaaro. Wuxuu leeyahay kuwa hodanka ahi hodan ha ahaadeen, kuwa faqriga ahna haddii ay sidaas ahaadaan wax ku jaban ma jiraan(Capitalism – Hantigoosad). Wuxuu kaloo ka gaabsanayaa in baahiyaha dhaqaale iyo kuwa bulsho ay yihiin xuquuq dadku leeyihiin oo aan xadidnayn.
Hordhacaas kooban ayaan uga gudbaynaa, akhristuhuna wuu sii tixraaci karaa buugaagta ay kala qoreen, waana mid uu faham fiican kaga qaadanayo xorriyadda iyo xuquuqda qofka. Balse waxaan rabnaa inaan xoogga ku saarno qormadan kooban tilmaamaha xorriyadda ee bulshadeenna aan la rabno, iyadoo aan isku dari doonno waxa diinteenna inoo jidaysay iyo murtida ay dhigteen ummaduhu, kana tagayna wixii khilaafsan diinteenna iyo dhaqankeenna suubban. Waana sababta aan hordhaca ugu bilaabay labada qoraa ee kala ah Al-Ghazaali iyo Ashford, kuwaas oo kala matalaya Islaamka iyo Cilmaaniyadda.
Islaamku isaga ayaa uga horreeyey qarniyo badan Qaramada Midoobay markii ay ku dhawaaqday Xuquuqda Aadanaha Paris, 10-kii December 1948. Qur’aanka iyo Sunnaddu waxay dhigeen oo sharciyeeyeen xuquuqda insaanka 1400 sano ka hor. Al-Ghazaali ma kala saarayo qaanuunka iyo damiirka qofka, xaqa iyo akhlaaqda. Qofku wuu ka baxsan karaa sharciga, laakiin waxaa la xisaabtamaya Alle. Waana midda aynu kaga duwan nahay reer Galbeedka, kuwaas oo aan mar walba isku si ugu dhaqmin mabaadi’da ay sheegtaan. Tusaale ahaan, gabood-fallada ka dhacay Gaza waxay dhalinayaan su’aalo waaweyn oo ku saabsan sida xuquuqda aadanaha loogu dhaqmo si isku mid ah.
Ma jiro xaq aan masuuliyad lahayn. Qofku xaq ayuu leeyahay, haddana wuxuu masuul ka yahay xaqa kuwa kale. Al-Ghazaali wuxuu adkaynayaa in caddaaladda, karaamada iyo dhowrista nolosha iyo maalku aysan ahayn keliya xaq uu Muslimku leeyahay, balse sidoo kale ay ku jiraan kuwa aan Muslimka ahayn. Inkasta oo ay ku kala duwanaan karaan axkaamta iyo faahfaahinta, haddana xuquuqda iyo karaamadu waa kuwo bani’aadamku ka siman yahay.
Dastuurkeenna Federaalka Soomaaliyeed wuxuu Cutubka 2aad ku qeexayaa Xuquuqda Aasaasiga ah iyo Waajibaadka Muwaaddinka. Isagoo waafaqsan sharciga Islaamka, wuxuu dhigayaa qodobbo gaaraya 31 qodob, kuwaas oo ka hadlaya karaamada aadanaha, sinnaanta, xaqa nolosha, xorriyadda qofka, mamnuucidda jirdilka iyo addoonsiga, xorriyadda fikirka, xorriyadda hadalka, xurmada hoyga, bannaanbaxa, isu-socodka, siyaasadda, shaqada, hantida, caafimaadka, waxbarashada, carruurta, helidda macluumaadka iyo xaqa garsoor caddaalad ah.
Waxaa su’aal noqonaysa: qofka muwaadinka ah iyo bulshada Soomaaliyeed ma ku naaloonayaan xuquuqdaas, mise weli waxaa jira dulmi iyo xadgudubyo ka jira dalkeenna?
Haddaba, si qofka iyo bulshaduba xuquuq u helaan, waxaa lama huraan ah in tilmaamahan laga helo:
- Dhowrista karaamada insaanka iyo ixtiraamka xuquuqdiisa.
- In loo sinnaado sharciga iyadoo aan la kala sarreyn.
- Sharcigu waa inuu ka sarreeyaa madax iyo shacab labadaba.
- Xorriyadda aragtida iyo ka qaybgalka siyaasadda.
- Xaqa ku noolaanshaha amniga iyo diidista jirdilka iyo xadgudubka.
- Garsoorku waa inuu madax-bannaanaado, xukunkuna noqdo mid caddaalad ku dhisan.
- Qof walba oo dulman wuu dacwoon karaa, wuuna la xisaabtami karaa qofkii dhibta u geystay.
- Ilaalinta asturnaanta, hantida iyo xorriyadda isu-socodka.
- Hirgelinta caddaaladda bulshada ee waxbarashada, caafimaadka iyo shaqada.
- Ilaalinta dadka nugul iyo dadka laga tirada badan yahay.
- In xorriyadda lagu xiro masuuliyad, lagana fogaado waxyeellaynta xuquuqda dadka kale.
Haddaba, bulshadu intaas kuma gaari karto iyadoo weli ku dhisan qaabka hadda jira ee qabiillo iyo kala-qoqob bulsheed, taas oo fursad siisay dabaqadda siyaasadeed ee xukunka isku wareejisa inay ku tuntaan xuquuqda shacabka, kana hortagaan wax kasta oo bulshada midayn kara. Tilmaamahan waxa lagu dhaqangelin karaa oo keliya bulsho isku duuban, leh cod mideysan oo magaceeda ku hadla, kuna salaysan qiyam iyo mabaadi’ aan ku xirnayn dano iyo maslaxado siyaasadeed oo gaaban.
Tixraac
- حقوق الإنسان بين تعاليم الإسلام وإعلان الأمم المتحدة، محمد العزالي
- Principles for a Free Society – Nigel Ashford
- https://mugtama.com/articles/الفقيه_الداعية_المجد_د_الشيخ_محمد_الغزالي_1_
- Studnetsforliberty.org
- Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee Dowladd Federaalk Soomaaliya – 2012.
W/Q Cabdiraxmaan Cabdirisaaq (Korshe)
Guddoomiyaha PUNSAA
Faallooyinka
Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.
Maqaallo la xiriira

YAA HORTAAGAN DAWLADNIMO KA HANA-QAADDA DHUL-UDUG (PUNTLAND) Qaybta 1-aad

XIGASHADA TAARIIKHDA: Taariikhdu Ma Aha Warin Keliya

