Dawladnimo iyo Awood Barbar Socota: Fahamka Kooxaha Hubaysan

Hordhac
Soomaaliya waxaa inta badan lagu tilmaamaa dal ay saameeyeen colaado daba-dheeraaday, nuglaansho dowladeed iyo awoodda dowladda oo aan si buuxda uga hirgelin dhammaan dhulka dalka. Dalka guud ahaan waxaa ka jira awoodo kala duwan oo is barbar socda, kuwaas oo saameyn ku leh amniga, siyaasadda, iyo dhaqaalaha bulshada. Awoodahaas waxaa ka mid ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada, kooxaha hubaysan, maleeshiyaadka beelaha, ganacsatada iyo shabakadaha siyaasadeed ee ku dhisan dano deegaan, dhaqaale iyo qabiil.
Sidaas darteed, mushkiladda Soomaaliya ma aha oo keliya daciifnimada hay’adaha dowladeed. Waxa muhiim ah in la fahmo sida awooddu u baahsan tahay, u kala qaybsan tahay, isla markaana ay ugu tartamaan ama ay u wada fal-galaan kooxaha kala duwan. Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyadu weli si buuxda uguma guulaysan inay dhisaan awood mideysan oo ay ku maamulaan dhulka iyo shacabka dalka oo dhan.
Maqaalkani wuxuu diiradda saarayaa kooxaha hubaysan ee aan si buuxda uga soo horjeedin fikradda dowladnimada, balse aan sidoo kale si buuxda ugu hoggaansamin sarreynta sharciga, hay’adaha rasmiga ah iyo nidaamka maamulka dowladeed. Kooxahan waxaa loo fahmi karaa inay ku jiraan meel u dhexeysa taageeridda dowladda iyo ka madax-bannaanshaha awoodeeda: mararka qaarkood waxay la shaqeeyaan hay’adaha dowliga ah, halka mararka kalena ay ilaashadaan madaxbanaanidooda ayna la tartamaan dawladda.
Fahamka kooxahan wuxuu muhiim u yahay daraasadda dowlad-dhiska Soomaaliya, sababtoo ah kooxaha hubaysan qaarkood waxay buuxiyaan meelaha ay hay’adaha dowladdu ka gaabiso, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo xasilloonida deegaannadooda. Hase yeeshee, ku-tiirsanaanta kooxahan waxay sidoo kale abuuri kartaa loollan awoodeed, isla-xisaabtan la’aan, ku-takri-fal awoodeed iyo sii-jiritaanka nidaamyo amni oo ka baxsan taliska iyo sharciga dawladnimo heer Federaal iyo Dawlad Goboleedba.
Jilayaasha Isku-dhafan
Buugga Jilayaasha Isku-dhafan: Kooxaha Hubaysan iyo Kala-daadsanaanta Dawladnimada ee Bariga Dhexe (Hybrid Actors: Armed Groups and State Fragmentation in the Middle East) wuxuu soo jeedinayaa in kooxaha hubaysan aan lagu qeexi karin in ay yihiin keliya “kooxo aan dawli ahayn,” sababtoo ah qaar badan oo ka mid ahi waxay si mug leh u gutaan shaqooyin dawli ah, kamana baxsana xayndaabka dawladda ay danahooda ka dhex heli karaan. Buugu waxa uu ku qeexay kooxaha hubaysan ee isku-dhafan in ay yihiin kooxo mar la shaqeeya dawladda, marna la tartama, kana faa’iidaysta awoodda dawliga ah markay heshiis yihiin iyagoo aan si buuxda ugu hoos jirin xeerarkeeda. Sidaas awgeed, fikradda buuggu waxay ina ka caawinaysaa fahamka xaaladaha ay dawladnimadu noqoto mid awoodeedu qaybsantahay, halkii ay ahaan lahayd mid mideysan, iyadoo kooxo hubaysan oo leh taageero bulsho, ama leh garab siyaasadeed oo madani, ama raba hirgalinta ajendayaal siyaasadeed oo u adeegaya kooxo siyaasadeed, ay yihiin awoodaha la qaybsada masraxa siyaasadda.
Sida ku cad buugga, kooxaha noocan ahi waxay ka soo baxaan meelaha ay awoodda dawladnimo ka gaabiso bixinta adeegyada bulsho, amni, iyo garsoor. Marka ay taasi dhacdo, kooxaha hubaysan ee isku-dhafan waxay bilaabaan inay buuxiyaan gaabiska dawladda, iyagoo dhista taageero bulsho, awood dhaqaale, iyo matelaad siyaasadeed. Buuggu wuxuu sidoo kale caddeynayaa saddex astaamood oo ay leeyihiin kooxahaas oo kala ah: taageerayaal daacad u ah, xiriir adag oo ay la leeyihiin dawladda ama maamuladda ay heshiiska yihiin, iyo aragti ama dano siyaasadeed oo ay difaacanayaan. Tani waxay muujinaysaa in koox hubaysan oo xoog leh aanay ahayn oo keliya kuwa wata qori iyo rasaas, balse ay noqon karaan jileyaal isku-dhafan oo leh garab hubaysan, mid siyaasadeed iyo mid bulsho oo isku xiran, oo hannaanka dawladnimo ee jira tartan kula jira.
Dawladnimo iyo Awood Barbar Socota
Marka fikraddan lagu dabaqo Soomaaliya, waxa muuqata in dhibaatadu aysan ahayn oo keliya jiritaanka kooxo hubaysan oo ka soo horjeeda hannaanka dawladnimo, balse ay tahay jiritaanka awoodo siyaasadeed oo qoriga u sameeyey ajende siyaasadeed, taageero dhaqaale iyo mid bulsho. Buuggu wuxuu sheegayaa in kooxaha noocan ahi ay ku baraaraan kala-daadsanaanta dawladnimo “state fragmentation,” ama kala-qaybsanaanta bulsho iyo siyaasadeed oo lagu waardiyeeyo qori. Soomaaliya maanta waxay tusaale u tahay xaalad ay hay’adaha rasmiga ahi jiraan, balse awooddii fulinta, amniga, iyo gaarsiinta adeegyada bulshada ay si weyn ugu kala firdheen heerar iyo kooxo kala duwan. Taasi waxay ka dhigaysaa in dagaalka dhabta ahi aanu ahayn mid ciidan oo keliya, balse yahay dagaal ku saabsan cidda leh awoodda sharciyadeed ee xukunka.
Hubka qabaa’ilku haystaan waa xaqiiqo bulsheed iyo siyaasadeed oo Soomaaliya muddo dheer la noolayd, waxaana khatarteeda lagu maareeyaa habab kala duwan oo ku dhisan heshiisyo, xeerar, iyo is-afgarad bulsho. Si kastaba ha ahaatee, khatarta buugu ka digaayo waa marka hubka iyo cududdaas ciidan ay gasho adeegsi siyaasadeed. Marka siyaasiyiin dano gaar ah leh ay isku daraan taageerada qabiilka, awoodda dhaqaale, iyo cududda ciidan ee reerka, waxay abuuri karaan awood aan si buuxda ugu hoos jirin hay’adaha dawladda, balse doonaysa inay saamayn ku yeelato ama is hortaagi kartaa go’aannada dawladeed. Sida uu buugga Hybrid Actors tilmaamayo, koox hubaysan waxay isu beddeli kartaa jile isku-dhafan marka ay yeelato ajende siyaasadeed, taageero bulsho, dhaqaale u gaar ah, xiriir furan oo ay la yeelanayso ciddii taageero siisa, iyo awood ay si madax-bannaan ugu dhaqanto gudaha nidaamka siyaasadeed. Sidaas darteed, khatartu kuma koobna hubka laftiisa, balse waxay ku jirtaa siyaasadaynta hubka iyo u dhalan-rogoshada awood siyaasadeed oo barbar socota dawladda.
Waa hubaal in waayaha iyo duruufaha siyaasadeed ay abuureen kooxo hubaysan, xeryo ciidan, iyo hub iyo ciidan xanbaarsan ajende siyaasadeed, sida ciidamada laga dhaxlay dagaalka lagula jiro argagaxisada, haraadiga hubka madaxda xilalka ka degta ee reerahooda hubaysa iyo hubka ka dhasha colaadaha kala duwan ee dalka ka aloosma. Waxaa aqoonyahanka buugga qoray isku raacsan yihiin, in si kasta oo loo madax salaaxo awoodaha hubaysan ee dawladnimada barbar socda, ay ugu danbaynta abuuri doonaan khal-khal amni, ama horseed ka noqon doonaan dagaallo sokeeye oo xanuun badan. Tusaale waxaa noogu filan awoodda Dacmi Sariic oo abuuratay taageero bulsho, dhaqaale, ugu danbayna yeelatay ajende siyaasadeed oo tartan la galay dawladdii dhexe ee Suudaan. Natiijada ka dhalatayna ay noqotay dagaal sokeeye oo lagu hoobtay, sababayna qax, khasaare nafeed iyo burbur dhaqaale oo baahsan. Sidoo kale, Soomaaliya waxaa fudud in ciidan qabiil ama mid ku yimi duruufo gaar ah, horjoogayaashiisu yeeshaan damac siyaasadeed, waana khataraha uu buugaani ka digaayo.
Sidee xal waara loo heli karaa?
Si loo helo xal waara, waa in la fahmo in kooxaha isku-dhafan (hybrid actors) ay ka duwan yihiin kooxaha argagixiso sida Al-Shabaab ama kooxaha siyaasadeed ee caadiga ah, ee aan hubaysnayn. Sida buugu tilmaamayo, waa kooxo marna dawladda ku milan, marna tartan kula jira, iyadoo dagaal lagu burburiyo oo keliya, ama heshiis lagu qaboojiyo midna uunan keeni karin xal waara. Balse ay qasab tahay in la xoojiyo hannaanka dawladnimo, isla markaana la yareeyo fursadaha ay kooxahaani ku heli karaan sharciyad iyo taageero ay ku sii wadan karaan jiritaan hubaysan oo ka baxsan xayndaabka dawladnimada. Arrinta ugu muhiimsan ayaa ah in hannaanka dawladnimo uu noqdo mid dhowra heshiisyada bulshada, lana saadaalin karo hab-dhaqankiisa siyaasadeed, hannaanka iyo waqtiga doorashooyinka, adeegsiga awoodda dawladnimo si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka dalka, iyo hirgelinta hannaan caddaaladeed oo loo dhanyahay.
Gunaanad
Ugu dambayn, xalka waara ee khataraha kooxaha isku-dhafan wuxuu ku saleysan yahay fahamka in dawladnimo ay tahay hannaan sharciyeed oo dhammaystiran, oo aysan ahayn awoodo is barbar socda. Dawladnimo waa in ay ka dhigan tahay in awoodda oo dhammi: amni, dhaqaale, siyaasad, iyo garsoor, ay hoos yimaadaan sharciga oo ay u adeegaan bulshada oo dhan.
Haddii aanan ku guuleysan inaan dhisno dawladnimo dhab ah oo ku saleysan heshiisyo bulsho, caddaalad, iyo maareynta sharciga, kooxaha isku-dhafan waxay sii ahaan doonaan khataraha ugu weyn ee deganaanshaha iyo xasilloonida dadka. Sidaas darteed, xalku waa in uu ka bilaabmaa gudaha, iyadoo la dhisayo dawladnimo dadkeeda u adeegta, kalsoonina ka haysata, soona xirta albaabka in qof siyaasi ah ku khasbanaado in uu damaciisa siyaasadeed ku waardiyeeyo ama ku kabo qori ama adeegsiga hannaanka kooxaha isku-dhafan ee khatarahooda buugaani uu aad uga digay.
Faallooyinka
Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.
Maqaallo la xiriira

YAA HORTAAGAN DAWLADNIMO KA HANA-QAADDA DHUL-UDUG (PUNTLAND) Qaybta 1-aad

XIGASHADA TAARIIKHDA: Taariikhdu Ma Aha Warin Keliya

