Maqaalo

YAA HORTAAGAN DAWLADNIMO KA HANA-QAADDA DHUL-UDUG (PUNTLAND) Qaybta 1-aad

YAA HORTAAGAN DAWLADNIMO KA HANA-QAADDA DHUL-UDUG (PUNTLAND) Qaybta 1-aad

Taxanaha Wixii Hirgalay iyo Wixii lagu Hungoobay

Qormooyinka taxanaha ah waxaan ku soo gudbinayaa, kuna sawirayaa, xaaladaha dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee Puntland, guurguurka awoodda iyo hoggaanka aan mar walba la mahadin, iyo sidoo kale dadka iyo dabeecadahooda. Waxaan sidoo kale ku eegayaa halka ay Puntland maanta taagan tahay, halka ay u jihaysan karto, iyo waddada loo mari karo dhismaha dowladnimo waarta oo ka hanaqaadda Puntland.

Dawladnimo:

Dawladnimadu waxay leedahay meel laga ambaqaado, balse ma laha dhammaad; waa hannaan joogto ah oo ku dhisan dhisid, horumarin iyo isbeddel. Hay’adaha dawladdu waa halbeegga lagu cabbiro korriimada, hufnaanta iyo waxqabadka dawladnimo, mana aha waxqabad mar keliya la higsado dabadeedna lagu qanco.

Sidaa awgeed, bandhiggan kooban waxa gundhig u ah ARAGTIDA HORUSOCODKA IYO KORRIIMADA DAWLADNIMO, oo ku salaysan horumarinta dad iyo dawladba, iyadoo si joogto ah dib loogu eegayo siyaasadaha, qorshayaasha iyo istiraatiijiyadaha dawladnimo ee bulsho leedahay.

Dawladnimadu waa sarraynta sharciga (Rule of Law), ku dhaqanka xeerarka iyo nidaamyada, iyo raacidda hagayaasha ay dadku samaysteen, kuna heshiiyeen in lagu hago noloshooda iyo deegaankooda. Dawladnimadu waxay aasaas iyo tiirba u tahay dadka; sidaas darteed, korriimada, wacyiga iyo ilbaxnimada bulshada ayaa ah udub-dhexaadka hirgelin kara ama ragaadin kara dawladnimada.

Hindisayaashii aasaasayaasha Puntland:

Aasaasayaashii Dawlad-goboleedka Puntland waxay, sida laga dheehan karo Axdigii/Jaartarkii lagu heshiiyey 15-kii May 1998, niyadda ku hayeen in deegaannada Waqooyi-bari Soomaaliya laga hirgeliyo maamul awood u leh inuu dib u dhiso oo bixiyo adeegyo iyo hawlo ay qaban jirtay dawladdii dhexe ee burburtay sannadkii 1991. Hindisahaas waxa udub-dhexaad u ahaa sugidda amniga, xasilloonida bulshada, hirgelinta kala dambaynta iyo ku dhaqanka sharciga, ururinta dakhliga iyo canshuuraha, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, sida jidadka, garoomada diyaaradaha iyo dekedaha. Sidoo kale, waxaa ka mid ahaa bixinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, gaar ahaan caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo tamarta.

Ararta Axdiga Puntland waxay ku bilaabmaysaa sidan:

“WAXAA NAGA GO’AAN ah inaan waa cusub ambaqaadno, si aan uga sabata-baxno masiibadii iyo dhaxalkii xanuunka iyo arammida lahaa oo ay sababeen Diktatooriyaddii dhacday, dagaalladii sokeeye oo ka sii xumaa iyo ku guuldarraysiga waan-waanta dib-u-heshiisiinta qaran;

WAXAAN KU MINTIDAYNAA yagleelidda hannaan cusub oo horseedi kara Dawlad Soomaaliyeed oo Federaal ah, kuna dhisan nabad iyo caddaalad; …”

Qoraalkani waxa uu xambaarsan yahay aragti cad iyo hindise dawladnimo, oo ka tarjumaya himilo ku wajahan dhismaha nidaam cusub oo ku salaysan nabad, caddaalad iyo federaalnimo, iyadoo loo danaynayo dadka Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Puntland oo Alle u xilqariyey dadkeeduna isu xilqaamay:

Puntland waxay ku qotontaa labo seddexan oo is dheelitira awoodda, siyaasiga iyo mucaaradka, dawladda iyo shacabka, amniga iyo colaadda, waxayna kala yihiin:

SADDEXDA HAY’ADOOD XILKA LOO IDMADAY OO KALA AH XUKUUMADDA, BAARLAMAANKA IYO GARSOORKA

Vs

SADDEXDA AWOOD-BULSHO OO IS XILQAAMAY ISIMO, CULIMO IYO GANACSATO

Labadaan isbarbaryaalla ee lagu ilaalinaayey dawladnimada, wadajirka dhul iyo dad iyo xallinta khilaafaadka, waxay u shaqaynaayeen kali kali, waa marka qayb kasta shaqadeeda ay si caadi u fulinayso, koox koox marka ay dhacdo xaalad ama timaado ugub ah oo xal loo dhan yahay u baahata. Haddaba innagoo sheegi doonna si faahfaahsan, waxaa isweydiin mudan labada seddexan ma isula hana qaadeen si siman mise waa kala dheereeyeen?

Taxanaha Dawladnimada Puntland

Puntland waxay soo martay marxalado kala duwan oo dhanka dastuurka, xukuumadaha, baarlamaanka, garsoorka, qorsheyaasha horumarineed iyo shirarka wadatashiga ah. Taxanaha dawladnimadu wuxuu ka kooban yahay:

  • HAL AXDI IYO LABA DASTUUR:
    Axdigii 1998, Dastuurkii 2005 iyo Dastuurkii 2012 la ansixiyey. Mudadaas waxaa sidoo kale jiray wax-ka-beddello lagu sameeyey Dastuurka, oo ay ka mid yihiin kuwii 2023 iyo 2026.
  • LIX XUKUUMADOOD OO DHAMMAADAY:
    1998–2004, 2004–2005, 2005–2009, 2009–2014, 2014–2019 iyo 2019–2024.
    2024–2029: Xukuumadda toddobaad oo weli xilkeedu socdo, haddii aanu shacabku xilka ka qaadin.
  • SHAN GOLE BAARLAMAAN OO DHAMMAADAY:
    1998–2004, 2004–2008, 2008–2013, 2013–2018 iyo 2018–2023.
    2023–2028: Baarlamaanka lixaad oo hadda jira, haddii uu ka badbaado mooshinnada joogtada ah.
  • LIX GOLE GARSOOR OO DHAMMAADAY:
    1998–2002, 2003–2005, 2005–2007, 2007–2016 iyo 2016–2023.
    2023–illaa hadda: Golaha Garsoorka toddobaad oo weli xilka haya.
  • SHAN QORSHE HORUMARINEED:
    2007–2011, 2014–2018, 2017–2019, 2020–2024 iyo 2026–2030.
  • AFAR SHIRWAYNE OO WADATASHI AH:
    Qardho (1994), Garoowe (1998), Gaalkacyo (2015) iyo Garoowe (Maarso 2020).

KORRIINKA DHISMAHA HAY’ADAHA DAWLADDA

Sannadkii 1998, waxaa unkamay haykalka aasaasiga ah ee dawladnimada Puntland, kaas oo ka koobnaa Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Garsoorka.

Waxaa xusid mudan in hay’adaha dawladeed ee maanta jira aysan dhammaantood hal mar wada samaysmin. Halkii, hay’ad kastaa waxay ku timid baahi soo korortay iyo hawl dawladnimo oo u baahatay hay’ad gaar ah oo fulisa. Sidaas awgeed, dhismaha hay’adaha Puntland wuxuu ahaa hannaan tartiib-tartiib ah oo ku salaysnaa baahida, duruufaha iyo koboca dawladnimada.

GOLAHA XUKUUMADDA

  1. Golaha xukuumadda 1998-dii wadartooda waa 15 xubnood: 9 wasaaradood oo lagu aasaasay iyo afar wasiir ku xigeen oo gadaal laga magacaabay, Madaxweyne iyo kuxigeen;
    1. Golaha xukuumadda 2018kii wadartooda waa 56 xubnood: 19 wasaaradood, 35 wasiir ku-xigeen iyo wasiiru-dawle, Madaxweyne iyo Madaxwayne Ku-xigeen;
    1. Golaha xukuumadda 2026da wadartooda waa 66 xubnood: 21 wasaaradood, 43 wasiir ku-xigeen iyo wasiiru-dawle, Madaxweyne iyo Madaxwayne Ku-xigeen;

SHAQAALAHA DAWLADDA

  • Shaqaalaha dawladda 1998dii waxay ahaayeen 700 oo booliska ku jireen.
    • Shaqaalaha dawladda 2018-kii, tiradooda waxaa lagu qiyaasay 7,500 oo shaqaale rayid ah, halka boolisku uu ahaa 3,800 oo askari.

MIISAANIYADDA

  • Miisaaniyadda 1998 waxay ahayd (180 milyan bishii) 8.4 billion Sh. Soomaali. Xigasho shaqaalihii u horreeyey wasarada maaliyadda. (1USD = 8,500 Shilling).
    • Miisaaniyadda 2026 waa (11milyan oo doolar bishii), 132 milyan doolar sanad, xigasho buuga miisaaniyadda 2026 (Dhaqaalaha dakhliga ee dawladda Puntland iyo kharshka ku baxa adeegga iyo mushaaraadka marka laysu fiiriyo ma isku dheelli tiranyihiiin mise waxaa jira goldoloole qorshayn dhaqaale? Canshuuraha si sax ah ma loo ururiyaa, khasnadda dawladda malagu shubaa, dawladda dadka ma ugu adeegtaa dakhliga canshuurta mise dane kale iyo fadlan bay ku baxaan? dood baa halkaa ka furan!).

Dhulka: Goboladda iyo Degmooyinka

Puntland waxaa lagu aasaasay 5 gobol iyo hal degmo (Bari, Sanaag, Nugaal, Sool. Mudug iyo Degmada Buuhoodle). Waxaa samaysmay maamul la magac baxay Maamul Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya oo la go’ay qaar ka mid ah gobolladii iyo degmooyinkii Puntland lagu aasaasay (Sool. Ceyn, Sanaag iyo Haylaan)

Doorashada Golayaasha Degmooyinka

Markii ugu horreysey ka gadaal 24 sano aasaaskii Puntland ayaa dawladda Puntland u talaabsatay inay hirgeliso doorashada tooska ah ee dadku ku dooranayaan xubnaha ku metelaya Golaha Deegaanka ee 36 Degmo oo ka tirsan Puntland. Doorashada oo ku bilaabatay tijaabo ayaa 3 degmo laga qabtay 2021, 30 degmana 2023, halka 3 degmo ee harsanaa laga qabtay 2024. Tallaabadan ayaa waxay kow ka tahay in dadka loo rumeeyo riyadii lagu asteeyey axdiga lagu aasaasay Puntland 1998dii.

Milicsi kooban: Xaaladda Amni, Dhaqaale, Horumar, Arrimaha Bulshada iyo Xiriirka Dawladda iyo Shacabka, Xiriirka Puntland iyo Dawladda Federaalka (Qalfoof aan Qar lahayn)

  1. Amniga iyo Nabadgelyada: Fursadda nabagelyada ka jirta Puntland waxay ku dhisan tahay dadka oo nabadda jecel, isimmada, culimada iyo ganacsatada oo aan dawladda ku hallayn amniga deegaannada Puntland. Haykalka hay’adaha amniga oo dhisan, laakiin aan u adeegin hannaan kala danbayn, isla-xisaabtan iyo isa-sixid dawladnimo. Ciidanka oo beelaysan iyo ciidanka caagleysiga oo badan; sababtuna ay tahay Madaxweyne kasta oo la doorto oo dhisa ciidan beeshiisa ah. Hubka ku jira gacanta shacabka oo si ula kac ah madaxweyne kasta u dhiirrigeliyo beeleysiga. Aragagixisada nabad diidka buuraha Golis (Calmadow iyo Calmiskeed). Isku-dhacyada xuduudaha ee Puntland-Somaliland, Puntland-Galmudug Puntland-Northeastern. Xiriirka bulshada iyo ciidammada amniga oo liita, halka laga sugaayey ciidan amniga shacabka ka shaqeeya oo ay u bedeleen ciidan shacabka ka shaqaysta.
  1. Dhaqaalaha iyo Ganacsiga: Dhaqaalaha Dawladda Puntland wuxuu ku tiirsan yahay Canshuuraha iyo Deeqaha la helo. Nasiib darro waxaa hareeyey Musuq-maasuq baahsan dakhlliga (canshuurta iyo deeqaha gudaha iyo caalamgia). Hab-maamullka dhaqaalaha iyo hantida dawladda oo aan lahayn isla xisaabtan iyo raad-raac. Ganacsiga iyo dhaqaalaha bulshada oo aan fadhin/xasilloonayn iyo sida aysan u jirin siyaasado iyo bankiyo ganacsiga duljoogteeya hagana. Abaaraha soo noqnoqda iyo nabaad-guurka deegaanka (mid dabiici ah iyo mid xaalufin iyo jariifba keenaan), Puntland oo aan lahayn bangi, hannaan lagu nidaamiyo sarrifka lacagaha maxalliga iyo qalaad ee ganacsigu ku tiirsan yahay. Amniga magaalooyinka waaweyn oo saameeyey nolosha ganacsatada maxalliga iyo kuwa ka iman jiray koonfurta iyo galbeedka Soomaaliya (takoorka iyo xarriga dadka koonfurta iyo galbeedka Soomaaliya ka yimaada).
  1. Kaabayaasha Dhaqaalaha Kaabayaasha dhaqaale ee Puntland ku soo baraartey waxay kala yihiin: Dekedda Boosaaso iyo Jidka isku xira Boosaaso-Gaalkacyo, Laascaano-Garoowe. Nasiib-daro dekedda baaxadeeda oo kooban iyo iyadoo wax horumar ah aan lagu samayn waxay lumisay kaalintii ay Dekedaha Soomaaliya kaga jirtay.

Talaabada xukuumadda ee ay gacanta ugu gelisay dekedda Boosaaso shirkadda DP-WORLD ayaanan la mahadin, maantana dekedda Boosaaso maraakiib iska daayee doonyo ayaanan ku xirmi karin (tolow qorshaha dawladda ma wuxuu ahaa xiridda dekedda Boosaaso? Mise in dadka la barakiciyo ayaa la rabaa?)

  1. Arrimaha Bulshada: Adeegyada caafimaad, waxbarasho, dhalinyaradda iyo haweenka intaba horumar baa laga sameeyey 28kii sano ee la soo dhaafay, hirgelintooda waxaa ka danbeeya awoodda shacabka.  Adeegga caafimaad ee Puntland aad buu u hooseeyaa, waxaana la wada qirsan yahay in safarka ugu badan ee dibadda shacabku u aadaan in uu yahay safar caafimaad (Hargeysa, Boorame, Muqdisho, Hindiya, Turkiga, Masar, Kenya iyo Itoobiya). Waxbarashada 95% waxaa gacanta ku haya shacabka, dawladdu wax ay ku darsatay ma jirto, mana u qorsheysna inay wax ku darto ama ku biiriso. Siyaasado iyo qorshe waraaqo ku qoran mooyee, dawladda Puntland marna ma fulin barnaamijyo khasnadda dawladda laga kaalmeeyey oo ku jiheysan horumarinta dhalinyarada iyo haweenka.
  1. Xiriirka Dawladda Puntland iyo Federalka iyo Maamul Goboleedyada: Waxaa caad saarnayn siyaasadda gurracan ee maamulka Puntland laga bilaabo xukuumaaddii Cabdiraxmaan Faroole ilaa tan hada joogta in Puntland ay noqotay mid saamayn aan ku lahayn Dawladda Federaalka hay’adaheeda kala duwan, jihada siyaasadda Soomaaliya u socoto iyo talada dalka guud ahaan. Waxaa lumay saamigii shacabka Puntland ay ka heli jireen deeqaha caalamiga iyo qoondooyinka Dawladda Federaalka sabatuna ay tahay siyaasadda maamullada taxanaha ahaa ee Puntland ee fadhiidka ah, kuna salaysan “INYAW”.

Guudmar Caqabadaha Horusocodka Puntland

  • Maamulkii ugu horreeyey oo qaatay waddo qalloocan; xilli kororsi dhiig ku daatay oo keenay in dib loo beelo-beeloobo, balse laga gudbay.
  • In Jaartarkii (Axdigii) loo beddelo dastuur dhamaystiran qaadatay 14 sano,
  • Puntland oo lumisey deegaanno ka mid ah Puntland, sida gobolka Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.
  • Hindisihii nidaamka axsaabta badan oo aan si joogta ah loo hirgelin.
  • Khilaafyo gudaha (leh iska hor-imaad hubaysan) iyo dagaallo xuduudaha Galmudug iyo Somaliland.
  • Khilaaf Joogta ah xilliga doorashada/xulista xubnaha Golaha Wakiillada, gaar ahaan hannaanka magacaabidda guddiga khilaafaadka. Sidoo kale waxaa ugub ah boobka xulista xildhibaannada federaalka ee madaxda Puntland caadaysteen.
  • Xukuumadaha oo aan mudnaanta siinin maamul-wanaag, musuq la dirir iyo daahfurnaan hay’adaha dawladda

Waxyaabaha aan lagu guuleysan

  • Xukuumadaha soo maray Puntland oo dhan oo aan samaynin siyaasad iyo aragti horumarineed oo shacabka iyo dawladda ku wada socdaan, leh wadatashi iyo xog-wadaag.
  • Maxkamadda dastuuriga oo aan si hufan oo madaxbannaan loo dhisin.
  • Amniga magaalooyinka waaweyn oo aan gaarin heerkii loo gudbi lahaa horumar iyo maalgashi shisheeye.
  • Xukuumadaha isdaba yaallay oo aan wadatashi kala samaynin bulshada (xeel-dheerayaal) arimaha masiiriga ee Puntland walow dastuurka la farayo.
  • Hubka oo aan bulshada laga ururin, taa baddalkeeda Puntland waxay fasaxday in hubka si beelaysan loola soo dago.
  • Adeegyada aasaasiga oo aan la gaynin qaybo ka mid ah deegaannada gaari-waaga ee laamiga ka leexsan
  • Bulshada degen xeebaha oo aan helin wax adeeg horumarineed, sida waddooyinka, amniga, tamarta, waxbarashada iyo caafimaadka.

Dhibaatooyinka Bulshada

Dhibaatooyinka bulsho ee jiray mudadan waxaa ka mid ah:

  • Shaqo la’aan; dhalintu ma helaan jihayn iyo hirgelin barnaamijyo iyo siyaasado shaqo abuur lagu beegsanayo:
    • Dhallinta waxbaratay dalka gudahiisa iyo kuwa dibada ka soo yimi
    • Dhallinta ka soo barakacday gobollada kale ee aan Puntland ka tirsanayn
    • Dhallinta ka soo gashay miyiga lagu cayroobay
    • Dhallinta badda ka jillaaban jirtay ee jariifku barakiciyey
  • Tahriibta; dhalinta wax baratay rag iyo dumar oo ahaa labeenta bulshada oo ku idlaanaya badaha guunkooda.
  • Burcad badeedda; dhammaan xeebaha Puntland, balse hadda soo laba kacleeyay.
  • Dhallinyarada oo si xun uga faa’iideystaan ururrada argagixisada iyo ciidan beelaynta.
  • Qaadka oo burburiyey dhaqaalaha iyo qoyska in badan oo reer Puntland ah, welina aan qorshe laga samayn xakamayntiisa.
  • Qabyaaladda iyo faquuqa/takoorka dadka nugul ama la tunjilicsado oo aan dawladdu wax tallaabo ka qaadin.

La soco qaybta 2-aad

La wadaag

Faallooyinka

Ka qeyb qaado dooda. Faallooyinka waxaa dib u eegaya Guddiga Tifaftirka ka hor inta aan la soo bandhigin.

Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.

Maqaallo la xiriira