Maqaalo

Taxanaha “Diin iyo Dawlad”. Qaybtii 4-aad

Taxanaha “Diin iyo Dawlad”. Qaybtii 4-aad

Kala soocidda Diinta iyo Siyaasadda: Xaggee bay salka ku haysaa? Islaamkuse muxuu ka qabaa?

Hordhac

Taxanaha “Diin iyo Dawlad” waxaan ugasoo hadlay Mad-habka Calmaaniyadda oo diinta ku koobaya xiriirka u dhexeeya qofka iyo Allaha abuuray, nolosha iyo maaraynteedana ka fogaynaya, wuxuuna salka ku hayaa dhaqan reer Galbeed oo diinta u arka mid aan ku habboonayna inay saamayn ku yeelato maaraynta nolosha dhinac kastaba.

Maqaalkan waxaan ku qaadaa-dhigaynaa xiriirka u dhexeeya “Diinta iyo Siyaasadda”; innagoo dul-istaagayna mowqifka ay ka kala taagan yihiin “Calmaaniyiinta” oo iyagu kala soocaya, diintana ku gaar yeelaya xiriirka qofka iyo Allaha abuuray u dhexeeya; dhinaca kalena waxaan dul-istaagaynaa mowqifka Islaamka iyo Islaamiyiintu ay ka taagan yihiin xiriirka u dhexeeya “Diinta iyo Siyaasadda”.

Sidaan kusoo faahfaahinnay maqaalkii kusoo baxay Cadadkii 16-aad ee Marag; haddii aan fahanno macnaha iyo qeexidda mid kasta oo ka mid ah diinta iyo siyaasadda, waxaa suurtagal noqonaysa inaan si qoto dheer u garanno xiriirka ka dhexeeya labadooda. Haddaba, xiriirkoodu ma yahay xiriir iska hor imaad iyo isdiiddo ah, oo haddii midkood jiro kan kale meesha ka baxayo? Mise waa xiriir is-dhexgal iyo isku-xirnaan ah, oo midkoodna uusan ka maarmi karin kan kale, isla markaana aan midkoodna si buuxda uga go’i karin kan kale? Mise waa xiriir wada-noolaansho iyo is-faham ah, sida laba qof oo ku kala duwan diin, mad-hab, qowmiyad ama dal, haddana ku heshiis ah inay ka wada shaqeeyaan arrin ka dhaxaysa oo ay dani ugu jirto labadoodaba; ama sida dowlado ku kala duwan dhinaca fikirka iyo mabda’a siyaasadeed ay ugu heshiin karaan wada-noolaansho nabadeed oo ay si wadajir ah u wadaagaan?

Mowqifka Calmaaniyiinta ee ku aaddan “Diinta iyo Siyaasadda”

Dhanka Cilmaaniyiinta, xiriirka ka dhexeeya diinta iyo siyaasadda waxay u arkaan oo keliya inuu yahay xiriir isdiiddo iyo iska hor imaad ah. Waxay qabaan in diinta iyo siyaasaddu yihiin laba arrimood oo iska soo horjeeda; sidaas darteedna labadoodu aysan kulmi karin.

Waxay aaminsanyihiin inay kala duwan tahay: masaadirtooda (isha ay kasoo burqadaan), dabeecadahooda iyo ujeeddooyinkooduba. Diintu waxay ka timid xag Alle, halka siyaasaddu ay ka timid bani’aadamka. Diintu waxay ku dhisan tahay daahirnimo, toosnaan iyo hufnaan, halka siyaasadda ay ku tilmaamaan khiyaano, leex-leexad iyo dhagar. Diintu waxay hiigsataa aakhiro, halka siyaasaddu ay ku foogan tahay danaha adduunyada.

Sidaas awgeed, waxay qabaan in diinta loo daayo dadka wadaadadda ah iyo masaajidka, halka siyaasaddu ay tahay maaraynta nolosha nooc kasta oo ay tahayba.

Waxaa dalka Israa’iil lagu qabtay siminaar (nadwo cilmiyeed) ay ka qaybgaleen, dhinaca Masar, Dr. Mustafa Khalil, oo ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Masar, Boutros Ghali, oo ahaa Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda ee Masar, iyo dhowr aqoonyahan oo Israa’iiliyiin ah oo ku takhasusay arrimaha siyaasadda iyo dunida Carabta. Siminaarkaas wuxuu dhacay 19-kii Diseembar 1980.

Intii uu siminaarku socday, Dr. Mustafa Khalil wuxuu hadal u jeediyey ka qaybgalayaashii Israa’iiliyiinta, isagoo yiri: “Waxaan jeclaan lahaa inaan idin xaqiijiyo in annaga Masriyiintu aan kala saarnno diinta iyo qarannimada (qowmiyadda), isla markaana aanan marnaba aqbalayn in hoggaamiyayaasheenna siyaasadeed ay ka shidaal qaataan caqiidooyinkeenna diimeed.”

Markii uu Mustafa Khalil hadalkiisa dhammeeyey, ayaa Professor David istaagay oo ugu jawaabay: “Idinku, Masriyiin ahaan, waxaad xor u tihiin inaad kala saartaan diinta iyo siyaasadda; hase yeeshee, waxaan jeclaan lahaa inaan idin sheego in annaga reer Israa’iil ahaan aan diidannahay inaan niraahno Yuhuudnimadu waa diin oo keliya. Taa beddelkeeda, waxaan si cad idiinku adkaynaynaa in Yuhuudnimadu ay tahay diin, shacab, iyo waddan”.

Hordhacyadaas oo dhami, ma aha kuwo la aqbali karo. Siyaasadda waxaa ka mid ah waxyaabo uu Ilaahay na faray; siyaasadduna dhammaanteed ma aha khiyaano, leex-leexad iyo dhagar, balse waxaa ka mid ah siyaasad ku dhisan toosnaan iyo ku dhaqanka mabaadi’da akhlaaqda wanaagsan. Sidoo kale, waxaa jira siyaasad laga leeyahay ujeeddo aakhiro iyo doonista ajarka iyo raalli ahaanshaha Eebbe Weyne.

Waxay kaloo Calmaaniyiintu diidaan fikradda ah in Islaamku yahay diin dhamaystiran oo dhinacyada nolosha oo dhan isku xirta, taas oo ay qaateen dadkana ugu yeeraan dhammaan ducaadda iyo muslixiinta Islaamiga ah ee xilligan casriga ah. Waxay Calmaaniyiintu doonayaan caqiido aan lahayn shareeco, cibaado aan lahayn macaamalaad, diin aan lahayn adduun, dacwo aan lahayn dowlad, iyo xaq aan lahayn awood.

Waxa keliya ee Calmaaniyaddu si cad oo xooggan uga soo horjeeddo waa Shareecada Islaamka; waayo Shareecadu waxay xukunnadeeda ku nidaamisaa dhammaan dhinacyada nolosha Muslimiinta, waxayna dejisaa xeerar iyo hagayaal ka ilaalinaya jahawareerka iyo leexashada.

Taas waxaa ka mid ah arrimaha quseeya qoyska, bulshada, iyo dowladdaba; sidoo kale Shareecadu waxay nidaamisaa xiriirrada gudaha iyo kuwa dibadda, xilliyada nabadda iyo xilliyada dagaalkaba.

Dhinacyadan oo dhan waxaa si qoto dheer uga hadlay fiqiga Islaamka, iyada oo lagu faahfaahiyey mad-habyadiisa iyo madaaristiisaa kala duwan. Culimada Muslimiintuna waxay ka tageen dhaxal sharciyeed aad u ballaaran oo hodan ah, kaasoo looga maarmayo in loo baahdo sharciyo shisheeye oo diinteenna sal ku lahayn.

Sharciyada laga soo min-guuriyo bulshooyin kale kama soo farcamaan deegaankeenna, mana ka unkamaan caqiidadeenna, qiyamkeenna iyo dhaqammadeenna suubban. Sidaas darteed, waxay ahaanayaan sharciyo shisheeye oo aan bulshada si dabiici ah ula jaanqaadi karin, marwalbana gumaystuhu khasbayo ku dhaqankiisa.

Waxayna Calmaaniyiintu aragtidooda ku dhiseen tiirar iyo mabaadi’ ay ka mid yihiin:

  1. Inkiridda iyo diidmada fikradda ah “Islaamku waa diin dhamaystiran oo dhinacyada nolosha oo dhan koobaysa” ee ay aaminsan yihiin Islaamiyiintu.
  2. In diinta laga sooco siyaasadda, siyaasaddana laga sooco diinta, iyo faafinta oraahda ah: “Siyaasadda diin kuma jirto, diintana siyaasad kuma jirto.”
  3. In la ceebeeyo lana cambaareeyo dadka ku baaqaya in lagu dhaqmo Shareecada Islaamka, iyadoo lagu eedaynayo inay yihiin “Islaam siyaasadeed” (Political Islam).
  4. Sheegashada in diintu siyaasadda ku xaddidayso ku-dhaqanka xaraf-raaca qoraallada diinta, aysanna tixgelin siinayn danaha guud (maslaxadda); sidaas darteedna ay ummaddu ku waayi doonto dano iyo fursado badan, taas oo ka dhalanaysa aragtidan cidhiidhiga ah.
  5. Sheegashada in dabaceedda siyaasaddu tahay isbeddel joogto ah, halka diintana loo arko inay ku dhisan tahay sugnaansho aan-isbeddelin; isla markaana dib-u-cusboonaysiinta loo tixgeliyo bidco iyo baadi. Sidaas darteed, ayay ku doodaan in diinta iyo siyaasaddu aysan is waafaqi karin.

Kala soocidda Diinta iyo Siyaasadda

Waxa ugu horreeya ee ay Calmaaniyiintu ka soo saareen aragtidooda ku aaddan xiriirka ka dhexeeya siyaasadda iyo diinta wuxuu ahaa inay si buuxda u kala saaraan siyaasadda iyo diinta, diintana siyaasadda ka gooyaan. Waxayna faafiyeen oraahda caanka noqotay ee leh: “Siyaasadda diin kuma jirto, diintana siyaasad kuma jirto”. Hase yeeshee, oraahdan kuma taagna saldhig adag oo ay cuskan karto marka lagu miisaamo dood cilmiyeed iyo dhaliil maangal ah.

Balse, waxaa kaloo jira qaar xag-jir ah oo ku baaqa in diinta laga sooco nolosha oo dhan, iyagoo qaba inaysan diintu wax door ah ku yeelan karin nolosha bulshada, marka laga reebo inay ku koobnaato damiirka qofka. Haddii loo oggolaado inay kaalin ka sii ballaaran yeelato, waxay ku koobayaan oo keliya gudaha goobaha cibaadada, sida kaniisadda ama masaajidka. Aragtidan ayuu Dr. Cabdul-Wahaab al-Masiiri ugu yeeray: “Cilmaaniyadda dhamaystiran” (العلمانية الشاملة).

Ka doodista oraahda: “Siyaasadda diin kuma jirto”

Haddaba, maxay ka dhigan tahay oraahda ah: “Siyaasadda diin kuma jirto”? Ma waxay ka dhigan tahay in siyaasadda aysan lahayn wax diin ah, sidaas darteedna aysan ku xirnaanayn qiyamka iyo xeerarka diineed, balse ay tahay siyaasad pragmatic ah (waaqici-ku-danaysi ah) oo raacda manfacada meel kasta oo ay ka jirto? manfac maaddi ah, manfac xisbiyeed ama qaran, iyadoo la aaminsan yahay in maslaxadda degdegga ahi ay ka sarreyso diinta iyo mabaadi’deeda, isla markaana Ilaahay amarkiisa iyo reebitaankiisa, iyo xisaabtiisa aakhiro aysan meel ku lahayn dunida siyaasadda?

Runtii, aragtidani waa falsafaddii Machiavelli, oo aaminsanaa siyaasadda akhlaaqda ka arradan, kuna dhisan mabda’a ah: “Ujeeddadu waxay qiil u samaysaa waddada ama habka loo marayo”(الغاية تبرر الوسيلة) .

Waa aragti ay dawladaha keliteliska ah ku marmarsiyoodaan qiilna uga dhigaan dambiyada ay ka galaan shacabkooda, gaar ahaan kuwa ka soo horjeeda. Sidaas darteed, kama waabanayaan inay xasuuqaan mucaaradka, ilaha dhaqaalahana ka jaraan, iyo inay cadaadiska ku sii adkeeyaan, iyagoo ku doodaya in tallaabooyinkaas loo baahan yahay si loo ilaaliyo amniga qaranka iyo xasilloonida dalka.

Bani’aadamku dhab ahaantii ma hagaagi karo haddii aan loo helin siyaasad ay hagayaan qiyamka diinta iyo xeerarka akhlaaqdu, isla markaana ku dhaqanta halbeegyada khayrka iyo sharka, iyo miisaannada xaqa iyo baadilka.

Marka siyaasadda lagu xiro diinta, waxay ka dhigan tahay: in caddaalad lagu dhaqo dadka la maamulayo; in wax loogu qaybiyo si siman; in qofka la dulmiyey looga xaqsooro kan dulmiga u geystay; in qofka tabarta daran xaqiisa laga siiyo qofka awoodda leh; in dadka loo abuuro fursado siman; in la daryeelo qaybaha nugul ee bulshada, sida agoonta, masaakiinta iyo musaafiriinta ku go’dooma safarka; iyo in si guud loo ilaaliyo xuquuqda aasaasiga ah ee aadamaha.

Diintuna waxay ku dhiirrigelisaa bulshada mu’miniinta ah inay sheegaan hadalka xaqa ah, talo iyo waano siiyaan madaxda, isla markaana la xisaabtamaan, oo ay toosiyaan marka ay ka leexdaan jidka saxda ah. Waa inay xaqa ku hadlaan iyagoo aan ka baqayn canaan qof wax canaanta, si aysan ugu dhicin waxa Qur’aanku uga digay:

(واتقوا فتنة لا تصيبن الذين ظلموا منكم خاصة واعلموا أن الله شديد العقاب) الأنفال: 25.

“Ka dhowrsada fitno aan ku koobnaan doonin kuwa idinka mid ah ee dulmiga sameeyey oo keliya, ogaada in Eebbe ciqaabtiisu daran tahay” (Suuradda Al-Anfaal: 25).

Sidoo kale, si aysan ugu dhicin wixii Rasuulka ﷺ uu ummaddiisa uga digay:

(إذا رأيت أمتي تهاب أن تقول للظالم: يا ظالم، فقد توُدِّع منهم) رواه أحمد في المسند.

“Haddii aad aragto ummadayda oo ka baqaysa inay qofka dulmiga sameeya ku tiraahdo: ‘Daalimow!’, markaas la sagootiyey, waxayna la mid tahay ummad dhimatay”.

Macnaha hadalka “waa la sagootiyey” waa in markaas aysan khayr ku sii jirin; joogitaankooda iyo maqnaanshahooduna ay isku mid noqonayaan.

Islaamku sidee u arkaa “Calmaaniyadda”

Aragtida Islaamka waxaa saldhig u ah in Alle (SWT) uu yahay midka abuuray dunida; islamarkaasna masuul ka ah maamulkeeda, amarkeeda iyo daryeelkeeda sida Quraankuba noo caddeeyey:

(ألا له الخلق والأمر تبارك الله رب العالمين) الأعراف: 54.

Macnaha guud ee aayaddu waa: “Ogaada! Abuuridda iyo amarkaba Isagaa iska leh. Waxaa barakaysan Allaah, Rabbiga caalamka”.

Qur’aanka Kariimka ahi wuxuu si cad u buriyey oo u beeniyey aragtida jaahiliyadda shirkiga ah—oo bah-wadaag la ah aragtida Aristotelian-ka—ee ku saabsan baaxadda iyo saamaynta Awoodda Alle. Sida ay labada aragtiyoodba qabaan, Ilaahnimadu waxay ku koobnaanaysaa oo keliya abuuridda; halka maamulka iyo maaraynta nolosha aadamaha ay ka fogaynayaan labada aragtiyoodba Allaha koonka abuuray.

Sidaas awgeed, aragtida Qur’aanku waxay burinaysaa kala-qaybintaas u dhexaysa abuuridda iyo maamulka, ama u dhexaysa awoodda Alle iyo maaraynta nolosha adduunyada. Allaah ma aha oo keliya Abuuraha koonka, balse sidoo kale waa Rabbigiisa, Maamulihiisa iyo Kan leh amarka iyo xukunka.

Alle wuxuu yiri:

(ولئن سألتهم من خلق السموات والأرش ليقولن الله قل أفرأيتم ما تدعون من دون الله إن أرادني الله بضر هل هن كاشفات ضره أو أرادني برحمة هل هن ممسكات رحمته قل حسبي الله عليه يتوكل المتوكلون) الزمر: 38.

Macnaha aayadda: “Haddii aad weydiiso: ‘Yaa abuuray samooyinka iyo dhulka?’ Waxay hubaal odhanayaan: ‘Allaah.’ Dheh: ‘Bal ka warrama waxa aad Allaah ka sokow baryaysaan; haddii Allaah uu idinla doono dhib, ma iyagaa ka faydi kara dhibkiisa? Ama haddii uu idinla doono naxariis, ma iyagaa celin kara naxariistiisa?’ Dheh: ‘Allaah ayaa igu filan. Isaga ayay talo saartaan kuwa talo saarta.’”

Aayaddani waxay muujinaysaa is-khilaafka weyn ee ku jiray caqiidada mushrikiinta uu ahaa inay qireen in Allaah yahay Abuuraha samooyinka iyo dhulka, laakiin haddana waxay caabudi jireen waxyaabo kale oo ay u malaynayeen inay dhex-dhexaadin karaan iyaga iyo Alle; ama waxyeello iyo faa’iido keeni karaan.

Marka la barbardhigo aragtida calmaaniyadda, Islaamku wuxuu soo bandhigayaa aragtidiisa ku wajahan baaxadda iyo heerka uu gaarsiisan yahay hawlgalka iyo maamulidda Eebbe (Alle) ee koonka. Alle waa Abuuraha wax kasta, Maamulaha arrin kasta; xitaa arrimaha uu bani’aadamku awood u leeyahay, kuwaas aan ka baxsanayn awooddiisa, rabitaankiisa iyo ficilladiisa, haddana ma aha kuwo uu si madax-bannaan u leeyahay. Bani’aadamku wuxuu leeyahay kaalinta khaliifnimo ee Alle uu u igmaday dhulka; wuxuu maamulaa umuuraha koonka isaga oo ku shaqaynaya idanka Alle, xilka shareecadu saartay iyo mas’uuliyadda khilaafada. Sidaas darteed, bani’aadamku waa wakiilka Alle ee dhulka, waxaana ku waajibay inuu u hoggaansamo Shareecadiisa, taas oo ka dhigan qodobbada heshiiska iyo ballanta khilaafada (istikhlaafka).

Arrintaas waxa caddaynaya hadalka Alle ee Qur’aanka Kariimka ah:

(إن ربَّكم الله الذي خلق السموات والأرض في ستة أيام ثم استوى على العرش يدبر الأمر ما من شفيع إلا من بعد إذنه ذلكم الله ربكم فاعبدوه أفلا تذكرون) سورة يونس: 3.

“Rabbigiinnu waa Alle, kan abuuray samooyinka iyo dhulka lix maalmood gudahood, dabadeedna ku ekaaday Carshiga. Wuxuu maamulaa amarka oo dhan. Ma jiro cid shafeeco samayn karta idankiisa mooyee. Kaasi waa Alle, Rabbigiin; ee caabuda. Miyeydaan haddaba waano qaadanayn?” (Suuradda Yuunus: 3).

Sidaas awgeed, aragtida Islaamku ka bixiyo baaxadda hawlgalka iyo maamulka Alle (Subxaanahu wa Tacaalaa) waxay gebi ahaanba meesha ka saaraysaa saldhigga ay ku taagan tahay Calmaaniyaddu. Waa wax aan suurtagal ahayn in qalbiga qof Muslim ahi ay ku kulmaan iskuna waafaqaan laba aragti oo is-diiddan: midda rumaynaysa in Alle yahay Maamulaha wax kasta, daryeelaha arrin kasta, isla markaana gacanta ku haya maamulka koonka oo dhan; iyo midda kale ee ku baaqaysa in samada laga gooyo dhulka (Waxyiga Alle iyo diinta la fogeeyo), lagana xoreeyo nolosha iyo ilbaxnimada aadanaha hagidda, xeerarka iyo xuduudaha maamulka Alle.

Sidaa darteed, caqiidada Islaamku ma oggolaanayso in maamulka iyo hanuunka Eebbe laga saaro nolosha bani’aadamka, waayo maamulka Alle wuxuu koobayaa dhammaan dhinacyada jiritaanka iyo nolosha, mana jiro goob ka baxsan hanuunkiisa iyo xukunkiisa.

Waxa kale oo uu aqoonyahanka reer Iswiiserlaand ee ku takhasusay barashada Bariga (Orientalist), Marcel Boisard, adkeeyay kala-duwanaanshaha u dhexeeya sharciga Islaamka (Shareecada) iyo Qaanuunka madaniga ah ee Calmaaniyadda, isaga oo tilmaamay in ay ku kala duwan yihiin: isha (Masdarka) ay ka soo farcamaan iyo ujeeddooyinka ugu dambeeya ee ay hiigsanayaan. Wuxuuna yiri:

“Waxaa muhiim ah in la xuso farqiga asaasiga ah ee u dhexeeya Shareecada Islaamka iyo sharci-dejinta casriga ah ee Yurub, ha noqoto dhinaca ilaha ay ka soo farcamaan ama ujeeddooyinka kama dambaysta ah ee ay hiigsanayaan. Isha sharciga ee dimuqraadiyadda Galbeedka waa rabitaanka shacabka, halka ujeeddadiisuna tahay sugidda nidaamka iyo caddaaladda bulshada dhexdeeda. Islaamka se, sharcigu wuxuu ka soo jeedaa Alle; sidaas darteed, ujeeddada aasaasiga ah ee mu’minku hiigsanayo waa inuu u dhowaado Alle, isaga oo ixtiraamaya waxyiga kuna dhaqmaya xeerarkiisa.”

Gunaanad

Burburka ku yimid Soomaaliya ayaa sahlay in afkaaro badan oo kharriban oo ay Calmaaniyaddu ka mid tahay ay ku dhex faafaan da’yarta soo koraysa, Dr. Saadiq oo ka faalloonaya arrintaan ayaa yiri: “Afkaarta kharriban ee caalamka meeraysanaysa, ummaduhu sida ay xuduudda u ilaashadaan ayay isaga ilaaliyaan. Haddii xoogagga ciidanka dawladaha ay yihiin kuwa xasiliya nabadgeliyada xuduudaha, aqoon-yahannada iyo mufakiriinta ayaa waxay yihiin waayeelka bulshada ka ilaasha fikradaha dhaawacaya masaalixda bulshadooda. Bur-burka Soomaalida heley wuxuu salka ku hayaa afkaartaas caalamka meeraysanaysa oo meelo fog laga hagayo. Waxgaradkii Soomaalida waa ay ku saaqideen sidii ay ula tacaamuli lahaayeen”.

Waa xaqiiqo jirta hadalkaas Dr. Saadiq, balse Soomaaliya aqoon-yahankeedu maku baraarugsan yahay afkaaraha kharriban oo dalka dhex mushaaxaya, laguna dhex faafinayo bulshadeenna gaar dhallinyada iyo da’yarta soo koraysa, iyadoo looga fogaynayo diinta wanaagsan iyo dhaqanka iyo akhlaaqda suubban. Warhooy fadhiga halaga kaco.

Tixraac

  1. الدين والسياسة للدكتور يوسف القرضاوي، من إصدارات المجلس الأوروبي للإفتاء والبحوث، دبلن، 2007.
  2. الإسلام والعلمانية وجهاً لوجه للدكتور يوسف القرضاي رحمه الله، مكتبة وهبة، القاهرة، 1997م.
  3. العلمانية بين الغرب والإسلام للدكتور محمد عمارة، دار الدعوة للنشر والتوزيع، الكويت، 1996م.
  4. مستقبل الثقافة في مصر للدكتور طه حسين، طبعة القاهرة، 1938م.

Islaamka iyo Calm

La wadaag

Faallooyinka

Ka qeyb qaado dooda. Faallooyinka waxaa dib u eegaya Guddiga Tifaftirka ka hor inta aan la soo bandhigin.

Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.

Maqaallo la xiriira