
Kala soocidda Diinta iyo Siyaasadda: Xaggee bay salka ku haysaa? Islaamkuse muxuu ka qabaa?
Hordhac
Taxanaha “Diin iyo Dawlad” waxaan ugasoo hadlay Mad-habka Calmaaniyadda oo diinta ku koobaya xiriirka u dhexeeya qofka iyo Allaha abuuray, nolosha iyo maaraynteedana ka fogaynaya, wuxuuna salka ku hayaa dhaqan reer Galbeed oo diinta u arka mid aan ku habboonayna inay saamayn ku yeelato maaraynta nolosha dhinac kastaba.
Qormadaan iyo tan xigtaba waxaan ku qaadaa-dhigayaa “Kala soocidda diinta iyo siyaasadda” oo ah calaamadda koowaad ee lagu yaqaan Mad-habka Calmaaniyadda, anigoo milicsanaya meesha ay salka ku hayso iyo Islaamku wuxuu ka qabo.
Si loo fhamo mowduuca aan ka hadlayno, waxaan marka hore qeexaynaa macnaha erayada Diin iyo Siyaasad, si ay noogu fududaato fahanka mawduuca laga hadlayo:
Fasiraadda kalmadaha: “Diin” iyo “Siyaasad”:
1/ Kalmadda “DIIN”: luqad ahaan waxay lagu macneeyaa sida soo socota:
- Macnaha 1-aad: Diinta (الدين) asal ahaan waxaa loo isticmaalaa xukunka, maamulidda iyo awoodda lagu hago arrimaha aadanaha, kuwaas oo ka mid ah hawlaha boqorrada iyo madaxda, sida siyaasadda, maamulka, garsoorka, awood-ku-fulinta, isla xisaabtanka iyo abaalmarinta ama ciqaabta. Taas waxaa daliil u ah qowlka Alle ee ah: (مالك يوم الدين/ الفاتحة: 4): oo macnaheedu yahay: Maalinka Xisaabta iyo Abaal-marinta, maalinta dadka lagu qaadayo isla xisaabtan laguna guddoonsiinayo wixii ay camal faleen. Sidoo kale, xadiiska Nabiga (NNKH) ee leh: (الكيس من دان نفسه): “Qofka caqliga badan waa kan naftiisa xukuma, xakameeya, islamarkaasna ku haga jidka toosan”.
Waxaa isna macnahaa xambaarsan, ereyga “Ad-Dayyaan” (الديّان), waxaana loola jeedaa Xaakimka iyo Garsooraha, kan dadka ku kala xukuma caddaaladda, isla markaana kula xisaabtama falalkooda, waana magac ka mid ah magacyada Alle.
Sidaas awgeed, marka loo eego dhinaca luqadda iyo asalka ereyga, diintu ma aha oo keliya caqiido ama cibaado gaar ah, balse waxay xanbaarsan tahay macnaha maamul, xukun, nidaamin, isla xisaabtan iyo abaalmarin ama ciqaab ku dhisan amar iyo hoggaan.
- Macnaha 2-aad: diinta waxaa loola jeedaa u hoggaansamidda iyo adeecidda, iyo sidoo kale cibaadada iyo dhawrsanaanta (taqwada). Oraahda “Diintu Alle ayay u sugnaatay” (الدين لله), waxaa suuragal ah in laga fahmo laba macne oo is-dhammeystiraya: (1). Xukunka iyo talada Alle ayaa iska leh, oo isagu waa Xaakimka ugu sarreeya. (2). U hoggaansanaanta iyo adeecidda Alle ayaa loo gaar yeelay, taas oo macnaheedu yahay in cibaadada iyo daacadnimada loo hibeeyo Alle keliya.
Labadan macne waxay ka tarjumayaan xiriirka ka dhexeeya Xaakimka (Alle) iyo kuwa la xukumo (addoomaha); mid wuxuu leeyahay xaqa xukunka iyo amarka, kan kalena waxaa laga doonayaa adeecid, hoggaansanaan iyo daacadnimo. Sidaas awgeed, diintu waa nidaam dhammaystiran oo isku haya xukun iyo adeecid, amar iyo hoggaansanaan, talin iyo cibaado.
- Macnaha 3-aad: diintu waa manhajka, mabda’a ama hab-nololeedka uu qofku ku socdo, ha noqoto dhinaca fikirka iyo aragtida (theory) ama dhinaca dhaqanka iyo ficilka (practice). Diintu waa mabda’a uu qofku aaminsan yahay iyo manhajka uu ku dhaqmo, kuwaas oo si wadajir ah u hagaya fikirkiisa, dhaqankiisa iyo jihada noloshiisa.
[
2/ Diintu sharci ahaan waa: Nidaam Eebbe dejiyey oo dadka ku hanuuniya xaqa dhinaca caqiidada iyo rumaynta, sidoo kale; ku haga wanaagga dhinaca akhlaaqda, dhaqanka iyo macaamilaadka.
Haddaba, diintu ma aha oo keliya arrin ku kooban cibaadooyinka iyo xiriirka addoonka iyo Eebbe; balse waa nidaam nololeed oo dhammaystiran oo hagaya fikirka, anshaxa, dhaqanka iyo xiriirrada bulshada, si uu qofka ugu horseedo caqiidada toosan iyo wanaagga nolosha.
3/ Diinta iyo Quraanka:
Kalmadda “Diin” waxay kusoo aroortay quraanka iyadoo xambaarsan macnayaal kala duwan, marwalbana waxaa xaddidaya hadba siiqada iyo qaabka quraanka loogu xusay, bal ila eeg macnayaalkaas:
- Kalmadda “Diin”, waxaa loola jeedaa: abaal-marin, sida Quraanku tilmaamay: (مالك يوم الدين/ سورة الفاتحة: 4).
- Waxaa kaloo “Diin” loola jeedaa: Daacad; sida ku cad Quraanka Alle: (وأخلصوا دينهم لله/ النساء: 164).
- Waxaa kale oo macnayaasha kalmadda “Diin” ka mid ah: Usuusha diinta iyo caqiidada, Alle wuxuu yiri isagoo arrintaas tilmaamaya:
(شرع لكم من الدين ما وصَّى به نوحاً والذي أوحينا إليك وما وصَّينا به إبراهيم وموسى وعيسى أن أقيموا الدين ولا تتفرَّقوا فيه كبر على المشركين ما تدعوهم إليه الله يجتبي إليه من يشاء ويهدي إليه من ينيب/ الشورى: 13)
Macnaha “Diinta” ee ay Aayaddu tilmaamayso waa midda ay dardaarantay Rususha Eebbe ee kala ah: Nebi Muxammed, Nebi Nuux, Nebi Ibraahim, Nebi Muuse, iyo Nebi Ciise (Naxiir iyo nabadgelyo korkooda ha ahaato); taasoo ah caqiidada toosan ee Alle nagu addoonsaday.
- Waxaa kaloo “Diin” loola jeedaa: Caqiido ay qolo diin ka dhigato, sida Alle yiri: (لكم دينكم ولي دين/ الكافرون: 6).
4/ Kalmadda “Siyaasad” (السياسة):
Siyaasaddu asal ahaan waa: maamulidda iyo daryeelka danaha iyo masaalixda bulshada.
Qaamuuska Culuunta Siyaasadda ee ay soo saartay Kuwait University, isagoo ka soo xiganaya qaamuuska Le Robert Dictionary, wuxuu siyaasadda ku qeexayaa:
“Siyaasaddu waa fanka iyo xirfadda lagu maamulo laguna hago bulshooyinka bani’aadamka”.
Qaamuuska sharciga ayaa isna siyaasadda ku qeexaya:
“Siyaasaddu waa mabaadi’da, habraacyada iyo farsamooyinka lagu maamulo laguna hago arrimaha guud ee bulshada iyo dawladda”.
5/ Siyaasadda iyo dhaxalka Islaamka (السياسة والتراث الإسلامي):
Kalmadda “Siyaasad” kuma soo aroorin Quraanka, balse waxaa lagu xusay erayo la macno ah oo ay ka mid yihiin “Mulki”, iyo “Xukun”; Alle wuxuu yiri:
(وقال لهم نبيهم إن الله قد بعث لكم طالوت ملكاً/ البقرة: 247).
Wuxuu kale Alle yiri:
(وقتل داود جالوت وآتاه الله الملك والحكمة وعلَّمه مما يشاء/ البقرة: 251).
Quraanku wuxuu kaloo nooga warramay Boqoddii xukumi jirtay Saba ee Yemen, wuxuuna ku sheegay in xukunkeedu ahaa mid ku dhisan isla-tashi (Shuuro), Alle wuxuu yiri isagoo ka xikaayoonaya:
(إني وجدت امرأة تملكهم وأوتيت من كل شيء ولها عرش عظيم: سورة النمل/23)
Shimbirkii Hudhudka ahaa ayaa yiri isagoo Nebi Sulaymaan uga sheekaynaya wuxuu soo arkay: “Waxaan soo arkay haweeney Boqorad ah oo dhul wayn madax u ah, sariir boqortooyo oo aad u waynna ku haysata”. Quraanku meelo badan ayuu ku dhaleeceeyey xukunka dulmiga iyo caddaalad darrada ku dhisan, Alle wuxuu yiri:
(إن فرعون علا في الأرض وجعل أهلها شيعاً يستضعف طائفة منهم يذبح أبناءهم ويستحيي نساءهم إنه كان من المفسدين/ القصص: 4)
Macnaha Aayaddu wuxuu noqonayaa: “Hubaal, Fircoon wuxuu ku kibray dhulka (Masar), wuxuuna dadkii ku noolaa u kala qaybiyay kooxo kala sarreeya, isagoo si gaar ah u daciifinayay qayb ka mid ah bulshada. Wuxuu gawracayay wiilashooda, halka uu dumarkoodana nolol u deynayay. Runtii, wuxuu ka mid ahaa kuwa fidnada, dulmiga iyo fasahaadka ku faafiya dhulka.”
Waxaa ka mid ah Aayadaha tilmaamaya in Aadanuhu yahay waayeelka adduunka (Khaliifka) Qowlka Alle (SWT):
(وعد الله الذين آمنوا منكم وعملوا الصالحات ليستخلفنهم في الأرض كما استخلف الذين من قبلهم وليمكنن لهم دينهم الذي ارتضى لهم وليبدلنهم من بعد خوفهم أمناً يعبدونني لا يشركون بي شيئاً ومن كفر بعد ذلك فأؤلئك هم الفاسقون/ النور: 55)
Macnaha Aayadduna waa sidan: “Alle wuxuu u ballanqaaday kuwa idinka mid ah ee Alle rumeeyey; isla markaana camal saalax ah sameeyay, inuu ka dhigi doono kuwo xilka iyo maamulka dhulka la wareega, sidii uu madax uga dhigay kuwii ka horreeyay. Wuxuu sidoo kale u sugi doonaa diintooda uu u doortay, ugana raalli noqday, wuxuuna cabsidooda ka dib ugu beddeli doonaa ammaan iyo xasillooni. Aniga oo keliya ayay I caabudayaan, cidnana wax ilama wadaajiyaan oo cibaadada waa ii barax tiraan. Ciddii intaas ka dib gaaloowda ama ka leexata jidka toosan, kuwaasi waa kuwa ka baxay adeecidda Eebbe”.
Sidoo kale; Aayadaha xukunka tilmaamay waxaa ka mid ah Qowlka All (SWT):
(إن الله يأمركم أن تؤدوا الأمانات إلى أهلها وإذا حكمتم بين الناس أن تحكموا بالعدل/ النساء: 58)
Macnaha Aayaddu waa: “Runtii, Alle wuxuu idin farayaa inaad ammaanooyinka gaarsiisaan cidda xaqa u leh, markaad dadka u kala garnaqaysaanna aad ku xukuntaan caddaalad iyo eex la’aan”.
Erayga Siyaasad” wuxuu asal ku leeyahay Sunnada Nebi (SCW), sida uu tilmaamayo Xadiiskan Shariifka ee ay wariyeen Imaan Bukhaari iyo Muslim:
عن أبي هريرة، أن النبي ـ صلى الله عليه قال: “كانت بنو إسرائيل تسوسهم الأنبياء، كلما هلك نبي خلفه نبي، وإنه لا نبي بعدي”
Macnaha xadiisku waa sidan: “Reer Banii Israa’iil waxaa maamuli jiray oo arrimahooda hagi jiray nebiyada. Mar kasta oo nebi geeriyoodo, nebi kale ayaa beddeli jiray. Hase yeeshee, aniga dabaday nebi ma jiri doono”.
Mowsuucada Fiqhiga ee Kuwait Maaddada “Siyaasadda-سياسة” waxa lagu sheegay sidan:
“Waxa laga yaabaa in qoraalkii ugu horreeyay ee erayga ‘siyaasad’ loogu adeegsaday macnaha la xidhiidha maamulka iyo xukunka uu yahay hadalkii Camr ibn al-Caas uu ku tilmaamay Muucaawiya markii uu la hadlayay Abuu Muusaa al-Ashcari. Wuxuuna yidhi: ‘Waxaan ku arkay inuu yahay wakiilka khaliifkii dulmiga lagu dilay ee Cuthmaan, dalbadayna in loo qisaaso (loo dilo) kuwii dhiiggiisa daadiyay; waana nin ku wanaagsan maamulka iyo hoggaaminta, isla markaana ku xeeldheer maaraynta iyo qorshaynta arrimaha bulshada”.
Ibnu Abii Shaybah wuxuu ku weriyey kitaabkiisa Al-Musannaf, halka Al-Xaakim uu ku xusay Al-Mustadrak, isaga oo ka soo weriyey Al-Mustazill bin Xusayn, kaas oo yiri:
“Mar ayuu noo khudbeeyey Cumar ibnul Khaddaab (RC), wuxuuna yiri:
“Waxaan ogahay – Rabbiga Kacbada ayaan ku dhaartaye – goorta Carabtu halaagsami doonto. Markaas nin Muslimiinta ka mid ah ayaa istaagay oo ku yiri: “Goorma ayay halaagsami doonaan, Amiirka Mu’miniintow?”. Wuxuu ku jawaabay: “Waxay halaagsami doonaan marka ay arrimahooda hoggaamiyaan dad aan soo marin waayo-aragnimadii Jaahiliyada, isla markaana aan la soo saaxiibin Rasuulka (NNKH)”.
Hadalka Cumar ibnul Khaddaab wuxuu tilmaamayaa in hoggaaminta ummaddu u baahan tahay:
- Khibrad iyo aqoon ku saabsan xaaladaha bulshada iyo sida loo maareeyo.
- Faham qoto dheer oo ku salaysan tarbiyadda iyo Siirada Nebiga (SCW).
- Hoggaamiye leh waayo-aragnimo, bisayl siyaasadeed iyo garasho, si uu u kala saaro xaqa iyo baadilka uguna hago bulshada si xikmad leh.
Gunaanad:
Inay noo caddaato macnaha ay xambaarsantahay kalmadda “Diin” iyo kalmadda “Siyaasad”, waxay noo fududaynaysaa fahanka mowduuca la xiriira “kala soocidda diinta iyo siyaasadda”, kaasoo aan uga hadli doonno xalqadda afraad ee aan ku baahin doonno Majaladda Marag cadadkeeda 17aad haddii Alle nagu simo.
Tixraacyada:
- الموسوعة الفقهية الكويتية (25/295، 296).
- تاريخ الطبري (5/68)، طبعة دار المعارف. القاهرة.
- موسوعة العلوم السياسية. إصدار جامعة الكويت.
- الدين والسياسة للدكتور يوسف القرضاوي، من إصدارات المجلس الأوروبي للإفتاء والبحوث، دبلن، 2007.
Faallooyinka
Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.
Maqaallo la xiriira

YAA HORTAAGAN DAWLADNIMO KA HANA-QAADDA DHUL-UDUG (PUNTLAND) Qaybta 1-aad

XIGASHADA TAARIIKHDA: Taariikhdu Ma Aha Warin Keliya

