Maqaalo

Sagaalka Qodob oo Qaabeeyey Bulshada Soomaaliyeed

Sagaalka Qodob oo Qaabeeyey Bulshada Soomaaliyeed

Hordhac

Bulshada Soomaaliyeed waxay soo martay isbeddello waaweyn oo taariikhi ah oo ka dhashay isdhexgalka arrimo diimeed, bulsheed, siyaasadeed, dhaqaale, iyo dhaqan. Laga soo bilaabo fiditaankii Islaamka iyo kaalintii muhiimka ahayd ee culimada diinta, isbeddelladii hay’adihii dhaqanka, saamayntii gumaysiga, soo ifbixii waddaniyadda Soomaaliyeed sannadkii 1943, iyo dhismaha dowladdii casriga ahayd, marxalad kasta waxay soo kordhisay fikrado iyo caqabado cusub oo dib u qaabeeyey nolosha Soomaaliyeed. Sidoo kale, burburkii dowladdii dhexe, dagaalladii sokeeye, soo bixitaankii qurbo-joogta Soomaaliyeed, nidaamka awood-qaybsiga ku salaysan beelaha, federaalaynta, iyo saameynta juqraafi-siyaasadeed ee gobolka iyo dunida ayaa noqday arrimo kale oo sii beddelay jihada bulshada iyo siyaasadda Soomaaliyeed. Arrimahan waxay saameyn ku yeesheen qaababka hoggaaminta, hab-dhismeedka bulshada, aqoonsiga, qiyamka, iyo xiriirka ay Soomaalidu la leedahay dunida inteeda kale. Maqaalkani wuxuu si kooban u eegayaa xoogagga waaweyn ee qaabeeyey isbeddelka bulshada Soomaaliyeed iyo saamayntooda joogtada ah ee horumarka taariikheed ee dalka

1.Fiditaanka Islaamka

fiditaanka Islaamka wuxuu isbeddel wayn ku sameeyay bulshada Somaaliyeed. Islaamku wuxuu soo kordhiyay nidaamyo cusub oo aqoon, qiyam, iyo hab-nololeed bulsheed, taas oo horseeday soo bixitaanka culimo door weyn ku yeeshay diinta, waxbarashada, iyo hagidda bulshada. Qaar badan oo ka mid ah culimadan waxay ku xirnaayeen labada dariiqo Suufi ee waaweyn ee saameynta ku yeeshay nolosha diineed ee Soomaaliyeed: Qaadiriyadda iyo Axmadiyadda. Iyagoo adeegsanaya waxbarashada Islaamiga ah, wacdiga, iyo hagidda bulshada, waxay gacan ka geysteen horumarinta aqoon, anshax, iyo faham cusub oo bulshada dhexdeeda ah. Saamaynta Islaamku kuma koobnaan dhinaca diinta oo keliya, balse waxay gaartay dhismaha dowladnimo, iyadoo kaalin ka qaadatay soo bixitaankii saldanado Muslim ah oo awood lahaa xilligii dhexe, sida Saldanaddii Cadal iyo Saldanaddii Ajuuraan, kuwaas oo door muhiim ah ka ciyaaray maamulka, ganacsiga, waxbarashada, iyo siyaasadda gobolka. Sidaas darteed, Islaamku wuxuu noqday awood taariikhi ah oo dib u qaabaysay bulshada Soomaaliyeed, hay’adaha siyaasadeed, iyo aqoonsiga taariikheed ee Soomaaliyeed.

2.Gumaysiga iyo Kala Qaybintii Dhulka Soomaaliyeed

Gumeysigii wuxuu horseeday isbeddel wayn. Hoos u dhicii dowladihii waaweynaa ee Muslimiinta Soomaaliyeed iyo kala firdhidii tartiib-tartiib ahayd ee bulshada oo u kala baxday maamullo yaryar oo ku salaysnaa beelo, waxay soo jiidatay gumeysiga. Xilligaas waxaa billowday marxalad cusub oo isbeddel ah, iyadoo qarnigii sagaal iyo tobnaad ay quwadihii Yurub xiisaynayeen Geeska Afrika sababo la xiriira muhiimadda istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo marinada ganacsi ee isku xira Afrika, Carabta, iyo Aasiya. Tani waxay soo jiidatay Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga, iyo Itoobiya oo ku tartamayey gacan ku haynta dhulalka Soomaaliyeed. Natiijadii ka dhalatay tartankaas ayaa noqotay in dhulkii Soomaaliyeed loo kala qaybiyo shan qaybood. Kala qaybsanaantani waxay si weyn u beddeshay bulshada Soomaaliyeed, iyadoo carqalad ku keentay nidaamyadii siyaasadeed, beddeshay qaababkii dhaqaale iyo maamul, soo gelisay nidaamyo cusub oo waxbarasho iyo dowladnimo, isla markaana abuurtay xuduudo macmal ah oo kala geeyay bulshooyin Soomaaliyeed oo hore isugu xirnaa.

3.Waddaniyadda Soomaaliyeed iyo Halgankii Midnimada

Soo ifbixii waddaniyadda Soomaaliyeed horraantii 1940-meeyadii waxay horseeday Isbeddel wayn. Iyadoo laga jawaabayo gumaysiga iyo kala qaybsanaantii dhulalka Soomaaliyeed, aqoonyahanno, siyaasiyiin, iyo hoggaamiyeyaal bulsho ayaa sameeyay dhaqdhaqaaq waddani ah oo ku dhisnaa is-maamul, midnimo, iyo soo celinta madax-bannaanida Soomaaliyeed. Aasaaskii Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL) sannadkii 1943-dii wuxuu noqday tallaabo taariikhi ah oo lagu abaabulay halganka xornimada iyo mideynta dhulalka Soomaaliyeed. Dhaqdhaqaaqa waddaniga ahi wuxuu beddelay fahamka siyaasadeed ee Soomaalida, isagoo ka gudbay daacadnimadii ku koobnayd beelaha iyo dariiqooyinka Suufiyada, una beddelay dareen qarannimo iyo masiir-wadaag. Halgankaasi wuxuu ugu dambayn horseeday xornimadii 1960-kii iyo dhismaha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, taas oo ahayd isku day lagu doonayay in lagaga gudbo kala qaybsanaantii gumaysiga laguna dhiso qaran Soomaaliyeed oo mideysan.

4.Dhismaha Dowladnimada Casriga ah

Dhismaha dowladdii casriga ahayd ee Soomaaliyeed sannadkii 1960-kii, taas oo ku dhisnayd qaabka dowlad-qaran ee Yurub (nation state), wuxuu hordeeday Isbedel wayn. Midowgii Soomaalilaandtii Ingiriiska iyo Soomaalilaandtii Talyaaniga wuxuu horseeday aasaaska Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, taas oo lagu dhisay hay’ado dhexe, dowlad qaran, nidaam sharci, waxbarasho casri ah, iyo maamul xirfad leh. Dowladdu waxay keentay isbeddello muhiim ah sida koboca magaalooyinka, xoojinta aqoonsiga qaran, iyo horumarinta adeegyada bulshada. Hase yeeshee, dhismaha dowladnimadu waxay xambaarsanayd fikrado kasoo horjeeda dhaqanka iyo Islaamka, wuxuu la kulmay caqabado ay ka mid ahaayeen khilaafka u dhexeeyay hal-doorka siyaasadeed iyo la falkalka guracan ee nidaamka beelaha, sinnaan la’aanta gobollada, daciifnimada hay’adaha dawladda, iyo dhaqanka siyaasadeedka hal-doorka ee xumaaday. Waxaa intaas usii dheeraa raadka uu ku reebay dagaalka qaboobaa. Caqabadahan is biirsaday waxay ugu dambayn gacan ka geysteen burburkii dowladdii Soomaaliyeed sannadkii 1991-dii, kaddib soddon sano oo madax-bannaani ah.

5.Dhaqdhaqaaqyada Islaamiyiinta

Soo muuqashadii dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah sannadihii 1960-meeyadii, kaas oo ku baaqayay dib-u-soo-nooleynta qiyamka Islaamka iyo ku dhaqanka mabaadi’diisa ee nolosha bulshada iyo siyaasadda, wuxuu horseeday Isbeddel wayn. Dhaqdhaqaaqan wuxuu ka dhashay jawaab ku wajahan caqabadaha casriyeynta iyo farqiga la dareemay ee u dhexeeyay aqoonsiga Islaamiga ah ee bulshada iyo nidaamka dowladeed ee cusbaa. Islaamiyiintu waxay xoogga saareen waxbarashada Islaamiga ah, dib-u-habaynta akhlaaqda, caddaaladda bulshada, iyo dhismaha hay’ado diimeed iyo waxbarasho. Dhaqdhaqaaqani wuxuu horseeday soo bixitaanka aqoonyahan Islaami ah oo cusub, wuxuuna noqday xoog muhiim ah oo saameeya bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kaddib burburkii dowladdii dhexe sannadkii 1991-dii, markii ururrada Islaamiga ahi ay door weyn ka qaateen waxbarashada, adeegyada bulshada, dib-u-heshiisiinta, iyo siyaasadda.

6. Qurbo-joogta Soomaaliyeed

Qurbo-joogta Soomaaliyeed waxay noqdeen mid ka mid ah xoogagga ugu muhiimsan ee taageeray badbaadada bulshada iyo dib-u-dhiska dalka. Iyagoo ku kala firirsan daafaha dunida, waxay door weyn ka qaateen dhaqaalaha iyagoo soo diray xawaalado, maalgeliyay ganacsiyo, taageeray adeegyada bulshada, kana qayb qaatay koboca magaalooyinka iyo abuurista fursado shaqo. Sidoo kale, qurbo-joogtu waxay keeneen aqoon, xirfado, iyo waayo-aragnimo cusub oo saameysay waxbarashada, caafimaadka, tiknooloojiyadda, iyo isbeddelka bulshada. Dhinaca siyaasadda, waxay noqdeen awood muuqata oo ka qayb qaadata dib-u-heshiisiinta, dhismaha hay’adaha dowliga ah, iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka. Inkastoo doorkooda uu mararka qaar dhaliyay dood ku saabsan xiriirka u dhexeeya aqoonta dibadda iyo xaqiiqada gudaha, haddana qurbo-joogta Soomaaliyeed waxay noqdeen xoog taariikhi ah oo si weyn u qaabeeyey dhaqaalaha, bulshada, iyo siyaasadda Soomaaliya kaddib burburkii dowladnimada.

7. Bulshada Rayidka ah

Kaddib burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii, bulshada rayidka ah waxay noqotay mid ka mid ah xoogagga ugu muhiimsan ee buuxiyay meelihii ay ka baxeen hay’adihii dowladeed, kana qayb qaatay badbaadinta bulshada iyo dib-u-dhiska dalka. Ururrada aan dowliga ahayn, hay’adaha samafalka, ururrada haweenka iyo dhallinyarada, culimada, aqoonyahannada, iyo kooxaha bulshada ayaa door weyn ka qaatay bixinta adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka, gargaarka bani’aadantinimo, iyo taageeridda nabadda iyo dib-u-heshiisiinta. Sidoo kale, bulshada rayidka ahi waxay noqotay madal lagu kobciyo wacyiga bulshada, difaaca xuquuqda muwaadiniinta, horumarinta dhaqanka wada-tashiga, iyo dhiirrigelinta ka qaybgalka siyaasadeed. Inkastoo ay la kulantay caqabado ay ka mid yihiin amni-darro, ku tiirsanaanta maalgelinta dibadda, iyo saameynta siyaasadaha beelaha, haddana bulshada rayidka ahi waxay noqotay xoog muhiim ah oo qaabeeyey isbeddelka bulshada Soomaaliyeed iyo geeddi-socodka dib-u-dhiska dowladnimada kaddib burburkii qaranka.

8. Awood-qaybsiga Beelaha iyo Federaalka.

Nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5 ee la qaatay 2000 iyo hirgelintii nidaamka federaalka. Kaddib burburkii dowladdii dhexe sannadkii 1991 iyo sannado badan oo colaado ah, dib-u-dhiska siyaasadeed ee Soomaaliya waxaa si weyn u saameeyay wadaxaajoodyo ku salaysan beelo iyo nidaamyo qoondooyin ah oo lagu qaybinayay matalaadda siyaasadeed. Inkastoo nidaamkani gacan ka geystay soo afjaridda colaado waaweyn iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladeed, haddana wuxuu sii xoojiyay doorka beelaha ee tartanka siyaasadeed iyo maamulka. Nidaamka federaalkuna wuxuu abuuray qaabab cusub oo maamul iyo dowlad-goboleedyo, balse wuxuu sidoo kale keenay caqabado la xiriira qaybsiga kheyraadka, awoodaha dowladeed, fasiraadda dastuurka, iyo xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

9. Xagjirnimada Magaca Islaamka iyo Faragelinta Dibadda

Arrintii sagaalaad ee si weyn u beddeshay bulshada iyo siyaasadda Soomaaliyeed waxay ahayd soo bixitaankii Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah, iyo markii dambe soo ifbixitaankii Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo ka faa’iidaystay amni-darrada, daciifnimada hay’adaha dowladeed, iyo tabashooyinka bulshada si ay uga hor yimaadaan awoodda dowladda una faafiyaan fikrado xagjir ah. Xilligaa kaddib sannadkii 2000 waxaa sidoo kale sii xoogaystay saameynta dibadda iyo faragelinta caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya, taas oo qayb ka noqotay kala qaybsanaanta hoggaanka siyaasadeed iyo ku tiirsanaanta siyaasiyiinta qaar taageero shisheeye si ay u sii jiraan. Ganacsiga siyaasadda, faragelinta iyo khal-khalgelinta doorashooyinka dadban, musuqmaasuqa, iyo adeegsiga joogtada ah ee beelaha sidii aalad siyaasadeed ayaa sidoo kale qaabeeyey siyaasadda Soomaaliya ee maanta. Isbeddelladan waxay ka tarjumayaan sii socoshada isbeddelladii taariikheed ee hore, balse waxay abuureen caqabado cusub oo ku wajahan dhismaha dowladnimo, horumarinta maamul dimuqraadi ah, iyo abuuridda dhaqan siyaasadeed qaran oo mideysan.

Gunaanad

Sagaalkaas xoog taariikheed ee soo maray bulshada Soomaaliyeed, fiditaanka Islaamka, gumaysiga iyo kala qaybsanaanta dhuleed, soo ifbixidda waddaniyadda, dhismaha dowladnimada casriga ah, dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ah, Qurbajoogta, bulshada rayidka ah, nidaamka awood-qaybsiga beelaha iyo federaalka, iyo caqabadaha siyaasadeed ee casriga ah, oo ay weheliyaan isbeddellada waaweyn ee ka socda caalamka maanta, ayaa si wadajir ah u qaabeeyey jihada bulshada iyo siyaasadda Soomaaliyeed. Fahamka isdhexgalka xoogaggan iyo saamaynta ay ku leeyihiin mustaqbalka dalka ayaa lagama maarmaan u ah dejinta istaraatiijiyad waarta oo lagu dhisayo dowladnimo xooggan iyo bulsho Soomaaliyeed oo leh xasillooni, isku duubni, iyo horumar dhaqan-dhaqaale oo waara. Dib-u-dhiska Soomaaliya wuxuu u baahan yahay in laga faa’iidaysto casharrada taariikhda, la fahmo isbeddellada gudaha iyo dibadda, lana helo aragti qaran iyo hoggaan karti leh oo isku xira awoodaha bulshada, fursadaha dhaqaale, iyo xaaladaha cusub ee dunida.

La wadaag

Faallooyinka

Ka qeyb qaado dooda. Faallooyinka waxaa dib u eegaya Guddiga Tifaftirka ka hor inta aan la soo bandhigin.

Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.

Maqaallo la xiriira