Maqaalo

Qaadku waa Maandooriye: Caddeymaha Cilmiga, Mamnuucidda Caalamiga ah iyo Aragtida Shareecada Islaamka

Hordhac

Qaybtani waa qaybtii ugu dambaysay ee taxanihii “Qaadka iyo Dhibaatooyinkiisa”, taxane isku dayay inuu dhinacyo kala duwan ka iftiimiyo saamaynta geedka qaadku ku leeyahay caafimaadka, dhaqaalaha, qoyska iyo bulshada. Intii lagu jiray qaybihii hore waxaa si gaar ah loo dul istaagay dhibaatooyinka caafimaad iyo kuwa bulsho ee qaadka, halka qaybtan ugu dambaysa ay isku dayayso inay ka jawaabto su’aasha ugu weyn ee doodda badan dhalisay muddo tobannaan sano ah: qaadku maandooriye ma yahay, maxaase sababay in dalal badan ay mamnuucaan, maxaase shareecada Islaamku ka qabtaa?

Muddo dheer dadka qaar waxay ku doodayeen in qaadku yahay geed dabiici ah oo aan lagu qiyaasi karin khamriga iyo maandooriyeyaasha kale, halka kuwo kalena ay ku doodayeen in saameyntiisa caafimaad iyo tan maskaxeed ay ka dhigayaan qayb ka mid ah mukhaadaraadka casriga ah. Maanta dooddaasi waxay leedahay jawaabo badan oo ka yimid shaybaarrada caafimaadka, ururrada caalamiga ah, sharciyada dowladaha iyo golayaasha fatwada Islaamka.

Caddeymaha Sayniska ee Muujinaya in Qaadku Yahay Maandooriye

Baaritaannada lagu sameeyay geedka qaadka waxay soo bilowdeen dhammaadkii qarnigii sagaal iyo tobnaad, markii saynisyahannadii Flückiger iyo Gerock ay sanadkii 1887 ogaadeen in caleemaha qaadku ay ka kooban yihiin walax firfircoon oo loo bixiyay Cathine. Helitaanka walaxdan ayaa furay albaabkii cilmi-baarisyo badan oo lagu sameeyay geedka iyo saamayntiisa caafimaad.

Balse daahfurkii ugu muhiimsanaa wuxuu dhacay sanadkii 1974 markii cilmi-baaris ballaaran oo ay maalgelisay Qaramada Midoobay lagu ogaaday walax kale oo ka awood badan Cathine oo loo bixiyay Cathinone. Walaxdan ayaa noqotay sababta ugu weyn ee khubarada caafimaadku ugu aqoonsadeen qaadka inuu yahay maandooriye saameeya habdhiska dareenwadka dhexe ee bini’aadamka.

Cathinone-ka ku jira qaadku wuxuu qaab-dhismeed kiimiko ahaan aad ugu dhow yahay walxaha loo yaqaan Amphetamine, Methamphetamine iyo Ephedrine, kuwaas oo ka mid ah maandooriyeyaasha ugu caansan dunida. Sida amphetamine-ku u kiciyo habdhiska neerfaha, u yareeyo hurdada iyo daalka isla markaana u kordhiyo garaaca wadnaha iyo dhiig-karka, ayay Cathinone-du u samaysaa dadka isticmaala qaadka.

Cilmi-baarisyada caafimaadku waxay muujiyeen in qaadku sababo hurdo la’aan, cunto xumo, af qallayl, walwal, garaaca wadnaha oo kordha, dhiig-kar, niyad-jab, xanuunno la xiriira habdhiska dheefshiidka iyo mararka qaar xaalado maskaxeed oo ay ka mid yihiin welwelka daran iyo dhalanteedka. Saamayntani waa kuwa si weyn ugu dhow saamaynta amphetamine-ka iyo maandooriyeyaasha kale ee neerfayaasha kiciya.

Xoogga walxaha Cathine iyo Cathinone ee ku jira qaadka wuxuu ku kala duwan yahay nooca geedka, ciidda uu ka baxo, cimilada, da’da geedka, waqtiga la goosto iyo deegaanka uu ka soo jeedo. Tusaale ahaan nooca qaadka ee Yemen ka baxa ee loo yaqaan “Al-Nabhi” ayaa lagu ogaaday inuu leeyahay heerar sare oo walxahaas ah marka loo eego noocyo kale.

Sababtaas awgeed Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo khubarada mukhaadaraadka ayaa qaadka ku daray qaybaha maandooriyeyaasha saameeya habdhiska dareenwadka dhexe. Kala soociddii ay khubarada WHO sameeyeen sanadkii 1965 waxaa qaadku uu ka galay qayb gaar ah oo loo bixiyay Khat Type, taas oo muujinaysa in aan loo arkin caleen caadi ah balse loo aqoonsaday walax maandooriye leh oo leh astaamo iyo saameyn gaar ah.

Dalalkii Mamnuucay Qaadka iyo Sababaha Mamnuucidda

Markii ay soo bateen caddeymaha caafimaad iyo kuwa amni ee la xiriira qaadka, dalal badan ayaa bilaabay inay mamnuucaan ama si adag u xaddidaan isticmaalka iyo ganacsigiisa.

Masar waxay ka mid ahayd dalalkii ugu horreeyay ee si firfircoon uga qayb qaatay dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayay qaadka, iyadoo door weyn ku lahayd doodihii Guddiga Qaramada Midoobay ee Maandooriyeyaasha sanadihii kontomaadkii. Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale si rasmi ah u mamnuucday qaadka iyadoo ku salaynaysa waxyeelladiisa caafimaad iyo midda bulshada.

Dalalka sida Sweden, Norway, Denmark iyo Canada ayaa iyaguna ku daray qaadka ama walxaha ku jira liiska maandooriyeyaasha mamnuuca ah. Dowladda Sweden ayaa sanadkii 1989 si rasmi ah u mamnuucday qaadka kadib markii daraasado caafimaad iyo amni ay muujyeen saameyntiisa bulshada soo galootiga ah iyo xiriirka uu la leeyahay walxaha amphetamine-ka la midka ah.

Maraykanka ayaa isaguna qaaday tallaabooyin adag oo ka dhan ah qaadka. Inkasta oo sharciyada gobolladu mararka qaarkood kala duwanaayeen, haddana dowladda federaalku waxay si rasmi ah u xaddiday walxaha Cathine iyo Cathinone ee ku jira qaadka iyadoo ku dartay walxaha la kontoroolo ee federaalka. Taasi waxay si dhab ah uga dhigtay qaadka walax sharci ahaan mamnuuc ah.

Hay’adaha kastamka iyo ammaanka ee Maraykanku waxay diyaariyeen hagayaal iyo buugaag gaar ah oo lagu tababarayo saraakiisha kastamka iyo booliiska si ay u aqoonsadaan qaadka iyo hababka loo tahriibiyo. Garoomada diyaaradaha sida Dulles International Airport ayaa marar badan lagu qabtay xaddi badan oo qaad ah oo dalka la gelinayay.

Magaalooyinka sida New York, Washington DC, Los Angeles, Boston, Dallas, Virginia iyo Detroit ayaa muddo dheer ka mid ahaa meelaha ugu waaweyn ee lagu qabto qaadka la tahriibinayo. Sababaha ugu waaweyn ee dowladahaasi u mamnuuceenna waxay ahaayeen saamaynta caafimaadka, saameynta dhaqaale, la dagaallanka maandooriyaha iyo ilaalinta amniga bulshada.

Aragtida Shareecada Islaamka ee Qaadka

Marka laga yimaado doodaha caafimaadka iyo kuwa sharci ee casriga ah, shareecada Islaamku waxay leedahay mabda’ guud oo mamnuucaya wax kasta oo waxyeello gaarsiinaya qofka iyo bulshada. Ujeeddada ugu weyn ee shareecadu waa ilaalinta waxa culimadu ugu yeereen daruuriyaadka shanta ah ama lixda ah: diinta, nafta, caqliga, nasabka, maalka iyo cirdiga.

Qaadku wuxuu si toos ah ama si dadban u dhaawacaa dhammaan qodobadan.

Wuxuu dhaawacaa diinta marka uu qofka ka mashquuliyo salaadda iyo cibaadada, ama uu ku bixiyo hanti lagu bixin lahaa sako iyo khayr. Wuxuu dhaawacaa nafta iyo caafimaadka isagoo sabab u noqda cudurro iyo dhibaatooyin caafimaad oo badan. Wuxuu dhaawacaa caqliga maadaama Cathinone-ku uu si toos ah u saameeyo habdhiska dareenwadka dhexe iyo awoodda qofka ee xakamaynta naftiisa iyo go’aan qaadashadiisa.

Sidoo kale wuxuu dhaawacaa nasabka iyo qoyska isagoo sababa dayac qoys, khilaafyo iyo burbur dhaqaale. Wuxuu dhaawacaa maalka iyadoo malaayiin doollar oo wax soo saar abuuri lahaa lagu bixiyo caleen aan dhaqaale soo celin lahayn. Ugu dambayn wuxuu dhaawacaa cirdiga iyo sharafta iyadoo fadhiyada qaadka ay mararka qaar noqdaan goobaha xan, qadaf iyo aflagaaddo lagu faafiyo.

Sababta ugu weyn ee khamriga loo mamnuucayna waxay ahayd ilaalinta caqliga. Rasuulka ﷺ wuxuu yiri: “Wax kasta oo wax sakhriya waa khamri, khamri kastana waa xaaraan.” Culimada badankoodu waxay ka fahmeen in xukunkani aanu ku koobnayn wax la cabo oo keliya, balse uu quseeyo wax kasta oo daboola ama waxyeelleeya caqliga iyo miyirka.

Marka la adeegsado qiyaasta shareecada, khamrigu wuxuu noqdaa asalka, qaadkuna wuxuu noqdaa faraca la qiyaasayo. Cilladda ay wadaagaan waa saamaynta ay ku leeyihiin maskaxda iyo habdhiska dareenka. Sidaas darteed culimo badan ayaa ku xukumay in qaadku qaato isla xukunkii khamriga.

Fatwooyinka iyo Go’aamada Rasmiga ah ee Mamnuucaya Qaadka

Aragtida ah in qaadku yahay xaaraan ma aha oo keliya aragti ay qabaan culimo gaar ahi, balse waxaa taageeray golayaal iyo hay’ado fatwo oo rasmi ah oo ka jira dunida Islaamka.

Guddiga Joogtada ah ee Cilmi-baarista iyo Fatwada ee Sacuudi Carabiya (اللجنة الدائمة للبحوث العلمية والإفتاء) ayaa soo saaray Fatwooyinka lambaradoodu yihiin 16097 iyo 13241, kuwaas oo si cad u sheegay in qaadku yahay xaaraan maadaama uu yahay mukhaddir daciifiya jirka, khasaariya maalka, dadka ka mashquuliya salaadda isla markaana sababa dhibaatooyin caafimaad iyo bulsho.

Golaha Culimada Waaweyn ee Sacuudi Carabiya (هيئة كبار العلماء) ayaa isaguna soo saaray Go’aanka Lambar 138 ee taariikhdiisu ahayd 20/06/1407 Hijriyada, kaas oo si cad u sheegay in qaadku uu ku jiro xukunka mukhaadaraadka maadaama uu waxyeelleeyo daruuriyaadka ay shareecadu ilaaliso.

Shirweynihii Caalamiga ahaa ee Islaamka ee La-dagaallanka Maandooriyaha iyo Khamriga ee lagu qabtay magaalada Madiina sanadkii 1402 Hijriyada ayaa isaguna soo saaray talooyin si cad ugu daraya qaadka liiska maandooriyeyaasha xaaraanta ah ee la midka ah xashiishka iyo mukhaadaraadka kale.

Sidoo kale Machadka Cilmi-baarista Islaamka ee Al-Azhar (مجمع البحوث الإسلامية) ayaa sanadkii 2012 soo saaray fatwo guud oo caddeynaysa in qaadku yahay xaaraan, iyagoo ku saleeyay qawaacidda guud ee shareecada ee mamnuucaya wax kasta oo waxyeello u geysta caafimaadka, maalka iyo bulshada.

Gunaanad

Marka la isku geeyo natiijooyinka cilmi-baarista caafimaadka, xaqiiqooyinka kiimikada ee ku saabsan Cathinone iyo Cathine, go’aamada hay’adaha caalamiga ah, sharciyada dalalka badan iyo fatwooyinka golayaasha waaweyn ee Islaamka, waxaa muuqata in qaadku aanu ahayn arrin ku kooban dhaqan ama madadaalo bulsho, balse uu yahay maandooriye leh saameyn caafimaad, dhaqaale iyo mid bulsho oo baaxad leh.

Waxa uu dhaawacayaa diinta, nafta, caqliga, nasabka, maalka iyo cirdiga; waana sababta ay culimo badan, dowlado badan iyo hay’ado caafimaad oo caalami ahi ugu midoobeen aragtida ah in qaadku uu ka mid yahay mukhaadaraadka ay tahay in laga ilaaliyo qofka iyo bulshada.

La wadaag

Faallooyinka

Ka qeyb qaado dooda. Faallooyinka waxaa dib u eegaya Guddiga Tifaftirka ka hor inta aan la soo bandhigin.

Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.

Maqaallo la xiriira