Maqaalo

Baqdaadey Salaamaad: Hoyga Dhaqanka, Fanka & Ilbaxnimada

Baqdaadey Salaamaad: Hoyga Dhaqanka, Fanka & Ilbaxnimada

Safar waxaan ku joogaa

Siraajkii baxaayiyo

Sancadiyo farsamadiyo

Sahaydii adduunyada

Ninba saami ku lahaa.

Halkani waa dalka Ciraaq, waa astaanta cilmiga iyo garaadka, waa summadda aqoonta iyo garashada. Suugaanta iyo felsafadda waxa aad ba moodda in Baqdaad lagu canqariyey. Farshaxanka iyo fanka waxa aad ba u malaysaa in Baqdaad lagu gardaaddiyey. Dhuuxidda fiqiga iyo nuxuruka shareecada diinta Islaamka waxa aad qiraysa in caasimadda Baqdaad lagu iba-furay.

Ummad aan hayb iyo summad lahayn ayaa ka dhigan inay tahay; ummad baylah ah ama qaafil (summad) lagu tilmaami karo. Baqdaad waxa ay ilaashatay fankeedii kalaasiikiga ahaa, hiddeheedii labeenta ahaa, dhaqankeedii sowraca ku dheehnaa, ilbaxnimadeedii qota dheerayd, taariikhdeedii dheeha lahayd iyo dadnimadeedii lagu soo duulay hilaaddii 2003-dii.

Maansadani, waxa ay curatay 29.12.2023 anoo shaqo ku jooga caasimadda dalka Ciraaq—Baqdaad. Waxa ay ka hadleysaa booqashadii aan ku tegey waddankaas, anoo ka mid ah wafdi ka socdey dalka Soomaaliya—ujeedkayagu waxa uu ahaa inaanu qayb ka ahayn madal lagu soo bandhigayey Masraxa Furan ee loo dhanyahay (مهرجان مسرحية الشارع العربي). Baqdaad, waxa ay astaan u tahay ilbaxnimada iyo sooyaalka, waa meel ku caanbaxday aqoon iyo horumar. Baqdaad waxa ay summad iyo astaan u tahay cilmiga, qoraalka, hiddaha, fanka, suugaanta, sancada, felegga iyo culuunta xidaarka, arriimaha diinta iyo saafidda culuumta kala duwan.

Baqdaad, waxa aan ku soo arkay bulsho midaysan, dad wadajir u shaqaynaya, jiil ku hubaysan aqoon iyo sahan cusub, bedqab dhaqan iyo mid afeed, ilaalin aasaar iyo fahan ku dhisan jiritaan sooyaal. Ciraaq waxa soo maray marxalad mugdi ah, colaado foolxun, fikir xagjir ah, qax iyo qaxooti joogto ah, burbur iyo baaba’ bulsho, gaajo iyo macaluul, xadgudub iyo gumaad-wadareed. Haa, iyadoo intaas oo dhan soo martay, ayey maanta muujisay geed-adayg iyo dib-u-kabasho dhaqaale, sixid siyaasadeed, toosin hoggaamineed, jacayl nololeed, waxbarasho tayo leh, iba-fur ilbaxnimo, godlin maan iyo gudasho ku dhisan garasho mug leh.

Afku waa hayb, qof aan hayab la hayna wax astaan qarannimo iyo gobannimo ah ma leh, ha hilmaanin, ha liinbixin, ka muuqo meesha aad joogto adoo adiga ah. Sidaa awgeed, goobaha aan booqashada iyo daawashada ku tegey intii aan joogey caasummadda Baqdaad waxa ka mid ahaa; webiga caanka ah ee Dijla (نهر دجلة),  Madxafka guunka ah ee dalka Ciraaq (المتحف العراقي), Hoyga Fanaaniinta Ciraaq (نقابة الفنانين العراقيين), Shaarica Al-mutanabbii (شارع المتنبّي) Jaamacadda Baqdaad  (جامعة بغداد), Maqaamka iyo Jaamica Shiikh Cabdulqaadir Al-jeylaani(جامع ومرقد الشيخ عبد القادر الكيلاني) iyo gooba kale oo loo tago damaashaad iyo tamashlayn dalxiis. Ciraaq waa hoyga xadaaradda Carabta iyo ilbaxnimada aadanaha oo idil. Maansada Baqdaadey salaamaad oo aan ku ku cabbiray dareenkaygii suugaaneed intii aan joogey waxa ay leedahay saatan.

Safar waxaan ku joogaa

Soohdintii Ciraaq iyo

Saldhigii asuulkiyo

Saracii aftahamiyo

Siirkii dadnimadiyo

Seerihii ku caanbaxay

Taariikh salkeediyo

Haybteedu suulayn

Baqdaadey salaamaad

Salaamaad baqdaadey.

Safar waxaan ku joogaa

Saabaanka nabaddiyo

Gobannimo sirteediyo

Suummad-dooris diidiyo

Saqafkii xornimadiyo

Sargoyntii aqoontiyo

Hirar sarakacaayiyo

Halkii siinka lagu qoray

Baqdaadey salaamaad

Salaamaad baqdaadey.

Safar waxaan ku joogaa

Saabaankii iftiinkiyo

Sida xarafka loo dhigo

Aadanuhu sirtaa helay

Unkid saab-xidhkeediyo

Saawiyadda diintiyo

Xaramkii samaantiyo

Gundhiggii sinaantiyo

Suuradaha Qur’aankiyo

Siiradii Udgoonaha (SCW)

Culumadu ku saafeen

Baqdaadey salaamaad

Salaamaad baqdaadey.

Safar waxaan ku joogaa

Siraajkii baxaayiyo

Sancadiyo farsamadiyo

Sahaydii adduunyada

Ninba saami ku lahaa.

Sixaabtiyo daruurtiyo

Sagalkiyo xayaabkiyo

Saadaasha feliggiyo

Saynskiyo cirbixintiyo

So’da saanta qarisiyo

Saableyda hoosiyo

Isasuranta ubucdiyo

Suugaan rugteediyo

Baqdaadey salaamaad

Salaamaad baqdaadey

Taliskii saldanaddiyo

Saajinkii shajaaciyo

Sama-wade ka taliyaay

Sawaariikhda jebiyaay

Sirta dunida koobaay

Cadow seeta gooyaay

Saancaddaale qoolaay

Saddaam tii canqarisaay

Ilbaxnimo salkeedaay

Saxalkii ku soomaray

Si yar uga tallaabaay

Seermaweydo curataay

Sareedada ku maalaay

Sacaadiyo wanaagey

Sinji qaaya-wacaneey

Sooyaalka webigaay

Sowdkii carbeediyo

Suhradii baxaysaay

Baqdaadey salaamaad

Salaamaad baqdaadey.

  • Dhammaad –
La wadaag

Faallooyinka

Ka qeyb qaado dooda. Faallooyinka waxaa dib u eegaya Guddiga Tifaftirka ka hor inta aan la soo bandhigin.

Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.

Maqaallo la xiriira