AARGOOSIGA IYO DHIBAATADIISA: Aragti Islaami ah iyo Xalka Bulshada Soomaaliyeed

Aargoosigu waa mid ka mid ah dhabar-jabka ugu waaweyn ee ku habsaday hannaanka geeddi-socodka, nabadgelyada iyo maamuuska bulshada Soomaaliyeed. Waa dab aan kala soocin kan dambiga galay iyo kan aan waxba galabsan, kaas oo sii huriya colaado sokeeye oo aysan cidina ku guulaysan.
Si aan u daweyno bogsiinteeda Soomaalinimo, waa in aan si dhab ah u fahamno dhibaatada aargoosiga, waxa ay ka qabto diinta Islaamku, iyo doorka ay tahay inay bulshadu ka qaadato ciribtirkiisa.
Dhibaatada Bulsho iyo Dhaqaale ee Aargoosiga
Aargoosigu kuma eka bartamaha laba qof ama laba beelood oo keliya; wuxuu burburiyaa guud ahaan qaab-dhismeedka bulshada. Dhaqanka dhiig-doonka ah wuxuu leeyahay dhibaatooyin dhowr ah:
1. Dilka dadka aan dambiga lahayn
Waxaa inta badan la dilaa dad aan dambiga waxba ku lahayn, sida dhallinyarada aqoonyahanka ah, odayaasha ama ganacsatada, keliya maadaama ay ka soo jeedaan beesha uu qofkii dambiga galay ka dhashay.
2. Barakaca iyo cabsida
Aargoosigu wuxuu abuuraa xaalad xasillooni-darro ah oo qoysas badan ku qasbaysa inay ka barakacaan deegaannadooda iyo hoygooda. Cabsida laga qabo in qof aan waxba galabsan lagu bartilmaameedsado aargoosi ayaa dhaawac weyn u geysata nolol-maalmeedka bulshada.
3. Hagardaamada Dhaqaale
Colaadda ku dhisan aargoosigu waxay xirtaa jidadka ganacsiga, waxay baabi’isaa maalgashiga, waxayna reebtaa dhiillo iyo cabsi u diidda dhallinyarada fursadaha shaqo iyo horumar.
Aragtida Islaamka ee Aargoosiga
Diinta Islaamku waxay u timid si ay u dhowrto nafta, maalka iyo sharafta aadanaha. Islaamku wuxuu si adag u mamnuucay in qof aan dambi lahayn loo qabto dambiga uu qof kale galay.
Eebbe Sareeye wuxuu Qur’aanka ku yiri:
قُلْ أَغَيْرَ اللَّهِ أَبْغِي رَبًّا وَهُوَ رَبُّ كُلِّ شَيْءٍ ۚ وَلَا تَكْسِبُ كُلُّ نَفْسٍ إِلَّا عَلَيْهَا ۚ وَلَا تَزِرُ وَازِرَةٌ وِزْرَ أُخْرَىٰ ۚ ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّكُمْ مَرْجِعُكُمْ فَيُنَبِّئُكُمْ بِمَا كُنْتُمْ فِيهِ تَخْتَلِفُونَ
(Suuradda Al-Ancaam: 164)
“Nafna ma xammilato (ma qaaddo) dambiga naf kale.”
Haddii uu shakhsi dambi galo, sharciga Islaamku wuxuu qabaa in isaga oo keliya lala xisaabtamo, oo aan qof kale oo qaraabadiisa, reerkiisa ama qabiilkiisa ah dhib loogu geysan karin dambigaas.
Hannaanka Qisaasta iyo cidda fulisa
Islaamku wuxuu dhigay sharciga Qisaasta, laakiin taasi uma bannaana qof kasta ama beel kasta inay gacanteeda ku fuliso. Arrimaha ciqaabta iyo fulinta xukunka waxay u baahan yihiin hannaan garsoor iyo sharci oo sugan.
Sidaas darteed, qisaastu ma noqon karto marmarsiiyo loo adeegsado dilal aan sharci ahayn, aargoosi beeleed ama in qof aan waxba galabsan lagu ciqaabo fal uusan isagu gelin.
Muhiimadda cafiska iyo heshiisiinta
Islaamku wuxuu aad u dhiirrigeliyaa cafiska iyo maslaxadda. Qur’aanku wuxuu sheegay in qofkii cafiya oo heshiis sameeya uu ajarkiisa Eebbe ka helayo:
وَجَزَاءُ سَيِّئَةٍ سَيِّئَةٌ مِّثْلُهَا ۖ فَمَنْ عَفَا وَأَصْلَحَ فَأَجْرُهُ عَلَى اللَّهِ ۚ إِنَّهُ لَا يُحِبُّ الظَّالِمِينَ
(Suuradda Ash-Shuuraa: 40)
“Jawaabta xumaantu waa xumaan la mid ah; qofkii cafiya oo heshiis sameeya, ajarkiisu wuxuu saaran yahay Eebbe. Eebbena ma jecla kuwa dulmiga sameeya”.
Sidaas darteed, inkasta oo caddaaladdu leedahay meel muhiim ah, haddana cafiska iyo heshiisiintu waxay leeyihiin fadli iyo ajar gaar ah oo Islaamku ku boorrinayo.
Xalka iyo doorka Bulshada Soomaaliyeed
Si loogu guulaysto ciribtirka aargoosiga iyo saamayntiisa xun, waa in la helaa maamul, nidaam iyo wadajir bulsho oo u taagan xal-u-helidda dhibaatadan.
1. Dhismaha Garsoor awood leh
In la helo maxkamado caddaalad ah oo ciqaaba qofka dambiga galay, si aysan bulshadu ugu qasbanaan inay gacmaheeda ku aargoosato.
2. Baraarujinta iyo aqoonta diinta
Culimada iyo maamulladu waa inay si daacad ah u baahiyaan in aargoosigu yahay fal xun oo ka hor imanaya mabaadi’da Islaamka, lagana tago dhaqanka xun ee “dhiig- raadinta ah” iyo caado kasta oo dhiigga qof aan waxba galabsan loogu daadinayo fal uu qof kale geystay.
3. Doorka odayaasha iyo dhaqanka
Odayaasha dhaqanku waa inaysan ka qayb qaadan asturidda ama difaaca eedaysanaha. Waa inay u dhiibaan sharciga qofka dambiga galay, halkii ay beel ahaan uga fariisan lahaayeen arrin u baahan caddaalad iyo garsoor.
Odayaasha dhaqanku waa inay noqdaan kuwa ka shaqeeya nabadda, heshiisiinta iyo joojinta silsiladda aargoosiga, halkii ay sii hurin lahaayeen colaadaha.
4. Xaqiijinta nabadgelyada iyo sinnaanta
Waxaa lagama maarmaan ah in la baahiyo maamul-wanaag, lana abuuro jawi qof kasta oo Soomaali ah uu ku tixgeliyo maamuuska iyo karaamada nafta aadanaha.
Qofku waa inuu dareemaa in naftiisa iyo xuquuqdiisa uu ilaalinayo sharci iyo nidaam, ee aysan ku xirnayn beesha uu ka dhashay ama awoodda kooxdiisa.
Gunaanad
Aargoosigu waa dab naftiisa cuna, mana aha xal loogu jawaabo dhibaato laga maarmi karo. Marka qof lagu dilo qof kale dambigiis, dhibaatadu ma dhammaanayso; waxay u gudubtaa qoys kale, beel kale iyo jiil kale.
Kala dambaynta diinta Islaamka iyo ku dhaqanka caddaaladda ayaa ah jidka ay bulshada Soomaaliyeed ku heli karto nabad, barwaaqo iyo horumar waara.
Bulsho rabta inay ka gudubto colaadaha soo noqnoqda waa inay ka gudubtaa dhaqanka ah in dambiga qof lagu raaciyo dad aan waxba galabsan. Caddaaladdu waa inay noqotaa meesha laga raadiyo xaqa, halka cafiska iyo heshiisiintuna ay noqdaan jidka lagu soo afjaro colaadda.
Qore: Sheekh Cabdirashiid Jaamac Warsame, PhD
Madaxweynaha Jaamacadda Frontier, Garoowe, Puntland – Soomaaliya
Faallooyinka
Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.
Maqaallo la xiriira

YAA HORTAAGAN DAWLADNIMO KA HANA-QAADDA DHUL-UDUG (PUNTLAND) Qaybta 1-aad

XIGASHADA TAARIIKHDA: Taariikhdu Ma Aha Warin Keliya

