Maqaalo

Soomaaliya 66 Sano Kadib: Guul Mise Guuldarro?

Soomaaliya 66 Sano Kadib: Guul Mise Guuldarro?

Hordhac

Sannad kasta waxaa looga dabaaldegaa meel kasta oo Soomaali joogto, dal iyo dibadba, sanadguuradii xorriyadda marka la gaaro 1-da Luulyo. In Soomaaliya ka xorowdo gumaystayaashii qabsaday dhulkeeda dhammaadkii qarnigii 19-aad, gaar ahaan Ingiriiska iyo Talyaaniga, oo kala gumaysanayey Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya, waxay ahayd riyo rumowday oo muddo dheer ay u dagaallamayeen halgamayaal Soomaaliyeed oo mid walba meel soo gaarsiiyey halgankii gobannimo-doonka. Soomaalidu waxay ku naaloonaysay inay hesho dawladnimo u adeegta danaha shacabkeeda, difaacda xuduudaheeda, horumarisa nidaamkeeda dhaqan-dhaqaale, abuurtana degganaansho siyaasadeed, isla markaana kaalin wax-ku-ool ah ka gasha Afrika iyo dunida inteeda kale. Waxaa xusid gaar ah mudan in ujeeddada gobannimo-doonku ahayd xoraynta gobollada kala duwan ee gumaystuhu haystay, waxaase muuqata in uusan jirin qorshe ka sii fog oo ku jihaysan nooca dawladnimada la rabo (Governance Model) iyo tallaabada ku xigta toona.

Isla xilligaas ay Soomaaliya xoroowday, waxaa xornimadooda helay waddamo badan oo ka tirsan Afrika. Dhammaan waddamadaas waxaa ku noolaa qowmiyado kala diin, kala luuqad iyo kala dhaqan ah. Soomaaliya waxay kaga duwanaayd in bulshadeedu isku midab, isku diin iyo isku luuqad ahayd, isla markaana ay u dhammaystirnayd wax kasta oo midayn kara ummad kana xoojin kara wadajirkeeda.

Su’aasha maanta ka guuxaysa qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ah: maxaa ka rumoobay riyadii lagu naaloonayey xilligii lagu jiray halgankii gobannimo-doonka? Xaggee ayay Soomaaliya ku dambaysay 66 sano ka dib markii ay qaadatay xornimada 1-da Luulyo 1960?

Waxaa aad u adag in la qeexo ama hoosta laga xarriiqo xaaladda dawladnimo ee Soomaaliya maanta. Burburkii dawladdii dhexe ee 1991-kii ka dib, dalku wuxuu galay xaalad dagaal sokeeye iyo burbur baahsan oo socday muddo ku dhow toban sano, ilaa sannadkii 2000, markaas oo Jabuuti lagu soo yagleelay Jamhuuriyaddii Saddexaad, taas oo maanta ku jirta marxalad kala-guur ah oo halis gelin karta jiritaankeeda. Dawladnimada Soomaaliya waxay ku jirtaa xaalad uu dhisan yahay haykalkii dawladnimo, balse aan lahayn ruuxdii iyo waxtarkii laga filayey; waa xaalad u dhexaysa fashil iyo jiritaan, xaalad lagu tilmaami karo in uu jiro nidaam dawladnimo oo dhisan, hase yeeshee aan si buuxda u shaqayn ama u bixin adeegyadii ay dawladdu bixin jirtay.

Lixdan iyo lix sano ka dib xornimadii, jiritaanka dawladnimada Soomaaliya wuxuu weli ku tiirsan yahay joogitaanka ciidamo shisheeye oo suga amniga iyo ilaalinta kaabayaasha ugu muhiimsan ee dawladda, sida garoonka diyaaradaha iyo madaxtooyada.

Isdiiddooyinka nololeed ee xaaladda Soomaaliya waxaa lagu soo koobi karaa laba arrimood: shacabka oo muujiyey adkaysi aan caadi ahayn, kana soo samatabaxay burbur iyo qalalaase siyaasadeed oo daba dheeraaday; iyo nidaamka dawladnimo oo ku fashilmay inuu dhiso hay’ado u taagan dawladnimada, si hufanna ugu adeega bulshada.

Shacabka Soomaaliyeed waxay soo mareen 10-kii sano ee ugu horreeyey xorriyadda ka dib nidaam u muuqday dimuqraadiyad ay hadheeyeen qabyaalad iyo kala qaybsanaan siyaasadeed; 21 sano oo uu talada hayey nidaam hantiwadaag, millatari iyo keli-talis ah; 10 sano oo dagaal sokeeye oo aan waxba reebin; iyo 25 sano oo uu jiray nidaam dawladnimo oo maqaarsaar ah, kaas oo aan weli si dhab ah uga hawlgelin waaqica dalka, kuna dhisan siyaasad qoqob iyo qabiil is huwan.

Xornimada iyo Bar-Bilowga Dawladnimo

Gumaysigii ka hor, deegaannada Soomaalida kama jirin nidaam dawladnimo oo la mid ah kan maanta loo yaqaan. Waxaase jiray meelo ka mid ah deegaannada Soomaalida oo ay gaareen nidaamyadii Wilaayaadka Islaamiga ah, sida Ifaat, oo ka hanaqaaday Harar iyo Saylac. Waxaa sidoo kale jiray qabaa’il lahaa nidaamyo dhaqameed lagu maamulo laguna kala baxo.

Nidaamka dawladnimada casriga ah (Modern Statehood and Governance Model) waa nidaam laga dhaxlay gumaystihii, kuna dhisan mabda’a qaran madaxbannaan (National Sovereignty), leh xuduudo si cad u qeexan (Defined Territorial Borders) iyo ku-dhaqanka sharciga (Rule of Law). Nidaamkan, qaabkiisa casriga ah, hore ugama jirin deegaannada Soomaaliyeed, bulshaduna aqoon iyo waayo-aragnimo durugsan uma lahayn.

Helitaanka xorriyaddu ma suurtagelin dawladnimo buuxda; balse waxay ahayd bar-bilow laga ambaqaado si loo dhiso nidaam dawladnimo waara, taabba-gal ah, kuna dhisan danta iyo diinta bulshada, una adeega dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Xorriyaddu ma dhisin hay’ado dawladeed (Institutions) oo xooggan, dhaqan awood-qaybsi oo suubban (democratic tradition), ama faham sax ah oo laga haysto nidaamka siyaasadeed ee lagu hagayo qaranka.

Midowgii labada gobol ee Koonfurta iyo Waqooyiga wuxuu ahaa arrin ay dhammaan Soomaalidu u riyaaqeen, kana muuqatay waddaniyad iyo daljacayl. Hase yeeshee, waxay ahaayeen laba gobol oo hab-dhaqankooda siyaasadeed iyo fahamkooda dawladnimo uu saldhig u ahaa laba gumayste oo kala dhaqan duwan, kana kala tegay laba nidaam-dawladnimo oo aad u kala duwan, gaar ahaan dhinacyada qaanuunka, is-maamulka, maaraynta arrimaha siyaasadda, iyo sida loola dhaqmo bulshada iyo bixinta adeegyadeeda.

Kala duwanaanshahaas si weyn looguma baraarugsanayn bilowgii midowga, taas oo ay sabab u ahayd xamaasaddii Soomaalinimada, farxaddii laga qaaday xorriyadda la helay, iyo rajadii laga qabay in la xoreeyo gobolladii Soomaaliyeed ee weli maqnaa. Waxaa intaas barbar socday in noloshii dhaqameed ee soo jireenka ahayd ay inteeda badan ku salaysnayd maaraynta nolol-maalmeedka bulshada, sida sugidda amniga, xaqiijinta caddaaladda, iyo kobcinta iskaashiga bulshada.

Madaxdii cusbayd ee dalka hoggaanka u qabatay, halkii ay adeegyadii noloshii dhaqanka u wareejin lahaayeen adeegyo ay dawladdu qabato, dadkana u bari lahaayeen faa’iidada dawladnimada iyo in ay u dhalatay inay noqoto hay’adda u taagan danta guud, u adeegidda bulshada, xaqiijinta caddaaladda, la dagaallanka dulmiga, iyo horumarinta aqoonta iyo xirfadaha, halkii ay bulshada u jihayn lahaayeen in laga guuro noloshii dhaqanka ee xooggeedu ku dhisnaa reer-guuraanimada iyo “yaa tolooy”, waxay doorteen in noloshii dhaqanka ay u adeegsadaan sidii ay ugu taagnaan lahaayeen uguna fushan lahaayeen danahooda gaarka ah ee siyaasadeed ama ugu heli lahaayeen kuraas.

Waxay sii xoojiyeen qabyaaladdii, waxaana meesha ka baxay hammigii ay bulshadu ka lahayd dawladnimada. Sidoo kale, waxaa lumay fahamkii saxda ahaa ee la rabay in laga qaato qarannimada iyo dawladnimada. Natiijadii waxay noqotay in ay dhismaan hay’ado dawladeed oo ay hareeyeen nin-jeclaysi, qabyaalad iyo loollan awoodeed (power struggle).

Muddo ka yar sagaal sano gudahood, waxaa soo ifbaxday sawir aan qurux badnayn oo ka tarjumaya nooca dawladnimada laga dhaxlay gumaystihii, taas oo ugu dambayn sababtay in la dilo madaxweynihii dalka, isla markaana ay ciidamadu la wareegaan talada dalka.

Dhalashada iyo Dhimashada Dawlad Dhexe oo Xooggan

Inqilaabkii milatariga ee 1969-kii wuxuu bilowgiiba suurtageliyey in nidaamkii u ekaa dimuqraadiyadda, balse ay hadhaysay qabyaaladdu, ee ay bulshada Soomaaliyeed la kulmeen xorriyaddii ka dib, lagu beddelo nidaam adag oo ku dhisan midnimo qaran. Wuxuu hirgeliyey kacaan uu ku tilmaamay hantiwadaag cilmi ku dhisan (Scientific Socialism), isagoo gacan bir ah ku qabtay awooddii fulinta, qorshaynta iyo maamulka dhammaan mashaariicdii iyo hawlihii horumarineed ee dalka ka socday.

Sanadihii u horreeyey, waxqabadka kacaanku wuxuu noqday mid si weyn loo dareemay. Wuxuu hirgeliyey qorista af Soomaaliga, wuxuu la dagaallamay qabyaaladdii, wuxuuna dhisay kaabayaal dhaqaale sida warshado. Muddo yar ka dib, Soomaaliya waxay u muuqatay inay tahay dawlad aad uga xooggan dawladaha kale ee Geeska Afrika. Hase yeeshee, haykalkii guud ee u ekaa dawlad xooggan waxaa hoostiisa ka socday bolol iyo burbur ku dhacay hay’adaha dawladda iyo adeegyada bulshada. Awooddii xukunka waxay ku ururtay tiro kooban, waxaana meesha ka baxay hay’adihii madaxbannaan, halka uu daciifay ama gebi ahaanba joogsaday isla-xisaabtankii bulshada. U hoggaansanaanta kacaanka iyo daacadnimada loo muujiyo (loyalty) ayaa beddelay kartidii iyo aqoontii qofka (competence) ee lagu qiimayn jiray qabashada jago ama helitaanka fursad shaqo.

Muddo aan ka badnayn toban sano gudahood, nidaamkii kacaanka ee ku dhisnaa cududda milatariga wuxuu bilaabay inuu taag-darreeyo, inkasta oo qayb ahaan loo aanayn karo dagaalkii qaraaraa ee 1977–1978 lagu qaaday Itoobiya si loo xoreeyo Soomaali Galbeed. Muddadii ka dambaysay 1980-kii, nidaamkii kacaanka iyo keli-talisnimadii xukunka milatarigu waxay la kulmeen kacdoonno hubaysan oo saldhiggoodu ahaa Itoobiya. Taasina waxay bilow u noqotay hoos-u-dhacii nidaamka, iyadoo uu galay xaalad uu ku mashquulay is-badbaadin iyo sidii uu xukunka u sii haysan lahaa, ilaa ugu dambayn uu burburay sannadkii 1991-kii.

Nidaamka Federalka iyo Dib-u-dhiska Dawladnimada

Toban sano oo lagu jiray dagaal sokeeye, qax, barakac baahsan, iyo in reer walba dib ugu noqdo deegaannadii uu ka soo jeeday ka dib, hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliyeed waxay ku heshiiyeen in dawladnimadu dib ugu soo noqon karto nidaam federaal ah oo ku dhisan awood-qaybsi, xukun-daadejin, iyo dhismaha dawlad-goboleedyo ismaamul leh. Ujeeddadu waxay ahayd in laga gudbo nidaamkii dawlad dhexe ee awoodda badan, lana abuuro hannaan dib u soo celin kara wadajirka iyo dawladnimada Soomaaliya. Waxaa la rumaysnaa in awood-qaybsiga ku dhisan beelaha (4.5 model) uu horseedi karo dawlad ay dhammaan bulshada Soomaaliyeed wada leeyihiin.

Qaadashada nidaamka federaalka ku dhisan, inkasta oo uu suurtageliyey dib u soo noqoshada nidaamkii dawladnimo laguna soo dhisay Jamhuuriyaddii Saddexaad tan iyo markii dib loo yagleelay, haddana waxaa caddaatay inay aad u adkaatay in loo dhaqan geliyo sidii loogu talagalay. Weli la iskuma raacsana nooca dastuurka iyo sida loo dhammaystirayo. Weli la iskuma raacsana sida ay dawladda dhexe iyo dawlad-goboleedyadu u qaybsanayaan awoodaha, deeqaha caalamiga ah iyo khayraadka. Weli la iskuma raacsana nooca doorasho ee lagu soo dhisayo baarlamaanka iyo jagooyinka ugu sarreeya ee dowladda. Sidoo kale, weli ma jirto Maxkamad Dastuuri ah oo kala saarta khilaafaadka ka dhex dhasha madaxda sare ee dalka ama u dhexeeya dawladda dhexe iyo dawlad-goboleedyada.

Mugdiga iyo khilaafaadka hareeyey dhaqangelinta nidaamka federaalka ayaa sababay in laga mashquulo dhisidda hay’ado dawladnimo oo taabba-gal ah iyo u adeegidda bulshada si caddaalad iyo sinaan leh. Waxaa muuqata in nidaamka federaalku noqday malab iyo murre isku milan: wuxuu noqday, dhinac, xalkii dib u dhiska dawladnimada, dhinaca kalena isha ugu weyn ee khilaafaadka siyaasadeed iyo murannada awood-qaybsiga. Dhaqangelinta nidaamka federaalka waxay ku xiran tahay is-aaminaad siyaasadeed oo ka badan inta ay ku xiran tahay waxa ku qoran dastuurka, maadaama qodobada dastuurka, marka la doono, si fudud loo beddeli karo ama loo garab mari karo.

Shalay iyo maanta waxaa isu eg, oo aan la inkiri karin, saamaynta beelnimada loogu adeegsanayo helitaanka awood siyaasadeed. Arrintani waxay dib u xasuusinaysaa bulshada hab-dhaqankii siyaasadeed ee 10-kii sano ee ugu horreeyey xornimada ka dib. Mushkiladdu ma aha jiritaanka beelaha iyo odayaasha dhaqanka. Intii ay Soomaalidu jirtay, bulshada waxay ku dhisnayd nidaamka dhaqanka iyo kaalinta odayaasha dhaqanka ee nabadaynta iyo xalinta khilaafaadka. Mushkiladdu waxay timaaddaa marka hay’adaha dawladda iyo nidaamka dhaqanku isku milmaan, awooddana lagu qaybsado hab aan caddaalad ku dhisnayn, lagana waayo sinnaanta adeegyada dawladda. Sidoo kale, mushkiladdu waxay timaaddaa marka dadku wax ku qiimeeyaan metelaadda beeleed iyo “yaa inoo jooga”, halkii ay waxqabadka dawladdu ku qiimayn lahaayeen adeeg hufan iyo karti shaqo oo ku dhisan aqoon iyo xirfad.

Fahamka laga haysto dawladnimada ayaa marar badan noqday in laga macaasho ama laga cooto hay’adaha dawladda, halkii ay ujeeddadoodu ahaan lahayd u adeegidda bulshada. Taasi waa sababta ay u adkaatay in laga gudbo wax-qaybsiga ku salaysan qabiilka. Reer walba wuxuu doonayaa inuu metelaad ku yeesho hay’adaha dawladda si aanu u lumin fursadaha shaqo, hantida iyo awoodda uu ku heli karo tartanka ama loollanka jagooyinka sare iyo wasaaradaha loo arko inay “dhadhan” leeyihiin. Su’aashu waxay tahay: ma loo baahan yahay in laga guuro dhaqanka nololeed ee Soomaalida u ahaa soo jireenka boqollaalka sano, mise waxaa la oran karaa jiritaanka qabiilka ayaa caqabad ku ah hirgelinta nidaam dawladnimo? Xaqiiqadu waxay tahay in jiritaanka dhaqanka nololeedku uusan caqabad dhab ah noqonayn haddii si habboon loo jiheeyo looguna adeegsado nabadaynta, midaynta iyo xoojinta wadajirka bulshada. Waxaase muhiim ah in waddaniyaddu ka horreyso beelnimada marka go’aanno laga gaarayo arrimaha khuseeya danta guud iyo adeegyada bulshada. Sidoo kale, waxaa lama huraan ah in bulshada aysan ku kala duwanaan xuquuqda iyo helitaanka fursadaha awoodda iyadoo lagu salaynayo haybta ama beesha ay ka dhasheen.

Dimoqraadiyad Maran

Intii dib loo yagleelay dhismaha dawladnimada, ama Jamhuuriyaddii Saddexaad, waxaa la soo dhisay xukuumado badan, waxaana la qabtay doorashooyin dadban oo lagu soo doorto golayaasha baarlamaanka iyo madaxda sare ee dalka. Hase yeeshee, nidaamka dimuqraaddigu ma aha doorasho oo keliya. Wuxuu ku dhisan yahay hay’ado saldhig u ah dawladnimada iyo xukun waara, sida maxkamado awood leh, xisbiyo siyaasadeed oo xooggan, warbaahin xor ah, iyo ixtiraamka dastuurka. Siyaasadda Soomaaliya waxay inta badan ku dul meersan tahay shakhsiyaadka is sharraxaya, beesha ay ka dhasheen, taageerada ay ka helaan dawlado shisheeye, iyo dhaqaalaha ay haystaan. Siyaasaddu kuma dhisna barnaamijyo siyaasadeed ama qorshayaal cad oo lagu horumarinayo dalka laguna adeegayo bulshada. Ugu dambayn, siyaasaddu waxay ku soo ururtay koox yar oo hore u soo haysay talada dalka, kuwaas oo aan ka tegin waxqabad muuqda ama horumar la taaban karo. Dhanka kale, bulshada inteeda badan mudnaanta ma siiso in hoggaamiyuhu wax u qabto shacabka, uu ilaaliyo hantida guud, ama uusan ku takrifalin awoodda xafiiska. Waxa ugu weyn ee ay danaynayaan waa beesha uu ka soo jeedo iyo nooca kuraasta ay beeshoodu ka hesho nidaamka siyaasadeed.

Dhibaatada Hoggaanka Siyaasadeed

In kasta oo dawladnimada Soomaaliya ay weli xasillooni la’dahay sababo la xiriira caqabado waaweyn oo horyaalla, sida ismariwaaga dastuurka, maqnaanshaha Maxkamad Dastuuri ah oo madax-bannaan, daciifnimada hay’adaha danta guud, amni darrada, iyo khatarta argagixisada, kuwaas oo dhammaantood curyaaminaya dib u dhiska hannaan dawladnimo oo taabba-gal ah, haddana waxaa la oran karaa caqabadda ay ku ururayaan dhammaan caqabadahaasi waa hab-dhaqanka siyaasadeed (Political Culture) ee hareeyey nidaamka dawladnimo 25-kii sano ee u dambeeyey.

Gelitaanka siyaasadda waxaa inta badan laga fahamsan yahay inay tahay tartan loogu jiro xafiis iyo kursi, halkii ay ka ahaan lahayd tartan lagu qaadayo mas’uuliyadda hirgelinta isbeddel qaran, horumar iyo adeeg bulsho. Qiimaynta hoggaaminta waa inay ku salaysnaataa raadka ay ka tagtay, saamaynta ay ku yeelatay nolosha bulshada, iyo sida ay u dhistay ama u horumarisay hay’adaha adeegga bulshada. Dawladdu xoog iyo horumar kuma gaarto hoggaamiye awood badan oo keliya. Waddamadu waxay ku horumaraan, awoodna ku yeeshaan, sida ay u xooggan yihiin hay’adaha danta guud iyo kuwa adeegga bulshada, sida waxbarashada, caddaaladda, shaqo-abuurka, isku-xirka bulshada, sugidda amniga, abuuridda fursadaha, iyo ixtiraamka xeerarka iyo shuruucda dalka u yaalla.

Soomaaliya maanta uma baahna ictiraaf ama aqoonsi caalami ah. Waxa ay la daalaa-dhacaysaa waa sharciyadda iyo sharciyeynta hay’adaha dawladda, kalsoonida ay bulshadu ku qabto, iyo tayada adeegyada ay bixiyaan. Waxay u hamuuman tahay qaan-gaadhnimo dastuuri ah, isla-xisaabtan ka dhexeeya heerarka kala duwan ee dawladda, isbeddel dhaqaale, iyo xoojinta muwaadinnimada. Sidoo kale, waxay baahi weyn u qabtaa hoggaamin ay hagayso danta guud, kana madax-bannaan danaha shakhsiyeed iyo kuwa beeleed.

Gunaanad

Lixdan iyo lix sano ka dib helitaankii xornimada Soomaaliya, weli si buuxda looma fahmin macnaha dawladnimo. Ma jirin qorshe qeexan oo laga lahaa nooca dawladnimo ee Soomaaliya yeelan doonto gumaysiga ka dib. Hab-dhaqannadii kala duwanaa ee gumaystayaashii kala maamulayey gobollada kala duwan, sida Koonfurta iyo Waqooyiga, waxay sababeen in aan la yeelan aragti mideysan oo ku saabsan nidaamka dawladnimada iyo hab-dhaqanka siyaasadeed. Noloshii dhaqanka ayaa u gudubtay hay’adaha dawladnimada. Hay’adaha dawladda waxay noqdeen goobo ay bulshadu u aragto meel laga macaasho ama laga cooto, halkii ay ka ahaan lahaayeen hay’ado bulshada u adeega. Siyaasaddu kuma dhisna keenidda isbeddel dhaqaale, horumarinta bulshada iyo u adeegidda danta guud.

Sidoo kale, weli si dhab ah looma fahmin nidaamka federaalka ee lagu heshiiyey inuu noqdo hannaan isku haya dalka, kana qayb qaata dib u soo celinta bulshada ku kala irdhowday dagaalkii sokeeye iyo burburkii baahsanaa ee aan waxba reebin, kaas oo meesha ka saaray is-aaminkii bulshada iyo awooddii ay wax ugu midoobi lahayd.

Taariikhdu waxay qori doontaa in aan guul lagu gaadhi karin dastuur si joogto ah loo beddelo ama lagu kala adkaado cudud milatari. Guusha iyo hirgelidda dawladnimo waarta waxaa suurta gelin kara oo keliya marka hoggaanka siyaasadda, culimada diinta, aqoonyahanka, ganacsatada, odayaasha dhaqanka iyo bulshada guud ay yeeshaan aragti, hiigsi iyo himilo qaran oo danta guud iyo dhisidda hay’adaha dawladda ka hormarisa danaha shakhsiyeed, kuwa beeleed iyo nin-jeclaysiga.

La wadaag

Faallooyinka

Ka qeyb qaado dooda. Faallooyinka waxaa dib u eegaya Guddiga Tifaftirka ka hor inta aan la soo bandhigin.

Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.

Maqaallo la xiriira