Maqaalo

Maxkamadda Dastuuriga ah: Muhiimadeeda iyo Maqnaanshaheeda

Maxkamadda Dastuuriga ah: Muhiimadeeda iyo Maqnaanshaheeda

Hordhac

Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu qeexayaa in nidaamka garsoorka qaranku ka koobnaan doono saddex heer oo isku xigxiga: Maxkamadda Dastuurka, Maxkamadaha Heerka Dowladda Federaalka, iyo Maxkamadaha Heerka Dawladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka. Maxkamadda Dastuurku waxay ku taal heerka ugu sarreeya garsoorka, waxaana loo arkaa hay’adda xaqiijisa in sharciyada dalku waafaqsan yihiin dastuurka iyo mabaadi’da dowladnimada casriga ah.

Si kastaba ha ahaatee, tan iyo markii dastuurkan la ansixiyay 2012, Soomaaliya ilaa iyo hadda ma dhisan Maxkamad Dastuuri ah oo si buuxda u shaqaynaysa. Maqnaanshaheedu wuxuu abuuray hoos u dhac ku yimid habka loo xalliyo khilaafaadka dastuuriga ah, iyo boos madhan oo ay ku buuxsadaan go’aammo siyaasadeed oo aan lagu salaynin garsoor madax-bannaan.

Maxkamadda Dastuurka: Macnaheeda iyo Doorkeeda

Qodobka 108-aad ee dastuurka wuxuu u kala saaraa maxkamadaha qaranka saddex heer: Maxkamadda Dastuurka, Maxkamadaha Heerka Dowladda Federaalka, iyo kuwa Heerka Dawladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka. Sida ku cad Qodobka 109B, Maxkamadda Dastuurku waxay ka koobnaan doontaa shan Garsoore, oo ay ku jiraan Garsooraha Sare iyo Ku-xigeenkiisa. Garsoorayaashaan waxaa magacyadooda soo jeediya Guddiga Adeegga Garsoorka, waxaa ansixiya Aqalka Hoose ee Baarlamaanka, waxaana ugu dambaysta magacaaba Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Maxkamaddan waxaa loogu talagalay inay noqoto hay’adda ugu sarreysa ee fasirta Dastuurka, isla markaana go’aan ka gaarta khilaafaadka ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka. Waxay sidoo kale hubisaa waafaqsanaanta sharciyada uu Baarlamaanku meel mariyo iyo Dastuurka, iyadoo awood u leh inay go’aan ka gaarto dacwadaha xil-ka-qaadista Madaxweynaha. Sidaa awgeed, Maxkamadda Dastuurku waa hay’ad aas-aasi u ah ilaalinta sarreynta Dastuurka iyo xaqiijinta isu-dheellitirka awoodaha saddexda laamood ee dowladda: laanta sharci-dejinta, laanta fulinta, iyo laanta garsoorka.

Soomaaliya Hore Ma u Yeelatay Maxkamad Dastuuri ah?

Waxaa xusid mudan in Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee la ansixiyay sannadkii 2012 uu si cad u qeexay jiritaanka Maxkamadda Dastuurka, taasoo muujinaysa in fikradda iyo qaab-dhismeedkeeda sharci ay hore u jireen. Hase yeeshee, waxaa jira farqi weyn oo u dhexeeya qodob dastuur lagu qoray iyo hirgelintiisa dhab ahaan. Ilaa maanta, Guddiga Adeegga Garsoorka (GAG)—oo ah hay’adda keliya ee Dastuurku u xilsaaray soo-jeedinta magacyada garsoorayaasha Maxkamadda Dastuurka—si buuxda uma dhisna mana shaqaynayo. Taasina waxay caqabad weyn ku noqotay dhismaha iyo hawlgelinta Maxkamadda Dastuurka, maadaama aan la magacaabi karin garsoorayaasheeda iyadoo aan Guddiga Adeegga Garsoorku gudan waajibaadkiisa dastuuriga ah.

Taariikh ahaan, Soomaaliya waxay marar badan isku dayday inay dib u dhisto garsoorkeeda ka dib burburkii dowladdii dhexe ee 1991. Xitaa Dowladda Kumeel-gaarka ahayd (TNG) ee Carta lagu soo aasaasay 2000 waxay ahayd tusaale muujinaya dadaalka dib-u-dhiska garsoor rasmi ah, laakiin maxkamad dastuuri ah oo shaqaynaysa lama gaarin. Sharciga garsoorka ee hadda shaqaynaya waxaa la sameeyay xilligii dalku lahaa nidaam dowladeed oo dhexe, halka Soomaaliya hadda leedahay nidaam federal ah! taasoo keentay in sharciga xukumaya garsoorka aan loo ansixin sida loogu baahan yahay.

Sababaha ay Maxkamadda Dastuurku Weli u Maqan Tahay

Sidaan hore u soo sheegay, Guddiga Adeegga Garsoorka (GAG), oo ah shuruudda ugu horreysa ee lagama maarmaanka u ah dhismaha Maxkamadda Dastuurka, weli si buuxda uma shaqaynayo. Sidoo kale, dib-u-eegista Dastuurka oo socotay in ka badan 14 sano ayaa dib u dhigtay hirgelinta hay’adaha uu Dastuurku jideeyay. Inkastoo Baarlamaanku bishii Maarso 2026 ansixiyay xeer-ku-darkii ugu dambeeyay ee Dastuurka, haddana weli waxaa dhiman afti dadweyne oo ansixisa, taas oo ah tallaabada ugu muhiimsan ee lagu dhamaystirayo hirgelinta hay’adaha cusub, oo ay ka mid tahay Maxkamadda Dastuurka.

Waxa kale oo dib u dhaca sabab u noqday xiisadaha siyaasadeed ee soo noqnoqday ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka. Sannadkii 2026, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ku baaqay in la dedejiyo dhismaha Guddiga Sare ee Adeegga Garsoorka iyo Maxkamadda Dastuurka, baaqaas oo muujinaya in inkastoo Dastuurka la ansixiyay 2012, labadaas hay’adood aan weli la dhisin.

Caqabadaha Siyaasadeed

Is-afgarad la’aanta u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ayaa si weyn u caqabadaysay hirgelinta hay’adaha garsoorka. Isbeddellada siyaasadeed ee soo noqnoqda iyo khilaafaadka joogtada ahi waxay keeneen in mabaadi’da dastuuriga ah mararka qaar loo adeegsado dano siyaasadeed, halka mararka kalena la iska indho-tiro. Duruufahaas awgood, way adkaanaysaa in Soomaaliya laga hirgeliyo Maxkamad Dastuuri ah oo madax-bannaan laguna kalsoonaan karo, maadaama dhismaheedu u baahan yahay is-afgarad siyaasadeed oo ballaaran.

Waxa Loo Baahan Yahay Si Loo Dhiso Maxkamadda Dastuurka

Marka la eego xaaladda kor ku xusan, waxaa jira shan shuruudood oo aasaasi u ah dhismaha Maxkamadda Dastuurka. Marka koowaad, waa in la dhammaystiraa lana hawlgeliyaa Guddiga Adeegga Garsoorka, oo ah hay’adda keliya ee Dastuurku u xilsaaray soo-jeedinta magacyada garsoorayaasha. Ilaa guddigan si buuxda u shaqeeyo, ma jiri karto saldhig sharci iyo hay’adeed oo lagu dhiso Maxkamadda Dastuurka.

Marka labaad, waa in la dhammaystiraa dib-u-eegista Dastuurka, lana ansixiyaa afti dadweyne si loo helo Dastuur ay si buuxda ugu heshiiyaan Dowladda Federaalka iyo dhammaan Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka, kaas oo saldhig u noqda dhismaha iyo shaqada Maxkamadda Dastuurka.

Marka saddexaad, waa in la gaaraa is-afgarad siyaasadeed oo dhab ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka, si Maxkamadda Dastuurku u noqoto hay’ad madax-bannaan, dhexdhexaad ah, oo ay dhammaan dhinacyadu ku kalsoonaadaan, halkii ay noqon lahayd mid loo arko inay u janjeerto dhinac gaar ah.

Marka afaraad, waa in la magacaabaa garsoorayaal leh aqoon qoto dheer oo ku saabsan sharciga, Shareecada Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, isla markaana ka madax-bannaan cadaadis iyo saameyn siyaasadeed, si go’aannadoodu ugu dhisnaadaan mabaadi’da caddaaladda iyo sharciga.

Marka shanaad, waa in la xoojiyaa wacyiga bulshada iyo kalsoonida ay ku qabaan nidaamka garsoorka, iyadoo Maxkamadda Dastuurka si waafaqsan loogu xiriirinayo labada nidaam ee kale—Shareecada Islaamka iyo Xeer Dhaqameedka—si ay u noqoto hay’ad ka tarjumaysa qiyamka, dhaqanka iyo baahiyaha bulshada Soomaaliyeed.

Gunaanad

Maxkamadda Dastuurku waa tiirka ugu muhiimsan ee nidaamka garsoorka casriga ah, waana hay’adda keliya ee awood u leh inay si madax-bannaan oo sharci ku dhisan u xalliso khilaafaadka dastuuriga ah. Maqnaanshaheedu wuxuu abuuray firaaqo hay’adeed oo ay inta badan buuxiyaan go’aanno siyaasadeed halkii ay ka buuxin lahayd garsoor madax-bannaan. Sidaa darteed, dhismaha Maxkamadda Dastuurka ma aha arrin la sugo ilaa laga gaarayo xasillooni siyaasadeed oo buuxda; taa beddelkeeda, waa mid ka mid ah aas-aasyada lagama maarmaanka u ah xaqiijinta xasilloonida, sarreynta sharciga, iyo dowladnimo ku dhisan Dastuur.

Tixraac

Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee JFS (2012), Qodobbada 105–109C; “Judiciary of Somalia,” Wikipedia; Ministry of Justice and Constitutional Affairs, “Rule of Law and Independent Judiciary in Somalia” (2025); ConstitutionNet (2026); Africa at LSE, “Somalia is About to Enter a Constitutional Crisis” (2026).

La wadaag

Faallooyinka

Ka qeyb qaado dooda. Faallooyinka waxaa dib u eegaya Guddiga Tifaftirka ka hor inta aan la soo bandhigin.

Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.

Maqaallo la xiriira