Jamhuuriyad Qabyo ah: 66 Sano Kaddib, Xus iyo Xasuus Is‑khilaafsan

Hordhac: Riyooyin aan rumoobin oo Riyaaqooduna Dhammaan
Maalintii 1‑da Luulyo 1960, Soomaaliya waxay gashay bog cusub oo taariikheed, iyadoo calankeeda buluugga ahi uu markii ugu horreysay cirka u shareeray. Madaxweyne Aden Cabdulle Cismaan, ayaa khudbaddii uu ka jeediyey barxadda Golaha Shacabka, ku dhawaaqay erayo weli ku jira xusuusta ummadda: “Maanta waxaan nahay Soomaali, maanta waxaan nahay dad madax‑bannaan oo gob ah. Maanta waxaan helnay dal iyo calan.” Dadkii farxadda la ooyaya ee ku sugnaa Piazza della Solidarietà Africana waxay u sacbiyeen riyo ay tobannaan sano ku haminayeen, dad fara weynna ay qabuuraha darteed u galeen.
Khudbaddiisu waxay ahayd baaq qaran oo ku dhisan rajo, sharaf iyo mas’uuliyad. Wuxuu xusuusiyay shacabka in taariikhdooda ay ka buuxdo halgan xanbaarsan rajo iyo filasho wanaagsan, wuxuuna ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay difaacaan qiyamka dowladnimada ee dimuqraadiyadda, caddaaladda, nabadda iyo ixtiraamka. Wuxuu si gaar ah u adkeeyay in la dhowro hay’adaha qaranka, isagoo yiri: “Aan sharafno oo aan dhowrno hay’adaha dimuqraadiyadda”. Sidoo kale, waxa uu ka digay musuq-maasuqa iyo maamul xumada, dunidana waxa uu la wadaagay in dawladdaan curatay ay tahay mid ka shaqayn doonta nabadda, xiriir saaxiibtinimo oo wanaagsanna la yeelan doonto dalalka kale.
Shan cisho ka hor, 26‑kii Juun 1960, Gobollada Waqooyi (Somaliland) ayaa ka xoroobay Ingiriiska. Fagaaraha Khayriyadda ee Hargeysa, Abwaan Cabdilaahi Suldaan Timacadde ayaa tiriyay gabaygii caanka ahaa “Kaana Siib, Kanna Saar” oo uu ku muujinayo farxadda xornimada iyo calan Soomaaliyeed oo lagu bedelaayo calankii guumaysiga ee xanbaarsanaa dulmiga. Dareenka midnimada iyo Soomaalinimaduna dadka dhan qanjaha ayuu joogay.
Si kastaba ha ahaatee, 66 sano kadib, riyooyinkaas quruxda badan badankood ma rumoobin, riyaaqooduna weli ma dhammaan. Dimuqraadiyaddii lixdankii lagu faani jiray waxaa soo afjaray afgembigii 1969-kii, waxaana bilowday xukun kali‑talis ah oo burburiyay kalsoonidii shacabka, qoto dheereeyay kala‑qaybsanaantii bulshada, kuna tallaabsaday ku xadgudub xuquuqda aadimiga ah ee muwaadiniinta. Ugu dambayntiina, 1991‑dii dowladdii ayaa burburtay, dagaal sokeeye ayaa qarxay, malaayiin qof ayaa barakacay, hay’adihii qaranka ee Madaxweyne Aden Cabdulle ku boorriyay dadku in ay ilaashadaan maalinkii xoriyadda, waxa ay ku burburiyeen gacmahooda.
Riyadii midnimada Soomaaliyeedna ma rumoobin. Jabuuti waxay qaadatay waddo u gaar ah, oo waxa ay noqotay dawlad madax-banaan, Ogaadeen iyo NFD waxay ku hadheen gacanta Itoobiya iyo Kiinya, jamhuuriaddii dhalatay 1-da luulyo 1960 kiina waa burburtay. Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ee loo yaqaano (Somaliland) ayaa 1991-dii ku dhawaaqday in ay dalka intiisa kale ka go’een. Calankii uu Aden Cabdulle ku tilmaamay “nimco Eebbe” wuxuu noqday astaan rajo iyo midnimo oo aan weli si buuxda u hirgelin, dadka Soomaaliyeedna 66 sano kaddib weli waxa ay baadi goobayaan heshiis bulsho oo isu haya, waxa ay ku jiraan geedi-socod dawlad-dhis oo gaabinaya, adduunku gardaadiyo, si dhamaystiranna aan luguhiisa isku taagin, doodihiisuna aynan dhammaan.
66 Sano Kaddib, Xus iyo Xasuus Is‑khilaafsan
Sannad kasta, Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo dawladaha xubnaha ka ah waxay qabtaan xaflado lagu xusaayo 1‑da Luulyo, iyada oo la sameeyo calan‑taag saq-dhexe, dhoollatus ciidan, heeso wadani ah, iyo khudbado ku saabsan xornimada, midnimada dalka iyo waayaha iyo duruufaha ku xeeran. Sawirka ka soo baxa Villa Soomaaliya, fagaarayaasha Caasimadda, gobollada iyo xafladaha qurba joogta, waa kuwa farxad leh oo maalinta xorriyadda lagu faano.
Hase ahaatee, 66 sano kaddib dadka Soomaaliyeed kama midaysna xasuusta xornimada, iyo halgankii loo galay Jamhuuriyadda curatay 1-dii Luulyo 1960-kii.
Tusaale ahaan, Jiilasha koray burburkii kaddib 1991, waxay 1‑da Luulyo la xiriiriyaan dawlad la’aan, dagaallo sokeeye, barakac iyo tahriib; xuska xornimada uma muuqdo mid ka tarjumaya waayaha iyo duruufaha ku xeeran. Sidoo kale, qaybo badan oo ka mid bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobollada Waqooyi (Somaliland) waxay xusaan oo xusuustaan 26‑Juun oo keliya, midnimadii dhacday 1‑da Luulyo 1960-kii, waxa ay u arkaan in ay ahayd ilduuf siyaasadeed, dhaxalkeedana aan la mahdin, ayna reebtay xanuun iyo diidmo midnimo oo gaarsiisay in ay Israa’iil miciin bidaan.
Dhanka kale, barakacayaasha gudaha ee Jamhuuriyadda dhexdeeda ku rafaadsan iyo Qaxootiga daadsan daafaha adduunka, xasuusta xornimadu waxay ugu suntantahay dawlad ku fashilantay ilaalinta nabadda, xuquuqda aadanaha iyo rajadii ay ka qabeen nolol karaamo leh.
Natiijada guudna waa xus iyo xasuus is‑khilaafsan. Waxaa lumay sheeko wadareedkii qaran iyo xasuustiisii midaysnayd. 66 sano kaddib, hoggaanka siyaasadeed ee dalku, heer qaran iyo heer dawlad goboleed, waxa ay hawada isu marinayaan farriimo xanbaarsan dhiilo iyo colaad. Madaxweynaha Qaranku waxa uu dadka Soomaaliyeed u sheegay, in qaybo badan oo dadka Soomaaliyeed ah in aysan heshiis ahayn, wadashaqaynna ka dhaxayn. Qayba kale oo gooni u istaagayna, in ay sii fogaanayaan. Haddaba, xuska waxaa ka muhiimsan in wax la iska weydiiyo xasuusta is khilaafsan, rajada iyo xanuunkii la wadaagay ee lumay!
Jamhuuriyad Qabyo ah
1960‑kii, Aqoonyahan la dhaho Anthony S. Reyner ayaa Middle East Journal ku daabacay maqaal cilmiyeed uu cinwaankiisu ahaa “Somalia: The Problems of Independence” (Soomaaliya: Dhibaatooyinka Madaxbannaanida). Reyner wuxuu xilligaa tilmaamay in Soomaaliya ay wajahaysay dhibaatooyin waaweyn oo dhismaha dawladnimada curdinka si toos ah u wiiqi karta, kuwaas oo ay ka mid yihiin: hay’adaha dowladeed oo aad u jilicsan, saboolnimo baahsan iyo kaabayaal dhaqaale oo liita, nidaam siyaasadeed oo ku dhisan qabiil, iyo cadaadis dibadeed oo ka faa’iideysan kara tabar‑darrooyinka gudaha, maadaama quwadaha waaweyn ee caalamka iyo kuwa gobolku ay si gaar ah isha ugu hayeen goobta istaraatiijiga ah ee Soomaaliya ku taallo.
66 sano kaddib, dhibaatooyinkaas uu tilmaamay Reyner badankood waa sidoodii, qaarna way ka sii Dareen, waxaana lumay dareenkii midnimada qaran, halka dagaalladii sokeeye ay dib u qeexeen macnaha dawladnimo, kalsoonida bulshada, iyo aragtida ummadnimo. Taariikhda iyo waayaheeda ayaa dhalan‑rogtay, dibna u qaabeeyey bulshada Soomaaliyeed ee lixdankii xanbaarsanayd himilo qaran oo mideysan, aragtida Soomaali weyn, iyo rajadii ku saabsanayd in la dhiso dawlad qab leh oo dimuqraadi ah, oo talada si nabad ah loola kala wareego.
Si kastaba ha ahaatee, taariikhdu waxay iftiimisay in dawladnimadu tahay geedi‑socod dheer oo u baahan hay’ado adkaysi leh, bulsho isku kalsoon, iyo hoggaan aragti fog leh. Soomaaliya waxay weli ku jirtaa marxaladdii dib‑u‑dhiska qaranimada, iyadoo ay weli jiraan caqabadihii taariikhiga ahaa, ee saamaynta ku yeeshay qaab‑dhismeedka siyaasadda, dhaqaalaha, iyo isku‑duubnida bulshada. 66 sano kaddib, si ay jamhuuriyaddu uga baxdo qabyda iyo ku tiirsanaanta dibedda, waxaa lagama maarmaan ah, in wadahadalku uu noqodo dhabbaha lagu hirgaliyo heshiis bulsho, danaha qarankuna ay noqdaan kuwo ka weyn danaha shakhsiga, aragtida qarannimo ay noqoto mid ka xoogan midda qabiil ama gobol, waxaana muhiima ah in dib loo dhiso sheeko qaran oo la wadaago.
Doodaha Jamhuuriyadda ee aan weli dhammaan waxaa u horreeya hirgalinta heshiis bulsho oo la isku raacsan yahay. Dastuurkii 1961‑kii aftida loo qaaday ma helin waqti ku filan oo lagu hirgeliyo, waxaana soo afjaray afgambigii 1969‑kii. Intii u dhexeysay 1969–1991, heshiis bulsho oo qaran ma jirin, waxaana beddelay keli‑talisnimo iyo hannaan aan matalin rabitaanka bulshada. Burburkii kaddib, Carta (2000) waxay dhashay Axdi kooban oo ku meel gaar ah, waxaana 2004 beddelay heshiiskii Embagati ee lagu dhisay dawladdii ku meel gaarka ahayd (Transtional Federal Government) oo iyana aan lahayn taageero bulsho oo ballaaran. Dastuurkii ku meel gaarka ahaa ee 2012‑kii weli waa qabyo, isbedellada lagu sameeyayna maaha kuwa dadka Soomaaliyeed heshiis ku yihii. Run ahaantii, 66 sano kaddib xornimadii dalka, waxaa aad u xanuun badan in aan asaaska dawladnimada la yagleelin, laguna guulaysan taaba-gelinta heshiis bulsho oo loo dhanyahay.
Gunaanad
66 sano kaddib, Soomaaliya waxa ay maanta taagan tahay kalabayr adag oo u dhexeeya riyadii qarannimo ee lixdankii iyo xaqiiqda ah in aan weli la hirgalin dawladnimo ku dhisan heshiis bulsho oo cad, sharci iyo hay’ado la isku hallayn karo, iyo hoggaan aragti fog leh oo ka sarreeya xuduudaha qabiilka, gobollada iyo danaha gaarka ah.
Sawirka dalku waa sida geed weyn oo aan cagaar ka bixin balse leh xidido qoto dheer; waa geed aan in uu go’o looga baqayn, laakiin sugidda midho dhalkiisa lagu daalay, waayo biyaha lagu waraabiyo (heshiis bulsho, hoggaan daacad ah, iyo nidaam sharci ah oo ku dhisan caddaalad) weli ma helin. Jamhuuriyadda haddii la rabo in ay ka baxdo kalabayrkan adag, waa in ay ka guurtaa ku tiirsanaanta damaca shakhsiga ah, kan shisheeye, iyo danaha isdiidan ee qabaa’ilka, kuna dhaqaaqdaa “heshiis ceelalyo” oo cusub oo ay bulshada Soomaaliyeed ku qeexdo waxa ay dawladnimadu u taagan tahay, cida ay mataleyso, iyo xeerka lagu wada noolaanayo. Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa: “markii ceelalyo heshiiso ayey xoolo biyo cabaan’’
Faallooyinka
Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.
Maqaallo la xiriira

YAA HORTAAGAN DAWLADNIMO KA HANA-QAADDA DHUL-UDUG (PUNTLAND) Qaybta 1-aad

XIGASHADA TAARIIKHDA: Taariikhdu Ma Aha Warin Keliya

