Maqaalo

Horusocodka Siyaasadeed, Samagaradnimada iyo Sijiragaradnimada: Aragti Ku Saabsan Geeddi-socodka Ilbaxnimada Bulshada

Horusocodka Siyaasadeed, Samagaradnimada iyo Sijiragaradnimada: Aragti Ku Saabsan Geeddi-socodka Ilbaxnimada Bulshada

Hordhac

Taariikhda bulshada aadanaha waxaa lagu tilmaami karaa taariikh isbeddel joogto ah. Bulsho kasta waxa ay martaa marxalado kala duwan oo ay ku samaysato habab ay ku maamusho wada noolaanshaheeda, u qaybiso kheyraadkeeda, u ilaaliso amnigeeda, una qeexdo xiriirka ka dhexeeya xubnaheeda. Hababkaas iyo nidaamyadaasi ma aha kuwo mar keliya la gaaro oo weligood taagnaada; waa kuwo ku jira geeddi-socod joogto ah oo ay ilbaxnimadu marba heer cusub u guurto. Waxa aan isku dayayaa in aan maqaalkan ku lafaguro aragti ah in horusocodka siyaasadeed aanu ahayn dhacdo ku kooban mabda’ ama xisbi gaar ah, balse uu yahay natiijada dabiiciga ah ee koritaanka ilbaxnimada bulshada. Sidoo kale waxa ay kala saaraysaa horusocodka guud iyo horusocodka suuban, iyadoo soo bandhigaysa laba fikradood oo cusub: Samagaradnimo iyo Sijiragaradnimo.

 Bulshaysiga Aadanaha iyo Dhalashada Ilbaxnimada

Aadanuhu waa noole bulsheed. Baahiyaha noloshu waxa ay ku khasbaan inuu la noolaado dad kale, halka wada noolaanshahani uu abuuro waxa loo yaqaan bulsho. Marka bulshadu samaysanto waxa isna dhasha jiraal cusub oo ka weyn qofka keliya; jiraalkaas waxa lagu magacaabi karaa qaran, dawlad, magaalo ama bulsho. Jiraalkan cusub waxa uu leeyahay baahiyo u gaar ah oo aan ku koobnayn baahida qofka keliya. Sidaas awgeed, bulshadu waxa ay ku khasbanaataa inay samaysato xeerar, hay’ado iyo habab lagu hago wada noolaanshaha. Garashada iyo habaynta jiraalkan cusub ayaa ah waxa aynu ugu yeedhayno ilbaxnimo.

 Ilbaxnimadu Waa Geeddi-socod

Aadanuhu ma aha noole ku ekaada waxa uu helay. Waa noole fekera, hal-abuura, wax is waydiiya, khaladkiisana dib u eega. Sidaas darteed ilbaxnimadu ma istaagto meel; waxa ay ku jirtaa socdaal joogto ah. Hase yeeshee, ilbaxnimo kasta waxa ay muddo ku hakataa nidaam gaar ah. Mudadaas waxa nidaamku abuuraa guulo iyo faa’iidooyin, laakiin sidoo kale waxa uu dhalin karaa tabashooyin aan markii hore muuqan. Marka tabashooyinkaas la dayaco, way bataan, way is biirsadaan, ugu dambayna waxa ay isu beddelaan boogo bulsheed oo u baahan daawayn.

Baahida Horusocodka

Marka boogaha bulsheed ay gaadhaan heer aan lagu sii noolaan karin, waxa bulshada gudaheeda ka dhasha dhaqdhaqaaq cusub. Dhaqdhaqaaqani waxa uu rumaysan yahay in dhibaatadu aanay kwliya ka soo askunmayn dadka, balse ay ku jirto nidaamka iyo qaab-dhismeedka bulshada. Sidaas darteed waxa uu ku baaqaa in laga guuro nidaamkaas laguna beddelo nidaam cusub oo aan bulshadaasi hore u tijaabin. Dhaqdhaqaaqan ayaa ah mid aan ugu yeeri karno Horusocod. Horusocodku ma aha wanaag iyo xumaan toona. Waa jiho siyaasadeed oo rumaysan in xalalka mustaqbalka laga raadiyo nidaam cusub halkii dib loogu noqon lahaa nidaamkii hore.

Doodda Horusocodka iyo Dibusocodka

Marka horusocodku soo baxo, waxa uu si dabiici ah u dhalinayaa iska hor imaad siyaasadeed iyo bulsheed. Dhinaca horusocodku waxa uu ku doodaa in nidaamka jira uu noqday isha dhibaatada, halka dhinaca kale uu ku doodo in horusocodku bulshada u wado meel aan la garanayn oo laga yaabo inay ka khatar badan tahay meesha ay joogto.

Halkaas ayay ka dhalataa doodda u dhexaysa Horusocodka iyo Dibusocodka. Si kastaba ha ahaatee, labadan eray midkoodna ma xanbaarsana qiime sugan. Horusocod kastaa ma horseedo wanaag, sida aanu dibusocod kastana mar walba u horseedin xumaan. Taariikhdu waxa ay marag ka tahay in bulshooyin badan loo raray nidaamyo cusub oo dhaliyey boogo ka waaweyn kuwii laga cararay.

 Samagaradnimada

Si loo kala saaro horusocodka wanaagsan iyo kan bulshada aan wanaag u horseedin, waxaan halkan ku soo jeedinayaa fikrad aan ugu yeeray Samagaradnimo. Samuhu halkan ma aha wanaag guud oo aan qeexnayn. Samuhu waa garashada isha boogaha bulsheed iyo helidda dawada ka saarta bulshada boogahaas. Isha ugu weyn ee boogaha bulsheed, sida aan qabo ama aan u arko, waa gumowga garaadka dadka iyo aqoonta baadiyowday ee u horkacda qofka inuu qiimihiisa, nabadgalyadiisa, xorriyaddiisa iyo jiritaankiisaba ku xidho burburinta ama hoosaynta jiritaanka qof kale ama koox kale. Samagaradku waa qofka garta habka loo dhisi karo hay’ado iyo nidaam bulsheed oo qof kasta u dammaanad qaadaya nolol, amni, xorriyad, caddaalad iyo karaamo, iyadoo aan xuquuqdaas lagu dhisin duudsiga xuquuqda cid kale. Sidaas darteed Samagaradnimadu waa nooc ka mid ah horusocodka, balse ma aha horusocod kasta.

 Sijiragaradnimada

Dhanka kale, mar haddii aan soo bandhignay fakradda samagaradnimo waxaynaan hurayn farmuuqidda fakradda ama aragtida lidka ku ah samagaradnimada ama cidda uu samagaradku wajaho kolka uu heensaynayo geediga caanaha leh ee horusocodnimada samagarasho, ciddaas iyo fakraddaas oo ah Sijiragaradnimo ama Sijiragarad. Sijiragaradku waa qofka garashadiisu ku koobnaato ilaalinta waxa jira, inkasta oo ay caddahay in nidaamka jira uu sii dhalinayo boogo bulsheed. Sijiragaradnimadu ma aha ilaalinta nidaam wanaagsan oo keliya; waa diidmada isbeddelka Samagaradnimadu soo jeedinayso, iyada oo lagu dheggan yahay nidaam aan sii xallin karin dhibaatooyinka bulshada.

 Gunaanad

Horumarka ilbaxnimadu ma aha socdaal toosan oo mar kasta wanaag ku dhammaada. Sidoo kale, dib ugu noqoshada wixii hore mar walba ma aha khalad. Sidaas darteed, kala soocidda keliya ee u dhexaysa horusocod iyo dibusocod kuma filna fahamka dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed. Waxa lagama maarmaan ah in la kala saaro horusocod kasta iyo horusocodka daweynaya boogaha bulshada. Sidaa darteed, waxaynala gudboon in dhaqdhaqaaqa horusocodnimo ee daweynaya boogaha bulshada loogu yeedho Samagaradnimo, halka diidmada horusocodkaas loogu yeedho Sijiragaradnimo.

Labadan fikradood waxa ay ujeeddadoodu tahay in doodda siyaasadeed laga raro isqabqabsiga ku saabsan isbeddelka laftiisa, loona raro qiimaynta tayada isbeddelka iyo awooddiisa uu ku daweyn karo boogaha bulshada.

La wadaag

Faallooyinka

Ka qeyb qaado dooda. Faallooyinka waxaa dib u eegaya Guddiga Tifaftirka ka hor inta aan la soo bandhigin.

Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.

Maqaallo la xiriira