Maqaalo

Hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed: Doorkii Soo-Jireenka ahaa iyo Caqabadaha Maanta

Hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed: Doorkii Soo-Jireenka ahaa iyo Caqabadaha Maanta

Dib u Jaleecid Guud

Hoggaanka dhaqanku wuxuu leeyahay door muhiim ah oo ku dhisan nidaamka iyo xeerarka dhaqanka Soomaaliyeed. Qofka loo dooranayo hoggaan dhaqameed, marka hore waxaa soo xula beeshiisa, iyadoo lagu eegayo aqoontiisa diineed iyo midda maadiga ah, kartidiisa, xilkasnimadiisa, akhlaaqdiisa, dadnimadiisa iyo deeqsinimadiisa, iyo inuu awood u leeyahay inuu matalo danaha beesha dooratay, xiriir wanaagsanna la yeesho beelaha kale ee ay bahwadaagta yihiin iyo guud ahaan hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed.

Xilliga xulashada isimka, marka beelweynta beeshu isku afgartaan soo xulidda isimka ku habboon, ha ahaado mid soo jireen ah ama xulasho cusub, waxaa loo gudbiyaa garboodka iyo nabadoonnada beesha. Iyaguna way qaataan xulashada iyo soo jeedinta ay beelweyntu soo samaysay. Ugu dambayntii, go’aanka waxaa la horgeeyaa beel-wadaagga ay taladu ka dhaxayso, oo iyaguna gudooma, ka hor inta aan caleemo-saarka guud la qaban, si xulashada isimkaasi u noqoto go’aan ay beesha uu ka soo jeedo iyo beel-wadaagtuba ku qanacsan yihiin.

Hoggaanka dhaqanku ma aha xil qof keliya looga haro; waa hannaan ku dhisan wada-tashi, xulasho iyo heshiis bulsho, oo ay qayb ka yihiin beelweynta, garboodka iyo nabadoonnada uu isimku ka soo jeedo, iyo beel-wadaagga guud ee ay taladu ka dhaxayso. Marka isimku ka soo dhammaysto beesha dooratay iyo beel-wadaagga ay taladu ka dhaxayso, waxaa loo diyaariyaa caleemo-saar lagu markhaati-furayo dhaqanka Soomaaliyeed, iyadoo la casumo inta habboon si loo shaaciyo isimka cusub ee ku soo biiray hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed. Waxaa la sameeyaa xaflad weyn oo lagu maamuusayo caleemo-saarka iyo caano-shubka isimka cusub.

Marka isimka cusub la doorto oo loo caano-shubo, beesha soo xulatay ayaa kafaala qaadda dejintiisa iyo xoolo-goyntiisa, si uu u noqdo isim baahi-tiran. Waxaa la siiyaa xoolo ku filan oo nooc walba leh, si uu uga maarmo dhaqaale uu meelo kale ka raadsado. Xoolo-goynta isimku waxay noqotaa mid ku filan noloshiisa, hawlihiisa hoggaamineed iyo inuu awood u yeesho inuu ka qayb qaato daminta colaadaha iyo xallinta khilaafaadka ka dhex dhaca beeshiisa iyo beelaha kale, haddii uu khilaaf ama dagaal dhex maro.

Isimka la doorto inta badan waxaa fadhigiisu noqdaa deegaan ka mid ah deegaannada ay beeshu degto, ama deegaankii fadhiga u ahaa isimkii ka horreeyey ee taariikh ahaan lagu yaqaanay.

Maxaa Keenay Isbadalka ku Dhacay Doorkii Hoggaanka Dhaqanka

Isbeddelka ugu horreeya wuxuu yimid markii isimku ka wareegay deegaankii ay beeshu ku caleemo-saari jirtay, ee beesha dhexda u ahaa, una soo xuubsiibtay inuu degaan ka dhigto magaalooyinka waaweyn ee ay dawladuhu fadhiyaan, siyaasaddana lagu karkariyo.

Taasina waxay keentay inuu u baahdo adeegyo ka badan kuwii uu hore u isticmaali jiray, sida guri magaalo, gaadiid, kulamo badan iyo la macaamilka hay’adaha dawladda. Arrintaasi waxay sidoo kale fududaysay in isimku si dhow ugu dhawaado siyaasadda iyo siyaasiyiinta, sida inta badan maanta dhacda.

Marka ay xaaladdaasi timaaddo, waxaa laga yaabaa in isimku ka leexdo doorkii iyo hab-dhaqankii soo jireenka ahaa ee hoggaanka dhaqanka, isla markaana uu noqdo saaxiib dhow ama garab siyaasadeed oo ay yeeshaan siyaasiyiinta iyo dawladda deegaanka ka talisa.

Marka arrinkaasi yimaaddo, isimka waxaa ku dhaca:

  1. Kalsoonida bulshada oo hoos u dhacda: Hoggaanka dhaqanka waxaa laga filayaa inuu dhex u ahaado bulshada oo dhan, gaar ahaan beeshiisa uu matalo. Haddii uu dhinac siyaasadeed raaco, waxay keeni kartaa in qayb ka mid ah beeshiisa iyo bulshada guud ahaan ay dareemaan inuusan si dhexdhexaad ah u matali karin.
  1. Kala qaybsanaan beeleed: Siyaasaddu mararka qaar waxay ku dhisan tahay dano iyo tartan. Haddii hoggaanka dhaqanku dhinac siyaasadeed raaco, waxay keeni kartaa in bulshada dhexdeeda ay ka dhalato kala aragti duwanaansho iyo khilaaf, gaar ahaan marka taageerada siyaasadeed loo fasirto inay tahay mowqifka beesha oo dhan.
  1. Wiiqanka doorka dhaqanka: Hoggaanka dhaqanku wuxuu leeyahay door gaar ah oo ku saabsan nabadaynta, xallinta khilaafaadka, isu keenidda iyo isku haynta bulshada. Ku milanka siyaasadda iyo la safashada dhinac gaar ah waxay dhaawici kartaa awoodda uu u leeyahay inuu dhexdhexaadiyo bulshada marka khilaaf yimaado.
  2. Magaca iyo sumcadda beesha oo siyaasadda lala xiriiriyo: Haddii hoggaamiye dhaqameed si xooggan ugu ololeeyo siyaasi ama dhinac siyaasadeed oo gaar ah, waxaa dhici karta in bulshada inteeda kale u aragto in beesha oo dhan ay taageersan tahay aragtida ama siyaasadda hoggaanka dhaqanka. Taasi waxay meesha ka saari kartaa kala duwanaanshaha aragtiyeed ee ka dhex jira beesha, iyadoo laga yaabo in aanay dhammaan xubnaha beeshu isku aragti ka ahayn.
  1. Khilaaf ku yimaadda nidaamkii lagu soo doortay: Maadaama isimka dhaqanka ay marka hore beeshu soo xulato, kadibna garboodka, nabadoonnada beesha iyo beel-wadaagtu ay wada qaataan, waxaa hoggaamiyahaas laga rabaa oo laga filayaa inuu ilaaliyo kalsoonida nidaamkaas, oo aanu xilka dhaqanka u adeegsan dano siyaasadeed oo gaar ah.
  1. Waxaa soo batay isimo badan oo laga dul sameeyey isimkii soo jireenka ahaa: Marka siyaasiyiintu u arkaan in isimkii soo jireenka ahaa aanu la jaanqaadi karin ama fulin karin danahooda siyaasadeed, waxaa la sameeyaa isim kale oo aanay beeshu dooran. Dawladuhuna waxay u aqoonsadaan isim ay beeshu leedahay, wayna la macaamilaan. Taasi waxay keentay in maanta la arko isimo tiro badan oo beel walba dhawr isim wada sheeganayso, iyadoo siyaasiyiintu si siman ula macaamilaan, waliba mudnaanta siiyaan isimka ugu hoggaan-qabow oo danahooda u fududeeya, iyadoo uu joogo isimkii soo jireenka ahaa ee beeshu soo dooratay, dariiqadii xulashada hoggaanka dhaqankana soo maray. Qaran-jabka kale ee ku dhacay isimada dhaqanka wuxuu gaaray in, iyagoo taagan beelihii doortay oo xulidda wakiilladoodana ay iyagu lahaayeen, laga wareego ama magacooda loo isticmaalo isim aan ahayn kii beeshu ku caano-shubatay, lagana dhufsado shaabaddii hoggaanka dhaqanka.
  1. Ku milanka siyaasadda oo hoos u dhigay meeqaamka hoggaanka dhaqanka: Sidoo kale, waxaa lumay oo meesha ka baxay is-qadarintii iyo xeerarkii isimadu isku tixgelin jireen, oo ku dhisnaa fac-weynaanta iyo guddoomintooda oo aan hadal ka jiri jirin.
  1. Lumitaanka doorkii marjacnimada: Marka la isku soo duubo, waxaan oran karaa isimada dhaqanku waxa ugu weyn ee ay lumiyeen waa doorkoodii u gaarka ahaa ee marjacnimada, oo marka xaajo murugto looga dambeyn jiray, ha ahaato mid siyaasadeed, mid bulsho ama mid dhaqan, dibna loogu soo celin jiray xalinteeda.
  1. Wiiqanka wada-tashiga: Doorkii ay lahaayeen hoggaanka dhaqanka waxaa kale oo dhaawacay in marar badan isimku go’aan kaligiis qaato, isaga oo aan la tashan nabadoonnada iyo garboodka beesha, gaar ahaan xilliyada uu siyaasadda u janjeero.
  1. Khilaaf, kooxaysi iyo kala qaybsanaan: Taranka iyo ku milanka siyaasadda waxay sidoo kale hoggaanka dhaqanka gaarsiisay khilaaf dhexdooda ka abuurma, kooxaysi iyo inay awoodi waayaan inay si mideysan uga hadlaan danta guud. Waana tan keenta in aan aragno isimo kala shirsan, kala koox ah oo go’aamo kala duwan soo saaraya, iyagoo qoloba garab siyaasadeed dhinaca ku haya, doorkoodii dhaqankuna sidaas dhaawac ku gaaray. Dhaawaca soo gaaray meeqaamka hoggaanka dhaqanka waxaa loo aanaynayaa isimada oo doorkoodii dhaqan ka tallaabsaday iyo dawladaha iyo siyaasiyiinta oo kaga faa’iidaystay danahooda siyaasadeed. Fadhiyadoodii ka fogaana siyaasadda oo ay ka soo haajireen, dhinaca kalena khilaafka dhexdooda ka jira oo isla siyaasiyiintu ku lug leeyihiin ayaa keenay in isimada qaarkood aanay isugu iman xalinta danta guud, khilaafkooduna gaaro in aanay xiriir isimnimo xataa yeelan.

 Talo-soojeedin

Maadaama aanu goobjoog u nahay dhaawaca gaaray doorkii hoggaanka dhaqanka, haddana waxaan aaminsanahay in, maadaama ay yihiin hoggaan aan cidina magacaabin ee ay beeshoodu cimaamadday, ay doorkoodii soo ceshan karaan, dibna u sixi karaan wixii ka khaldamay hoggaankooda. Talooyinka hoos ku xusan ayaan is leeyahay wax bay ka tari karaan soo noolaynta doorkii shariifka ahaa iyo qiyamkii ay lahaayeen hoggaanka dhaqanka, si ay si buuxda ugu ilaashadaan madax-bannaanidooda iyo matalaaddooda bulsho:

  1. In dawladaha loogu baaqo in ay faraha kala baxaan faragelinta hoggaanka dhaqanka, sharciyaddana kala laabtaan isim kasta oo aan beeshiisu soo dooran, soona marin habraacii lagu dooran jiray hoggaanka dhaqanka beesha.
  1. In qabiillada iyagu leh isim ay si sharci ah u doorteen ay shaaciyaan isimka ama isimada beeshu si sharci ah u dooratay, magacyadoodana u gudbiyaan cid kasta oo ay khusayso, cod dheerna ku sheegaan in isimada beesha loo magacaabay ee aan sharciyadda ku imaan aysan ahayn isimo beeshu leedahay. Dawladuna qabiillada ha ku ixtiraamaan doorashada hoggaankooda dhaqanka iyo doorkooda.
  1. In isimadu ku ekaadaan doorkoodii dhaqanka iyo hawlihii ay beelaha ugu xil saarnaayeen, saldhigyadoodii ay qabiilka ku matali jireen u fariistaan, magaalooyinka waaweyn ku yaraadaan, ku milanka siyaasadda iyo qof-jeclaysigana ka waantoobaan, beesha ay matalaanna dhexdhexaad u noqdaan, ragga oo keliya aanay dhinacna saarin.
  1. Isimka la doortay waa inuu ixtiraamaa masuuliyadda la saaray, ogaadana in xilka hoggaanka dhaqanku uu ka sarreeyo loollanka siyaasadeed.
  1. Haddii isimku yeesho han iyo aragti siyaasadeed, waa inuu kala saaraa aragtidiisa gaarka ah iyo xilka hoggaanka dhaqanka ee uu hayo. Haddii uu siyaasadda aad u xiiseeyo, waa inuu beesha ku celiyo xilkii hoggaanka dhaqanka ee uu hayey, si doorkiisa dhaqanka iyo hankiisa siyaasadeed aanay isugu khaldin.
  1. Isimka la doortay waa inuu dhammaan siyaasiyiinta beeshiisa iyo dadka hanka leh ula dhaqmaa si siman, iyadoo aan loo eegin in uu qof is-xijiyo, jinsi kasta ha ahaadee.
  1. Isimka la doortay waa inuu xoogga saaraa nabadda, midnimada, wada-tashiga iyo danaha guud ee mandiqadda uu ku nool yahay, tan beesha cimaamadday iyo xoojinta xiriirka wanaagsan ee hoggaanka dhaqanka beelaha kale ee Soomaaliyeed.
  1. Isimka beesha, haddii arrin siyaasadeed looga baahdo, waa in hadalkiisu noqdaa mid ku salaysan danta guud ee bulshada, uuna ku sifoobin olole uu ugu adeegayo shaqsi ama xisbi uu gacan-saar la leeyahay.
  1. Tan igu muhiimsan waa in isimku ilaaliyaa kalsoonidii iyo heshiiskii ay beeshu ku siisay xilka isimka hoggaanka dhaqanka.
  1. Isimku inuu xirfaddiisa aqooneed iyo tan siyaasadeed horumariyo kama reebna, balse waa inuusan siyaasadda ku milmin; ee uu bulshada u noqdaa rukun adag oo ay dhammaantood ku wada tashadaan, dhexdhexaad u ah, lana jecel yahay.

Dhammaan akhristayaasha iyo hoggaanka dhaqankaba waxaan ka raalligelinayaa haddii qormadan aan erayo qadaf ah ku qoray. Ugama jeedin jaa’ifo; waxa iga ahayd soo bandhigidda dhibka aan indhahayaga ku arkay ee ku dhaca hoggaanka dhaqanka, iyo inaanan kala bakhaylin in aan la wadaago talooyinkayga aan is leeyahay waa lagu sixi karaa wixii khaldamay. Maadaama dhaqanku noo yahay saldhigga nolosheenna, haddii waxyeello gaartana ay dhammaanteen ina wada saamaynayso.

La wadaag

Faallooyinka

Ka qeyb qaado dooda. Faallooyinka waxaa dib u eegaya Guddiga Tifaftirka ka hor inta aan la soo bandhigin.

Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.

Maqaallo la xiriira