Dib-u-eegis Dowlad-dhiska Soomaaliya: Guulo, Caqabado iyo Talooyin

Dulmar Guud
Soomaaliya waxay xorriyaddeeda qaadatay sannadkii 1960. Tan iyo xilligaas, dalka waxaa soo maray laba dowladood oo waaweyn: dowladdii rayidka ahayd ee talada haysay intii u dhexeysay 1960 ilaa 1969 iyo dowladdii milateriga ahayd ee xukuntay dalka intii u dhexeysay 1969 ilaa 1991.
Muddadii ay jirtay dowladdii milaterigu, oo ahayd xilligii ugu dheeraa ee dowlad dhexe ay ka talinaysay Soomaaliya, awoodda maamulka iyo go’aan-qaadashadu waxay si weyn ugu uruursanaayeen caasimadda, oo ahayd xarunta dowladda dhexe. Maamullada gobolladu ma lahayn awood maamul oo madax-bannaan, balse waxay si toos ah uga amar qaadan jireen dowladda dhexe. Nidaamkan dhexeeynta ah ayaa sababay in adeegyada aasaasiga ahi ku koobnaadaan caasimadda, halka deegaannada fogfog iyo miyiguna ay ka liitaan helitaanka adeegyada dowladda.
Adeegyada muhiimka ah sida caafimaadka takhasuska leh, waxbarashada sare, ganacsiga waaweyn, dhoofka, iyo fursadaha shaqo ayaa inta badan laga heli jiray caasimadda. Sidaas darteed, shacabka ku nool gobollada kala duwan waxay u soo safri jireen caasimadda si ay u helaan adeegyadaas.
Muhiimadda dhaqaale, maamul iyo adeeg ee ay caasimaddu lahayd awgeed, Soomaalida badankeed waxay doorbideen inay maalgashigooda, ganacsigooda iyo hantidooda ku ururiyaan kuna horumariyaan caasimadda, iyagoo u arkayay meesha ugu amniga badan uguna kalsoonida badan ee fursadaha dhaqaale iyo adeegyada dowladda laga heli karo.
Bilowgii xukunkii milateriga, dalku wuxuu gaaray horumar ballaaran oo saamayn weyn yeeshay. Waxaa la horumariyey khayraadka dabiiciga ah, waxaana la hirgeliyey warshado badan oo wax-soo-saar, kuwaas oo qaarkood laga dhisay gobollada dalka. Waxaa batay wax-soo-saarka beeraha oo dalka dibaddiisa loo dhoofin jiray. Waxbarasho bilaash ah oo gaarsiisnayd heer jaamacadeed ayaa guud ahaan dalka ka jirtay, waxaana reer miyiga la gaarsiiyey akhris-qoraalka. Kaabayaasha dhaqaalaha ayaa iyaguna horumar laga sameeyey, waxaana dalka ku soo noqday aqoonyahannadii dibadda wax ku soo bartay oo hormuud ka noqday horumarka ka socday dhinac walba.
Sanadihii u dambeeyey ee xukunkii dowladdii milateriga, wax walba way is beddeleen. Waxaa bilowday in awooddii ay ku ururto gacmo gaar ah, dhaqaalihiina hoos ayuu u dhacay. Dadkii aqoonta lahaa ayaa dalka isaga baxay, musuqmaasuquna wuxuu gaaray heer sare. Waxaa sidoo kale bilowday jabhado ka soo horjeeday dowladda oo dalka dibaddiisa kaga soo dagaallamay. Isu-socodkii dalka ayaa khatar galay, Soomaalidii walaalaha ahaydna way kala shakiyeen. Arrimahaas ayaa soo dedejiyey bilowgii dagaalkii sokeeye. Ugu dambayn, waxaa burburtay dowladdii dalka ka talinaysay 21-kii sano, Soomaalidii wada dhalatayna dhexdooda ayay qabiil-qabiil ugu dagaallameen, kuna kala qaxeen.
Dagaalkii sokeeye
Markii ay dowladdii burburtay, waxaa caasimadda looga tagay hantidii guud ee ummadda. Qabaa’iladii dowladnimadu ka dhexaysay ayaa qabiil qabiil isu sii dagaalay, qabiil kastana wuxuu beegsaday deegaannadii ay reerahoodu asal ahaan ka soo jeedeen. Iyagoo ka faramaran hantidoodii, waxaa adkaatay in Soomaalidu dib isugu soo noqoto oo ay u dhisato dowlad ay wada leeyihiin.
Isku dayo iyo shirar badan oo ay ajnabi garwadeen ka ahaayeen ayaa lagu doonayey in dib la isugu keeno Soomaalidii kala tagtay, hase yeeshee laguma guulaysan. Waxaa sidoo kale samaysmay dadaallo ay bilaabeen aqoonyahanno Soomaaliyeed iyo ururro maxalli ah oo qayb ka qaatay bixinta adeegyada guud ee dalka, sida waxbarashada iyo caafimaadka.
Sidoo kale, waxaa bilowday maxkamado ay deegaannadu samaysteen oo qayb ka qaatay caddaalad-falka iyo ka hortagga fal-dambiyeedka. Awoodda hoggaanka dhaqanka ayaa aad u xoogaysatay, iyadoo inta badan buuxisay kaalintii dowladnimada. Hoggaamiye-kooxeedyadii bilaabay dagaalkii sokeeye ayaa iyaguna weli haystay awood, inkastoo markii dambe ay laftoodu burbureen. Waxaa kaloo jiray maxkamado Islaami ah oo xoojinayey ku dhaqanka shareecada, kuwaas oo qayb ka qaatay xallinta khilaafaadyada, gaar ahaan koonfurta dalka.
Saamayntii Dagaalladii Sokeeye iyo Dhaxalkoodii
Dagaalladii sokeeye ee daba dheeraaday waxay Soomaaliya dhaxalsiiyeen burbur naf iyo maalba leh. Waxaa dhacay tacaddiyo iyo kala dambayn la’aan. Hase yeeshee, dhinaca kale waxaa jiray isku-dayo bulsho oo saamayn reebay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:
- Soomaalidii ay dowladdii dhexe ka burburtay waxay nolol cusub ka samaysteen deegaannadii ay tageen, halkaas oo ay ka heleen degganaansho. Waxay deegaannadaas ku soo kordhiyeen farsamooyin iyo horumar, hanti cusubna way ka sameysteen. Waxay muujiyeen in nolol cusub la abuuri karo. Waxay dhiseen maamullo yaryar si ay u helaan ismaamul, caddaalad iyo kala dambayn, kuwaas oo markii dambe u xuubsiibtay dowlad-goboleedyada maanta jira. Waxay la qabsadeen nolosha cusub, waxayna dareemeen faa’iidada awood-daadejinta iyo gaarsiinta adeegyada deegaannada fogfog. Maamul-goboleed kasta waxaa laga hirgeliyey adeegyadii hore loogu aadi jiray dowladda dhexe, waxayna yeesheen dastuurro u gaar ah iyo madax la doorto. Waxaa la isla qaatay in la sameeyo laba heer oo dowladeed oo dastuurku kala xaddidayo awoodahooda.
- Dalka waxaa ku dhacay maskax-guur, iyadoo aqoonyahanno iyo shacab badan ay u hayaameen dalal shisheeye. Taasi waxay keentay in Soomaalidii dibadda u haajirtay ay yeeshaan dhaqammo iyo afaf kala duwan, qaarkoodna ay la falgalaan diimaha dalalkii ay tageen.
- Caddaaladdii ayaa daciiftay, taas oo keentay in aan la tixgelin ilaalinta shuruucda dalka, isla markaana madaxda dalka loo doortay ay ku dhiirradaan inay sameeyaan wixii ay doonaan.
- Waxaa adkaatay in la xakameeyo waxa dalka laga dhoofinayo iyo waxa la keenayo, taas oo sababtay in dalka la keeno dawooyin dhacay, cunto dhacday, mukhaadaraad iyo hub sharci-darro ah.
- Dowladaha labada heer waxay awoodi waayeen inay xakameeyaan dhaqan-guurka dhalinyarada iyo isticmaalka aaladaha qayb ka qaata faafinta anshax-xumada.
- Dalka waxaa ka samaysmay xarakooyin diimeed oo ka soo horjeeda dowladda, kana dagaallama gudaha dalka.
- Hoggaamiyeyaasha dalka marar badan uma hoggaansamaan dastuurka lagu heshiiyey, waxayna ku tagri-falaan awoodda. Taasi waxay keentaa in dhammaadka muddo-xileed kasta uu yimaado is-afgaranwaa siyaasadeed oo mararka qaar sababa dhiig daata.
- Waxaa isku milmay hoggaankii dhaqanka iyo hoggaankii siyaasadda, taas oo keentay in la waayo meel lagu kala baxo marka uu yimaado is-afgaranwaa siyaasadeed.
- Inkastoo dalka muddo dheer xor ahaa, haddana lama gaarin himilooyinkii laga filayey. Ciidankii qarankuna ma awoodin inuu daboolo baahida amniga, taas oo keentay in weli dalka ay joogaan ciidamo shisheeye oo kharash badan ku baxo, iyaguna aan si buuxda uga qayb qaadan xoraynta dalka.
- Dowladda weli waxay si weyn ugu tiirsan tahay kaalmada dibadda, taas oo keentay in dalal shisheeye saamayn ku yeeshaan go’aannada dalka, isla markaana ay yaraato madax-bannaanida Soomaaliya.
- Inkastoo Soomaaliya muddo dheer xor ahayd, haddana dhinacyo badan waxaa ka horumaray dalal xorriyadda qaatay xilli ka dambeeyey.
- Khayraadka dabiiciga ah ee dalka, oo ku filnaan lahaa shacabka Soomaaliyeed, ayay dowladihii la doortay ku guuldarraysteen inay si hufan uga faa’iideeyaan. Taas beddelkeeda, khayraadkaas waxaa ka faa’iidaysta dalal shisheeye.
Aasaaskii Maamullada Gobollada
Si kastaba ha u dhismeen ama xilliyo kala duwan ha ku dhammaystirmeene, waxaa la dhisay shan ismaamul-goboleed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Hase yeeshee, weli waa xaqiiqo in nidaamka federaalka ee ay Soomaalidu wada qaadatay uusan si buuxda sal ugu yeelan dalka. Weli ma suurto gelin isfaham buuxa oo u dhexeeya labada heer ee dowladnimo, mana jirto isla oggolaansho dhammaystiran oo ku saabsan awoodaha la wada leeyahay, kuwa la kala leeyahay iyo dhammaystirka dastuurka guud oo ay labada heer isku waafaqsan yihiin.
Sidoo kale, dib u heshiisiin dhab ah oo ka dhex dhacda qabaa’ilka Soomaaliyeed weli waa qabyo. Dowladda dhexe weli waxaad mooddaa in hab-dhaqankeedu u eg yahay hab-dhaqankii dowladdii hore ee burburtay, iyadoo ay weli jirto faragelin maamul. Dhanka kale, caasimadaha dowlad-goboleedyaduna waxay u dhaqmaan sidii caasimaddii dowladda dhexe, maadaama awoodihii maamulka aan sidii loogu talagalay loo daadajin.
Guulihii Laga Gaaray Dhismaha Dowladda Federaalka
Inkastoo ay weli jiraan khilaafyo siyaasadeed iyo caqabado hortaagan geeddi-socodka dowlad-dhiska, haddana Soomaaliya waxay gaartay horumar la taaban karo tan iyo markii la dhisay Dowladda Federaalka. Haddii aanay jiri lahayn khilaafaadka soo noqnoqday, waxaa suurtagal ahaan lahayd in la gaadho guulo intaas ka ballaaran. Si kastaba ha ahaatee, waxaa si weyn u dhammaystirmay qaab-dhismeedkii dowladnimo ee lagu saleeyay Dastuurka Ku-meelgaarka ah, iyadoo ay maanta jiraan dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, iyo hay’adihii dastuurku qeexay.
Guulaha ugu waaweyn ee laga gaaray dowlad-dhiska labada heer ee dowladda waxaa ka mid ah:
- Waxaa la dhammaystiray dadaalladii lagu dhisay dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
- Waxaa la diyaariyey laguna heshiiyey Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Federaalka Soomaaliya sannadkii 2012.
- Dowladda Federaalka waxay ka baxday xilligii ku-meelgaarka ahayd, iyadoo la dhisay hay’ado dastuuri ah oo rasmi ah.
- Waxaa la dhammaystiray heerarkii kala duwanaa ee maamulka dowladeed iyo hay’adihii aasaasiga ahaa ee dowladda.
- Dalka waxaa si isdaba joog ah u soo maray hoggaamiyeyaal kala dambeeyey, taasoo muujinaysa sii socoshada nidaamka dowladnimo iyo kala wareegga hoggaanka.
- Waxaa la dhisay dowlad-goboleedyadii xubnaha ka noqday nidaamka federaalka, kuwaas oo kaalin muhiim ah ka qaatay maamulka iyo adeeg bixinta deegaannadooda.
- Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyaduba waxay hirgeliyeen mashaariic horumarineed oo kala duwan, kuwaas oo wax ka qabtay kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, iyo dib-u-soo kabashada hay’adaha dowladda.
Meelaha ay Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyadu ka Gaabiyeen
- Dib-u-heshiisiintii Soomaalidii dagaallamay si dhab ah looma gelin, taas oo keentay in marar badan ay dib ugu soo noqnoqdaan dagaallo sokeeye oo u dhexeeya beelaha Soomaaliyeed.
- Heshiis iyo wada-shaqayn dhab ah ma dhex marin dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada.
- Lama isla oggolaan dastuurkii dowladda dhexe iyo dastuurrada maamul-goboleedyada.
- Lama hirgelin awoodihii dastuuriga ahaa ee ku qeexnaa Dastuurka Ku-meelgaarka ah.
- Heshiis dhammaystiran ma dhex marin dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada.
- Lagama guurin nidaamkii xulashada qabiilka ku salaysnaa.
- Dhammaan qabaa’ilka Soomaaliyeed ma helin ka-qaybgal maamul oo caddaalad ku dhisan.
- Sal muggiis uma fariisan habraaca kala wareegga xilka marka ay dhammaato muddada xil-hayntu.
- Lagama bogsoon khilaafaadka ka dhasha madaxtinimada iyo muddo-xileedka.
- Heshiisyada dowladeed ma marin habraac wadaag ah oo u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada.
- Dowladda dhexe weli kama madax-bannana ciidamada caalamiga ah ee nabad-ilaalinta.
- Lama dhisin ciidan federaal ah oo loo siman yahay kana hawlgala dalka oo dhan.
- Ma kala cadda hawlaha ciidamada Federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada, mana ku shaqeeyaan waajibaadka uu qeexayo nidaamka federaalka.
- Dimuqraadiyad lagu wada heshiiyey weli kama hirgelin dalka guud ahaan
Talo-soojeedin
- In ku dhaqanka diinta Islaamku noqdo lama taabtaan, lana ixtiraamo.
- In Soomaalidu cashar ka barato halgankii loo soo galay xorriyadda, isla markaana aan la dayicin qiimihii loo soo maray.
- In Soomaalidu cashar ka barato mirihii dagaalladii sokeeye, lagana taxaddaro wax kasta oo dib loogu noqon karo.
- In Soomaalidu cashar ka barato inaan la kala sarrayn, lana is maquunin karin.
- In Soomaalidu cashar ka barato in dagaal kasta iyo dhiig kasta oo la daadiyo ay dawadiisa ugu dambaysaa tahay heshiis iyo isa saamax.
- In madaxda wax hoggaamisa ay ku dhaqmaan caddaaladda iyo qiyamka diinta Islaamka, isla markaana aanay qabyaaladdu indha tirin.
- In Soomaalidu u baahan tahay dib-u-heshiisiin dhab ah oo loo maro gobol-gobol, tuulo-tuulo, ceel iyo carshi, si looga gudbo madmadowga Soomaalida dhexdeeda ka dhashay, loona sameeyo shuruuc iyo goleyaal lagu xakameeyo khilaafaadka.
- In shuruuc kasta oo Soomaaliya lagu dhaqayo ay noqdaan kuwo lagu heshiiyey oo loo dhan yahay.
- In Soomaalidu ilaaliso heshiis kasta oo ay gaarto, kuna dhaqanto.
- In la maxkamadeeyo masuul kasta oo gabood-fal ka gala dalka iyo dadka, mar kasta oo ay suurto gal noqoto.
- In laga waantoobo xalaalaysiga dhiigga Muslimka, si qarsoodi ah iyo si muuqata intaba.
- In dalku yeesho ciidan federaal ah oo loo siman yahay, kuna filan difaaca dalka, kana yimaada si siman maamulada dalka.
- In Ciidanka Federaalka iyo ciidamada maamul-goboleedyadu kala soocnaadaan, awoodahoodana si cad loo kala xaddido.
- In la soo afjaro khilaafka daba dheeraaday ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada, awoodahooda dastuurigana la fuliyo lana ixtiraamo.
- In sharci kasta iyo awood kasta oo dalka lagu dhaqayo, iyadoo Dastuurku saldhig u yahay, ay noqdaan kuwo ay heshiis ka gaaraan awoodaha jira (Dowladda Dhexe iyo Dowlad-goboleedyada), isla markaana aan awood gaar ahi ku tagri-falin.
- In aqoonyahanka, culimada iyo guud ahaan bulshada rayidka ahi yeeshaan kaalin sharaf leh oo ay dowladda kula xisaabtamaan, talona ku siiyaan.
- In dowladaha labada heer aysan dhiirrigelin fal-dambiyeedyada iyo mucaaradada sharci-darrada ah ee ka dhanka ah hay’adaha dowladda iyo kuwa aan dowliga ahayn.
Faallooyinka
Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.
Maqaallo la xiriira

YAA HORTAAGAN DAWLADNIMO KA HANA-QAADDA DHUL-UDUG (PUNTLAND) Qaybta 1-aad

XIGASHADA TAARIIKHDA: Taariikhdu Ma Aha Warin Keliya

