Dheelliga Ilbaxnimada Aadanaha Qaybtii 1-aad

Hordhac
Qormadani waa qayb ka mid ah taxane ka hadlaya Dheelliga Ilbaxnimada Aadanaha, kaas oo isku dayaya inuu si qoto dheer u eego su’aalaha waaweyn ee ku saabsan halka ay ilbaxnimadu ka timid, halka ay maanta marayso, iyo caqabadaha horyaalla mustaqbalkeeda.
Taxanuhu wuxuu isku dayayaa inuu isku xidho garashada, awoodda, anshaxa iyo horumarka si loo fahmo sababta ilbaxnimadu mararka qaar u horumarto, halka mararka kalena awooddeedu ay isu beddesho khatar ku soo noqota nafteeda.
Qormadan koowaad waxay ka bilaabmaysaa su’aal weyn oo ku saabsan The Great Filter (Shaandhada Weyn) iyo waxa laga yaabo inay sabab u tahay aamusnaanta weyn ee koonka, iyadoo soo jeedinaysa aragti ah in caqabadda ugu weyn ee ilbaxnimadu aysan ahayn hal hub, cudur ama tiknooloojiyad, balse ay noqon karto dheelliga u dhexeeya awoodda ay hesho iyo xigmadda ay ku maamusho.
Waydiimaha Hareeyay Ilbaxnimada
Qiyaas in aad habeen madow kor u eegto cirka. Waxaad arkaysaa malaayiin xiddigood oo kala firdhisan, kuwaas oo mid kasta uu qorrax u yahay nidaam meereed u gaar ah. Cirbixiyayaashu maanta waxay qiyaasaan in koonku ka kooban yahay boqollaal bilyan oo galaxy (waa urur aad u weyn oo ka kooban xiddigo, meerayaal, gaas, boodh iyo walxo kale, dhammaantoodna isku haya cuf-isjiidad) ah, halka galaxy kasta uu leeyahay boqollaal bilyan oo xiddigood. Xiddigahaas badankoodna waxaa ku wareega meerayaal, qaar badan oo ka mid ahna waxay ku yaallaan waxa loo yaqaan aagga lagu noolaan karo (habitable zone), halkaas oo ay suurtagal tahay in biyaha dareeraha ahi ka jiri karaan.
Tirooyinkaas marka la isu geeyo, waxay u muuqataa in koonku yahay meel ay tahay in noloshu ku badan tahay. Haddana waxaa taagan su’aal caan ka noqotay cilmiga xiddigiska iyo falsafadda casriga ah:
Haddaba haddii uu mantiqdu sidaa saadaalinayo, xaggee ayay joogaan ilbaxnimooyinkii kale?
Waa su’aasha loo yaqaan Fermi Paradox. Su’aashu ma aha oo keliya in ay jiraan nooleyaal kale iyo in kale. Su’aashu waa sababta aynaan u arkin raad ilbaxnimooyin malaayiin sano naga hor maray. Haddii koonku da’diisu gaartay ku dhowaad 14 bilyan oo sano, maxaa diiday in ilbaxnimooyin aad nooga horreeyey ay gaaraan heer ay sahmiyaan galaxyada kale, gaar ahaan keenna, oo ugu yaraan uga tagaan raad muuqda? Maxaa aamusnaantan u sabab ah?
Waxaa la soo jeediyey jawaabo badan. Qaar waxay yiraahdeen waxaa laga yaabaa inaan keli ku nahay koonka. Qaar kale waxay ku doodeen in ilbaxnimooyinku aad u kala fog yihiin, sidaas darteedna aanay weligood is gaari karin. Kuwo kalena waxay soo jeediyeen in ilbaxnimooyinka horumara ay si ula kac ah uga dhuuntaan kuwa kale.
Laakiin mid ka mid ah aragtiyaha ugu saamaynta badan ayaa ahayd tan loo bixiyey The Great Filter. Aragtidani waxay qabtaa in jidka uu maro noole kasta si uu u noqdo mid ilbaxnimo heer sare gaarta ay hor taallo caqabad aad u adag. Caqabaddaas ayaa uu Robin Hanson u bixiyey The Great Filter “Shaandhada Weyn”.
Maqaalkiisa uu ciwaanka uga dhigay “The Great Filter – Are We Almost Past It?” ama “Shaandhada Weyn – Miyaynaan Wali ka Gudubin?”, Robin Hanson wuxuu isku weydiinayaa: Miyay shaandhadaasi inaga horraysaa oo ina sugaysaa, mise waan ka soo gudubnay?
Haddii aynu soo dhaafnay, waxa uu leeyahay in ay ka dhigan tahay in bani’aadamku hore uga soo gudbay marxalad ay aad u adkayd in laga gudbo. Haddii ay ina sugaysana, waxay la macno noqon kartaa in ilbaxnimadeennu ay ku wajahan tahay imtixaan aanay weli dhaafin.
Faylasuufyo iyo saynisyahanno badan ayaa tan ka sii ambaqaaday. Qaar waxay tilmaameen hubka nukliyeerka. Qaar waxay ka digeen isbeddelka cimilada. Qaar waxay farta ku fiiqeen cudurrada la farsameeyo, halka qaar kalena ay khatarta ugu weyn u arkaan garaadka macmalka ah. Aragti kastaa waxay leedahay tartame u gaar ah oo noqon kara “shaandhada weyn.”
Laakiin dhammaan doodahaasi waxay wadaagaan hal astaan; dhammaantood waxay ka hadlayaan oo ay diiradda saarayaan waxa ina baabi’in kara inta aynaan noqon ilbaxnimo jebisa aamusnaanta dheer ee hareeraysay iyo kala fogaanshaha ilbaxnimooyinka suuragalka ah ee ka jira galaxyada kale.
In yar ayay milicsadaan ama isku dayaan inay ka hadlaan waxa keena ama sababa in waxyaabaha ina baabi’in kara ay yimaadaan. Marka la isku geeyo walaacyada laga qabo bamka atomikada ah, garaadka macmalka ah, wasakhowga deegaanka, cudurrada la farsameeyey iyo kuwo kale oo badan, waxay wadaagaan hal arrin: dhammaantood waa natiijooyin.
Haddaba haddii natiijooyinkaas ay keeni karaan hal arrin oo ah baaba’a ilbaxnimada aadanaha, sidoo kale waa inay yeeshaan sabab midaysan oo ka qoto dheer oo iyaga ka dambaysa.
Haddaba marka aynu xagashaas iska taagno dooddan, waxaan oran karnaa: waa suuragal in dhammaan soo jeedimahaas hore ay ka habowsanaayeen jidka saxda ah iyo halka ay taallo jawaabta Shaandhada Weyn ee Robin Hanson.
Waxaa suuragal ah in The Great Filter aanu ahayn shay gaar ah, sida hub, fayras ama tiknooloojiyad cusub. Waxaa laga yaabaa inuu yahay xeer. Xeer soo noqnoqda mar kasta oo ilbaxnimo gaarto heer horumar oo gaar ah.
Haddii xeerkaasi jiro, markaa waa in laga arki karaa taariikhda aadanaha, horumarka tiknooloojiyadda, iyo xitaa nidaamyada akhlaaqeed iyo kuwa bulsheed ee aadanaha.
Maqaalkani wuxuu soo jeedinayaa in dhammaan khatarahaas kala duwan ay yihiin muuqaalka hal arrin oo keliya. Halkaas arrin oo aan magac uga dhigi karno ama ugu yeeri karno:
Dheelliga Ilbaxnimada Aadanaha.
Waa mabda’ sheegaya in ilbaxnimo kasta ay ku taagan tahay saddex tiir oo waaweyn: garasho, awood, iyo anshax. Marka saddexdaasi ay isku dheellitiran yihiin, ilbaxnimadu way sii jirtaa. Laakiin marka awooddu ka dheerayso garashada iyo anshaxa lagu hago, dheelligaas ayaa jaba.
Waxa markaas muuqda ma aha dhibaatada dhabta ah ee ilbaxnimada, balse waa astaamaheeda: dagaallo, wasakhow, hub, burbur deegaan iyo khataro kale oo isu eg.
Haddaba su’aasha ama waydiinta maqaalkani ma aha sida aan uga badbaadi karno hub gaar ah ama tiknooloojiyad gaar ah. Su’aashu waa mid ka sii qoto dheer:
Ma jirtaa ilbaxnimo sii noolaan karta haddii awooddeedu ka dheerayso xigmaddeeda? Mise waa halkaas meesha ay Shaandhada Weyn taallo, ee ilbaxnimadu ku dhimato?
Faallooyinka
Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.
Maqaallo la xiriira

YAA HORTAAGAN DAWLADNIMO KA HANA-QAADDA DHUL-UDUG (PUNTLAND) Qaybta 1-aad

XIGASHADA TAARIIKHDA: Taariikhdu Ma Aha Warin Keliya

