Maqaalo

Dhan Mise Dhimman? Siyaasadda Waxbarashada Puntland (Qaybta 2-aad)

Dhan Mise Dhimman? Siyaasadda Waxbarashada Puntland (Qaybta 2-aad)

Maqaalkii koowaad waxa aan  uga hadalnay Siyaasadda Waxbarashada Puntland (2024), annaga oo falanqaynay himilooyinkeeda, qodobbada ay xoogga saartay iyo meelaha u baahan dib-u-eegis iyo xoojin. Waxa aan isla garwaaqsannay in ay siyaasaddu xambaarsan tahay aragti wanaagsan oo ku wajahan horumarinta waxbarashada; laakiin ay jiraan arrimo muhiim ah oo aan weli si buuxda uga muuqan ama u baahan faahfaahin iyo hirgelin dhab ah.

Qaybtan waxa aan diiradda ku saaraynaa – haddii Rabbi idmo – qodob ka mid ah kuwa ugu muhiimsan ee go’aamiya guusha ama guul-darrada nidaam kasta oo waxbarasho: macallinka! Macallinku waa halbowlaha aqoonta u beddela faham, xirfad iyo dhaqan uu ardaygu la baxo. Sidaas darteed, dood kasta oo ku saabsan tayada waxbarashadu waxay si dabiici ah uga bilaabataa tiirar ay kuwa ugu muhiimsan ka mid tahay tayada macallinku.

Waxaa jira oraah caan ah marka laga hadlayo muhiimadda macallinka ee waxabarshada taas oo ah: “The quality of an education system cannot exceed the quality of its teachers.”
(OECD, 2005).

Oraahdani waxa ay xambaarsan tahay farriin cad: tayada nidaamka waxbarasho ma dhaafi karto tayada macallimiintiisa. Si kasta oo loo casriyeeyo manhajka, loo dhiso dugsiyo qurux badan ama loo diyaariyo buugaag tayo sare leh, haddii macallinka fasalka jooga uusan lahayn aqoon, xirfad iyo tababar ku filan, himilooyinkaasi waxa ay ku ekaanayaan qoraal ku jira dukumentiyada siyaasadeed.

Daraasado  ay sameeyeen khubaro ay ka mid yihiin John Hattie, Linda Darling-Hammond iyo hay’adda UNESCO waxay siyaabo kala madaxbannaan u muujiyeen in qodobka ugu saamaynta badan guusha ardayga uu yahay tayada macallinka.

Yaa macallin dugsi hoose ka noqda dunida hormartay?

Marka laga hadlayo waxbarashada, Finland waxaa si joogto ah loogu tilmaamaa mid ka mid ah  tusaalaha ugu wanaagsan dunida oo dhan. Sirta guushoodu kuma jirto oo keliya manhaj wanaagsan ama dugsiyo casri ah; waxay ka bilaabataa cidda loo oggolaanayo in ay macallin noqoto.

Dalkan qofka doonaya inuu noqdo macallinka dugsiga hoose waxa uu    marka hore maraa tartan adag oo lagu galo kulliyadaha waxbarashada, halkaas oo jaamacadaha qaarkood ay aqbalaan wax ka yar 10% codsadayaasha. Intaas kadib, qofkaas waxaa looga baahan yahay inuu dhammeeyo heerka labaad ee waxbarashada (Master).  

Shuruuddu ma aha in qofku haysto shahaadada mastarka oo keliya; waa inuu haystaa Mastar ah kulliyadda waxbarshada, taas oo ka dhigan in uu bartay cilmiga waxbarashada, cilmi-nafsiga carruurta, hababka casriga ah ee waxbaridda, qiimaynta waxbarashada, naqshadaynta manhajka iyo cilmi-baarista waxbarashada. Waxaa intaas dheer tababarro muddo dheer soconaya oo lagu qaato dugsiyada tababbarka, iyadoo qofka la qiimeeyo ka hor inta aan loo oggolaan inuu si madax-bannaan fasal u hoggaamiyo.

Marka tan la barbar dhigo xaaladda ka jirta dalal badan oo soo koraya, waxaa muuqda farqi weyn. Xitaa qaar ka mid ah jaamacadaheenna iska daa dugsi hoose waxaa dhacda in koorsooyinka qaar ay dhigaan macallimiin haysta oo keliya shahaadada koowaad (Bachelor’s Degree).

Xaqiiqada Ka Jirta Puntland

Intii aan ku jiray qoridda maqaalkaan waxa aan waraysiyo la yeeshay maamulayaal iyo barayaal dugsiyo hoose/dhexe  oo Puntland ku yaalla. Mid ka mid ah maamulayaasha aan wareystay ayaa xaaladda ku sifeeyey sidan:

“Iskuulkeyga, inta badan macallimiinta wax ka dhigtaa waa dhallinyaro dhowaan ka baxay dugsiga sare oo bilaabay ama ku biiraya jaamacadda. Waxaa sidoo kale jira macallimiin weli aan jaamacad dhigan, balse ka qalin-jabiyey dugsiga sare, iyo kuwo ka yimid macaahidda. Xaaladdani kuma koobna iskuulkeenna oo keliya; waa mid si weyn uga jirta inta badan dugsiyada hoose iyo dhexe ee Puntland. Ilaa hadda ma jiro hab-raac ama halbeeg rasmi ah oo ay dugsiyadu ku saleeyaan shaqaalaysiinta macallimiinta. Dhibaatada kale ayaa ah in marka macallimiintaasi jaamacadda ka qalin-jabiyaan – waa intooda jaamacad aaddee – ay inta badan ka tagaan waxbarashada iyaga oo raadsanaya shaqooyin kale oo mushahar fiican leh. Caqabadda ugu weyn ee nagu haysatana waa mushaharka macallimiinta dugsiyada hoose iyo dhexe oo aad u hooseeya, taas oo adkaynaysa in la helo lana sii hayo macallimiin tayo leh.”

Hadalkaasi wuxuu si cad u muujinayaa in caqabadda jirtaa aysan ku koobnayn tayada macallinka oo keliya, balse ay ku lug leeyihiin mushaharka oo  hooseeya, maqnaanshaha halbeeg qaran iyo shaqaalaha oo aan muddo dheer xirfadda ku sii nagaan.

Tani macnaheedu ma aha in macallimiinta maanta jooga aysan dadaal badan gelin waxbaridda carruurta. Xaqiiqadu waxay tahay in kumannaan macallin ay maalin kasta duruufo adag ku gudanayaan waajibaadkooda.

Dhanka kale waxa aan arkay intii aan baarista ku jiray iskuul inta badan macallimiinta dhigayaa yihiin kuwa ka baxay dugsi sare oo aan xataa jaamacad bilaabin. Halka iskuullada qaar ay ii sheegeen in ay jiraan hab-raacyo afka ah oo wasaaraddu la wadaagto oo loogu sheegayo in la raaco marka macallin la qaadanayo laakiin uusan jirin iskuul si sax ah u dhaqan-galiya.

Gunaanad

Ugu dambayn, carruurta Puntland waxay xaq u leeyihiin macallimiin lagu soo xulay aqoon, xirfad, karti iyo hufnaan. Horumarka waxbarashaduna kuma xirna oo keliya dhismaha fasallo cusub, diyaarinta manhaj casri ah ama dejinta siyaasado wanaagsan; waxa ugu muhiimsan waa tayada qofka maalin kasta fasalka hor istaagaya. Macallinku waa tiirka ugu weyn ee nidaamka waxbarashada, waana halka ay ka bilaabato tayada waxbarashada iyo mustaqbalka bulshada.

Sidaas darteed, haddii Puntland ay doonayso nidaam waxbarasho oo soo saara jiil aqoon leh, hal-abuur leh, kuna tartami kara heer gobol iyo heer caalami, waa in mudnaanta koowaad la siiyaa dib-u-habaynta habka lagu soo xulo, lagu tababaro, lagu qiimeeyo laguna horumariyo macallimiinta. Sidoo oo kale ugu yaraan waa in uu jiraa hal-beeg sax ah oo ay tahay in aan dhanna loo dhaafin marka ay joogto shaqaalaysiinta macallimiinta dugsiyada Puntland.

La wadaag

Faallooyinka

Ka qeyb qaado dooda. Faallooyinka waxaa dib u eegaya Guddiga Tifaftirka ka hor inta aan la soo bandhigin.

Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.

Maqaallo la xiriira