Maqaalo

Dareenka Lahaanshaha Qaranka: Caqabadaha Wacyi-la’aanta iyo Waddooyinka Xalka

Dareenka Lahaanshaha Qaranka: Caqabadaha Wacyi-la’aanta iyo Waddooyinka Xalka

Hordhac: Ma nuxur baa mise waa muuqaal?

Waddaniyaddu maaha kaliya heeso caadifad leh oo la qaado, mana aha calan la ruxo maalmaha xorriyadda oo kaliya; waa ficil, xilkasnimo, iyo dareen qoto dheer oo muwaadinka ku buraarujiya in dalka uu isagu leeyahay. Falsafadaha qadiimiga ah iyo kuwa casriga ahba waxay isku raaceen in dareenka lahaanshiyaha waddanku (Sense of Ownership) uu yahay mishiinka kaliya ee dhaqaajiya bedqabka, bilicda, iyo horumarka kaabayaasha dhaqaale ee qaran kasta.

Falsafad-yahankii weynaa ee reer Giriig, Aristotle, wuxuu yiri: Waxa dadka oo dhami ay wada leeyihiin, waxaa ku yar daryeelka ugu yar, sababtoo ah qof kastaa wuxuu ka fekeraa naftiisa halkii uu ka fekeri lahaa danta guud.” Oraahdan waxay si toos ah u qeexaysaa caqabada maanta taagan ee ah wacyi-la’aanta lahaanshiyaha dalka. Marka uu muwaadinku u arko hantida guud iyo nidaamka dawladnimada wax qariib ku ah oo aysan isaga waxba ka khuseyn, waxaa dhasha curyaanimo bulsho iyo mid dhaqaale oo raad xun kaga tagta jiilalka mustaqbalka.

Gariirka Gudaheenna: Markay Bulshadu Wacyi-la’aan Tahay      

Wacyi-la’aanta lahaanshiyaha dalku waxay si toos ah u waxyeeleysaa nolosha maalinlaha ah ee bulshada, waxayna ku bilaabataa dabeecado yaryar laakiin saameyn weyn leh. Waxaad arkaysaa muwaadin ku dhiiranaya inuu qashinka ku tuuro bartamaha waddada, isagoo u haysta in nadiifinta waddadaas ay tahay shaqo u taala dawladda oo kaliya, isagana aysan khuseyn. Sidoo kale, burburinta nalalka waddooyinka, jid-gooyooyinka sharci-darrada ah, iyo waxyeelaynta agabka dugsiyada iyo isbitaalada dawladdu waxay markhaati u yihiin inaan la fahamsanayn in hantidaas lagu dhisay canshuurta dadka, loona dhisay adeegga dadka.

Falsafadda bulshada dhexdeeda waxaa ka jira xeer la yiraahdo Aragtida Daaqadda Jabtay” (Broken Windows Theory), kaas oo sheegaya in haddii deegaan ka mid ah magaalada lagu arko daaqad jabsan oo aan la dayactirin, ay taasi dadka ku dhiirangeliso inay daaqadaha kalena jebiyaan, wasakhdana ku badiyaan. Sidoo kale, marka hal muwaadin uu burburiyo hantida guud isagoon dareemin ciqaab sharci ama mid damiir, bulshada inteeda kale waxay u qaadataa in hantidaasi aysan cidna leeyahay, taas oo horseedda burbur guud. Dhibaatada ugu weyn waxay timaadaa marka dadku ay u arkaan canshuurta wax laga dhacayo, halkii ay u arki lahaayeen maalgashi dib loogu soo celinayo noloshooda.

Tusaalayaal Caalami ah: Jidadka loo maro Toosinta Damiirka

Wadamo badan oo maanta dunida hormuud ka ah ama guulo waaweyn ka gaaray dib-u-dhiska qarannimada waxay soo mareen marxalado adag, laakiin waxay ku guuleysteen inay beddelaan fikradaha dadkooda iyagoo adeegsanaya sharciga, waxbarashada, iyo dhaqanka is-xilqaanka.

Rwanda iyo Falsafadda “Umuganda”:
Burburkii iyo xasuuqii dalkaas ka dhacay 1994-kii kadib, dawladdu waxay ogaatay inaan dalka lagu dhisi karin lacag dibadda laga soo amaahdo oo kaliya, balkan u baahan yahay gacmaha dadkiisa. Waxay dib u soo nooleeyeen nidaamka dhaqanka ah ee “Umuganda” (oo macnaheedu yahay isku imaatinka ujeeddo guud). Sabtida ugu dambaysa bishii, muwaadin kasta oo qaangaar ah, oo uu ku jiro madaxweynuhu, wuxuu u soo baxaa nadiifinta iyo dhismaha dalka. Maanta, caasimadda Kigali waa magaalada ugu nadiifsan qaaradda Afrika, sababtoo her qof kastaa wuxuu dareensan yahay inuu dalka isagu leeyahay.

Singapore iyo Sharciga Adag (The Fine City):
Hoggaamiyihii weynaa ee Singapore, Lee Kuan Yew, wuxuu aaminsanaa in anshaxu uu ka horreeyo xorriyadda aan xadka lahayn. Wuxuu yiri: “Haddii aadan haysan bulsho nidaam iyo kala dambayn leh, xorriyaddu waxba ma tarto.” Singapore waxay adeegsatay ganaaxyo maaliyadeed oo culus si ay dadka u barto ilaalinta bilicda iyo hantida guud. Qashin tuurista iyo waxyeelaynta agabka qaranka waxay horseedaysaa xadhig iyo ganaaxyo adag, taas oo maanta ka dhigtay mid ka mid ah xarumaha dhaqaalaha ee ugu horumarsan dunida.

Japan iyo Tarbiyada Dugsiyada (Gakko Choushi):
Dalka Japan, carruurta looma oggola inay noqdaan kuwo wax gubba ama wasakheeya. Laga soo bilaabo dugsiga xannaanada ilaa dugsiga sare, ma jiraan shaqaale gooni ah oo nadiifiya fasallada iyo suuliyada iskuulka; ardayda laftooda ayaa maalin kasta nadiifiya dugsiga. Waxbarashadan waxaa loo arkaa qayb ka mid ah dhismaha shakhsiyadda qofka si uu u barto in goobta uu ku nool yahay ay tahay mas’uuliyaddiisa. Markay weynaadaan, dabeecaddaas waxay u fidiyaan dalka dhan.

Goosashada Miraha: Faa’iidooyinka Daryeelka Qaranka

Marka wacyiga lahaanshiyaha dalku uu gaaro heer sare, bulshadu waxay gudaataa miraha isbeddelkaas, kuwaas oo isugu jira kuwo amni, dhaqaale, iyo bulsho:

Ilaalinta Hantida iyo Badbaadinta Miisaaniyadda: Marka muwaadiniintu ay daryeelaan dugsiyada, buundooyinka, iyo isbitaalada, dawladdu uma baahato inay lacag badan ku bixiso dayactir joogto ah oo ka dhashay burburin ula kac ah. Lacagtaas waxaa loo weeciyaa mashaariic cusub.

Koraalka Dhaqaalaha iyadoo loo marayo Is-xilqaan: Bixinta canshuurta waxay isku beddeshaa waajib sharaf leh. Muwaadinku wuxuu ogaadaa in canshuurta uu bixinayo ay tahay mida loogu dhisayo mustaqbalka carruurtiisa, taas oo dhimaysa musuqmaasuqa.

Xasillooni iyo Amni Gudaha Ah: Bulsho dareensan lahaanshiyaha dalkeeda waxay noqotaa “indhaha iyo dhegaha” amniga. Sida uu yiri falsafad-yahan John F. Kennedy: Ha weydiin waxa dalkaagu kuu qaban karo, laakiin weydii waxa aad u qaban karto dalkaaga.”

  • Midnimo Bulsho iyo Tirtiridda Qabyaaladda: Dareenka lahaanshiyaha waddanku wuxuu ka sarreeyaa qabiilka iyo gobolka. Waxay abuurtaa isku-duubni ka dhalata in dhammaan loo wada adeego hal ujeeddo oo ah danta guud.

5. Gunaanad: Naqshadda Mustaqbalka iyo Toosinta Guri-weyne

Wacyi-la’aanta naga haysata lahaanshiyaha dalka waa cudur dilaa ah oo ragaadiya hanka qaranimo, laakiin daawadiisu waxay ku jirtaa gacanteenna. Waxaan ku soo xirayaa xikmad caan ah oo dhiirrigelisa isbeddelka qofka ka bilaabma: “Haddii aad rabto inaad dunida beddesho, marka hore guriagaaga nadiifi.” Dalku waa gurigeenna weyn, haddii aanan annagu daryeelin, cid kale oo noo daryeelaysa ma jirto.

Isbeddelku maaha mid si sahlan ku imaanaya; wuxuu u baahan yahay in laga bilaabo guriga oo carruurta lagu koriyo mas’uuliyadda, laga sii wado dugsiyada, laguna xoojiyo shuruuc adag oo qof kasta ku qasbaysa inuu ixtiraamo hantida guud iyo nidaamka dalka. Ma bixi karno, mana horumari karno ilaa aan maskaxda ka beddelno fikradda ah “Dawlad baa leh” oo aan u beddelno “Aniga ayaa leh”.

La wadaag

Faallooyinka

Ka qeyb qaado dooda. Faallooyinka waxaa dib u eegaya Guddiga Tifaftirka ka hor inta aan la soo bandhigin.

Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.

Maqaallo la xiriira