Dal qalaad iyo da’yarta Soomaaliyeed: Dugulka Soomaali baad mooddaa misna waa duul kale!(Qaybtii 2-aad)

Arar
Qoraalkeennii midakan ka horreeyey waataynu ku joojinney “Soomaalidu uguma horrayn dad islaam ah oo inta dalkoodii ka yimaada Yurub rugeysta oo dega: dad badan oo Muslimka Aasiya ah baa uga horreeyey, tira ahaanna aad uga badnaa Soomaalidii badmaaxa ahayd ee horraantii 1900-ladii maraakiibta iyo dekedaha Yurub, gaar aahaan Ingiriiska, ka xoogsan jirtey”.
Inkastoo uu qoraal leeddo fuula ahaa, oo aynaan kansho u helin inaynu dhab u ‘kooraysanno’, misana waxa ugu weyn oo aynu ka maagganayn baa ahaa inuu qaybaha daba yaal oo ay tani ugu horrayso uu arar iyo gogoldhig u noqdo, si ay warbixintu si san ugu hirgasho. Waa yahay.
Oo yaa ka horreeyey
Aynu sii wadannee, Soomaalidu Islaan Yurub ama Ameerika yimaada, si beelaysan[1], uguma aysan horrayn: waxaa ka horreeyey dadyow badan, markaan islaamka ka hadlayno, oo ay ugu ballaaran yihiin dadyowga Aasiyaan ama ‘timajilica’[2] loo garan ogyahay, oo ka kala soo jeeda deegaammo dhawra oo ay ka mid yhiin Hindiya, Bakistaan iyo Bagaladheesh, inta ugu ballaaran markaan ka soo qaadanno. Imaanshaha dadyowgan Yurub, sida badan, Ameerika iyo Kanada, si goosgoos ah[3], ayaa waxaa u sabab u ah inay ka soo jeedaan dalweynihii Hindiya la isku oran oo ay horraantii gumeysiga Ingiriiska ka wada tirsanaayeen, intii uusan kala jarjarin. Maadaama uu gumeystuhu af, siyaasad, iyo dhaqan-aqooneed ahaanba saameeyey dadyowgan, waxay ugu xisheen soo aadiddiisa xargaha dhaqan, iyo kuwa dhaqan-dhaqaale ee ka dhex abuurmay iyaga iyo gumeystihii, gaar ahaan Ingiriiska, ka dib markay ka ‘xoroobeen’!
Waxaa dadkan weheliyey xayn-xayn dadyowga kale ah, sida Afrikada la soo gumeystey[4], oo ay ugu weyntahay Neyjeeriya. Waxaa kaloo iyaguna jira Carab aan sii badnayn oo aan muuqaal la sheego ku lahayn bulshada dhexdeeda, marka laga reebo Faransiiska oo ay si muuqata u joogeen Carabta uu horay u gumeystey, afkiisana ka yeeshay af-aqooneedka, gaar ahaan Carabta waqooyiga Afrika, sida Aljeeriya oo uu si ba’an uu u gummaaday xilligii gumeysiga, iyo weliba Marooko oo iyana si dheeriya loogaga hadlo Faransiiska[5], iyo weliba afaf kale oo reer Yurub ah, sida Isbaanishka[6]. Intaas waxaa weheliyeye waxoogaa Afrikada waqooyi ah, oo iyaguna ah Afrikada uu Faransiisku gumeystey, inteeda badan na diinta Islaamka laga haysto.
Intaas haddaynu isla sheegnay, waxaa iyana isweydiin mudan, tolow dadyowgan Soomaalida ka soo horreeyey waa dad noocee ah; xagga aqoonta, xadaaradda, ilbaxnimada, iyo weliba sababaha keenay Yurub ee ay u joogeen. Waa su’aal aad inoogu muhiima marka qoraalkeena laga hadlayo, maxaa yeelay waxay wax weyn ka iftiiminaysaa sida iyo waxa ay kaga duwan yihiin Soomaalida Yurub u soo hayaantay, iyo fahanka laga qaadanayo waxay kala kulantay imaansheheedii Yurub, iyo guud ahaanba qurbaha, innagoo barbar dhigayna dadyowgan kale. Dadyowga aynu soo hadalqaadnay ee aan Soomaalida ahayn ayaa siyaabo waaweyn oo kala duwan uga duwanaa dadka Soomaaliyeed ee isna yimid dalalka Reer Galbeedka. Aynu kala qaadnee, waxaa siyaabahaas ka mida oo ugu mudan kuwan:
- Siyaasad: dadkan intiisa badan ayaa u yimid si aan qaxootinimo ahayn, ee u yimid si ‘rasmi’ ah, sida hawlgal siyaasadeed oo ay dalkoodii hooyo u hayaan, amaba baxsad iyo magangalyo-doon siyaasadeed, sida jaajuusnimo lagu helay ama looga shakiyey, iyo goosasho ay ka goosteen dawladdoodii, hawlo siyaasadeed awgood. Sidoo kale waxa iyana jirey kooxo ku foogganaa siyaasado ka duwan kuwa dalkoodii hooyo ka jira, sidaas darteedna fariisimo ka samaystay dalalka Reer Galbeedka. Sidoo kale kooxahani waxay u adeegayeen dana guud oo siyaadeed oo dalalka magangelyada siiyey u dan ah, iyagu ama ha moogaadeen ama ha u muraadeene.
- Waxbarasho: dad arday ah oo iyaguna waxbarasho u joogey baa jirey. Inta badan ardaydan waxaa soo dirsaday dawladahoodii. Qaar ka mida ayaa la dhici jirey hannaanka iyo hab-dhaqanka waddamada Reer Galbeedka, waxayna dooran jireen ama u dadaali jireen inay degaan oo aysan dib ugu laaban dalkoodii hooyo.
- Qaraabo: marka laga yimaado diblomaasiyadda iyo waxbarashada dadka u yimid, waxaa iyana jiri karey qaraabo si sharci ah ugu timid labadan qolo ee hore, inta badanna waxay ahaayeen ama waalid ama dad isqaba oo qoys ah.
- Badmaax: waataynu qoraalkeenna qaybtiisii hore ku soo sheegnay badmaaxyadii Soomaalida ahaa. Waxaa la mid ahaa kuwa dadyowga kale ee Reer Galbeedku ay horay u gumeysteen ahaa. Kooxahan badmaaxyada ahaa ayaa aad uga badnaa Soomaalida badmaaxa ahayd. Waxaa iyana jirey, gaar ahaan Faransiiska, dad badan oo ama iyaga ama aabayaashood ay ka tirsanaayeen ciidamadii gumeystaha, kana qaybgalay dagaalkii koowaad iyo kii labaad ee adduunka: Askartan in badan oo ka mida ayaa waxay degmeysteen dalal Reer Galbeedka ahaa oo ay u dagaallameen, iyagoo dhalasho iyo xuquuqba ku yeeshay.
Marka laga reebo badmaaxyada, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed oo asal ahaan miyi ka soo jeeday – waataynu horay uga hadalnay-, dadyowgan badankiisu waxay ahaayeen beelo iyo ummado fadhiid ah oo deggan; aan reer guuraa ahayn, gaar ahaan dadka Aasiya ka soo jeeda; waa dad ku abtirsada ilbaxnimo guuna oo kumannaan sano oo fadhi iyo fekerba tirsanaysa. Waa dad nolosha kaadsiimo u leh oo ay soo xukumeen dawlado Gaal iyo Muslimba leh oo qaarkood ay boqollaal sano tirsadeen. Intaas oo af iyo dhaqan oo kala duwan baa ka jira dalalka ay ka yimaadeen. Waa hore bay waayuhu u laylyeen siday dad iyo dhaqan ka duwan kuwooda oo weliba ka xoog weyn ula noolaan lahaayeen, waxna ula qaybsan lahaayeen, iyagoo waliba hiddohoodii, diintoodii, afkoodii, iyo guud ahaanba dhaqankoodii dhawranaya oo caynsanaya. Karti, xeelad, wada-shaqayn, iyo isku-tiirsanaan iyo isku-tashi baana dhaqan u ah. Iyadoon la isjeclayn, gacalo na aysan jirin, baa la garwaaqsaday in cadow ka weyni jiro, ayna kaga dabaalan karaan wadajir iyo isku duubni keliya. Hawraarsan baa la isyiri.
Waxaa intaas dheer inay yihiin, badankooda aan iraahdee, xulkii amaba labeentii umaddooda; dad reer-magaal ah oo ugu yaraan dad magaalo iyo shuqulkeeda yaqaan ah, haddaanba aqooni u dheerayn. Guud ahaan waa dad bulshaday ka soo jeedaan meel sare kaga jira, oo garwaaqsan kara waxay luminayaan iyo waxay kororsanayaan, iyo weliba intay isu jiraan labadu. Taasayna guddoonkooda nololeed ku salaynayaan; inay sal dhigtaan meesha ay yimaadeen, si buuxda, iyo inay dalkoodii hooyo ku noqdaan. Arrimahaan ayaa keenay in dadkaan intiisa badani uusan wax weyn oo dhaqan iyo hidde ah uusan lumin, ceebtooda iyo goosan dayacan oo laga helaa na ay yaraato.
Xagga Carabta markaan u kacno waxaa Aasiyaanka la mida oo la hannaan ah Suuriyaanka, Ciraaqiyiinta, iyo Masaarida. Waana dhulal ay ilbaxnimo bulsho ka jirtey ka hor intaan Islaamku biyadhigan, ka dibna waa ay sii bulaaleen oo waxay muddo boqollaal sano ah saldhigyo u ahaayeen dawladihii Islaamka ee adduunka maasheeyey, ilbaxnimadana gaarsiiyey.
Goormaa la isbuurtay
Wixii sagaashanaadkii ka dambeeyey, waxaa si weyn u jabay oo isu furmay, si ah kas ama kama’ labadaba, irdihii waddamada Reer Galbeedka iyo dadyowga dunida saddexaad[7]; waxaa Yurub iyo Ameerikaba soo galay bulshooyin ballaaran oo malaayiin gaaraya, ka dib markii uu Reer Galbeedku dumiyey dawladihii dadyowgani ay dhisteen oo harsanayeen, hannaankay doonaan ha u mareene, xoog iyo xeelad labadaba.
Soomaalida dad aan badnayn baa waayahakan -wixii sagaashanaadkii ka horreeyey- ka yimid, qaxooti ahaan, tiro aan badnayn. Inkastoo ay si qubane ah u imanayeen dad aan boqollaal gaaraynin oo u badnaa qaxootigii waqooyi galbeed ee jamhuuriyaddii Soomaaliya ee xilligaasi jirtey -waa gobolka ismaamulka gooni-goosiga ah ee marakan la baxay Soomaliland-, kana soo barakacay gobolkaasi baa soo galay Ingiriiska. Ma uusan jirin socdaal qaxootiyeed oo shub ah wixii ka horreeyey 1991-dii. Dadkan kooban oo qaxooti ahaan u soo galay Yurub, gaar ahaan Ingiriiska, waxaa qaxootigaasi sababay in gobolka waqooyi galbeed ay xilligaasi ka dillaacday jamhad hubaysan oo dawladdii dhexe ee xilligaasi jirtey dagaal la gashay, dagaalkaasi oo dabadeed saameeyey bulshadii gobolka. Intaas marka laga reebo, Soomaalida xooggeedu, sidaynu qoraalka qaybtiisa koowaad ku soo sheegnay, waxay soo ‘gashay’ waddamada Reer Galbeedka, iyadoo qax ah, wixii ka dambeeyey 1991-dii.
Waataynu wax ka niri noocyada dadyowga kale ee qaxooti ahaan, iyo weliba siyaabo kale oo badan ku soo galay dalalka Reer Galbeedka. Waataynu sheegnay inay ahaayeen, guud ahaan, xulkii bulshadaas ay ka yimaadeen ama ka soo jeedeen. Waataynu sheegnay inay ahaayeen dadyow ilbaxnimo guuna dugsanaya oo ka abtirsanaya waayo aragnimo bulsho iyo mid dhaqan oo kumanaan sano soo taxnayd, aadna u gaamurtay. Arrimahakan ayaana u suura geliyey, baynu niri, inay yeeshaan karti ay ugu babacdhigaan xadaaradda Reer Galbeedka ee dhaldhalaalka iyo dhoolatuska badan wadata, dadka wixii aan dhiifoonay na siraysa, dabdeedna bi’inaysa. Sida waayeel dad qalaad martiyey, waxay garwaaqsan kareen – waxaan sheegayaa bulshooyinka aan Soomaalida ahayn ee Reer Galbeedka soo galay – inaan bidhaanta kore runtii ahayn. Markaan soo ururinno, dadyowgani waxay Soomaalida uga duwanaayeen saddex arrimood oo waaweyn, oo sidaan arki doonno, keenay kala-duwanaansha innaga iyo iyaga.
Waa tan koowaade, sidaan marar badan soo sheegnay, waxay ka soo jeedeen ilbaxnimo dabadheer, iyo ummado guuna. waa tan labaade, waxay ahaayeen, badankoodu, aan ku celinnee, xulkii dadkooda, ama ugu yaraan dad magaalo intaas oo jiil ku dhashay kuna dhaqmay. Waa tan saddexaade, 1900-kii markay adduunka kale gumeysatey Yurub oo ay muquunisay, waxay in badan oo dalalkii la gumeystey ka mid ahi – hore waa u soo sheegnay – ka qaateen oo ay kala hareen afkoodii; waxay af-aqooneed u qaateen afkii gumeystaha, gaar ahaan gumeystihii Ingiriiska oo ugu saamayn badnaa gumeystayaasha, sababo badan awgood. Inkastoo uusan dhaqankaani, laf ahaantiisa, mudnaan lahayn oo weliba la oran karo waa gumeysigii oo dadban, haddana waxay dadkaasi afkaas qaatay u fududaysay inay si fudud ula qabsadaan dalkii afkaas lahaa, hadday mutaan oo ay magan u noqdaan. Waxaa u suura galay inay markiiba ka hawl geli karaan oo ay ama shaqaysan karaan, mar hadday afkii yaqaanaan, amaba aqoon-kororsi ka helaan. Waxaa intaas dheer bulsha la diinta ah, sida Amxaarada itoobiya aan niraahno, inay u fududaato inay durba la fal galaan oo aysan jirin qalo diimeed iyo mid dhqan oo weyn oo lagu kala faagto.
Soomaalida qaxa ku timid Yurub markaan fiirinno waa ay ka duwan tahay dadyowgan kale ee aynu ka soo hadalnay, waxaan uga hadlayney na waxay ahayd si aynu u garwaaqsanno, sidaan horaba u soo iri, waayaha Soomaalida waddamada Reer Galbeedka ku soo qaxday iyo waxa keenay saamaynta dhaqan iyo midda diimeed ee ka muuqata afartameeyo sano oo qax iyo qaxooti ka dib. Soomaalidu waxay dadkaasi kale kaga duwanayd saddexdaas ama afartaas arrimood ee aan sheegayba. Kama aysan iman ilbaxnimo magaalo oo fadhiid ah oo jirey xitaa boqol sano oo dagaansho leh; waxay ahaayeen oo dhaqankooda lafdhabar ahi uu ahaa reer-miyinimo iyo reer-guuraa, aan waxba u qornayn, dhito dhaqameed oo kayd ah na aan lahayn. Haddaan u turno waa haddaan niraahno boqolkiiba toban baa magaalo ku dhashay, iyagana waxaa dhalay reer-miyi magaalada soo galay oo aan wax badan oo dhaqan magaalo ah siin karin warasadooda, marka laga tago waxoogaaga ay bowsadeen.
Arrimahan waxaan ku furfuraynaa, Ilaah idankiis, qoraalkeenna qaybtiisa dambe.
[1] “Beelaysan” markaynu leennahay, kama wadno reer ama qabiil, sida durba soo rooraysa, ee waxaan uga soconnaa dad waddan wadaag ah oo wada socda, iskuna yaal dhaqan ahaan.
[2] Eraygan waxaa horraantiisii adeegsan jirey beelaha ‘jareerta’ ama ‘tima-adagta’ ay Soomaalida kale u taqaan, iyaguna ‘timo-jilic’ ay bulshada jareerta ahi u taqaan. Mase ah aha eray si rasmi ah loo adeegsan jirey, waa eray ‘hoosaad’ oo waa la isu qariyaa! Goortii ay dawladdii dhexe ee Soomaaliya ay duntay 1991, oo Soomaalidu ay usoo dagaagtay dibadaha, gaar ahaan waddamada reer galbeedka, bay kula kulmeen dad iyaga ka soo horreeyey oo gaal iyo islaanba leh, markaasay ula bexeen tima jilic, gaar ahaan markay xamanayaan, si looga maarsado erayada ay garan karaan cidda markaas la hadal hayaa!
[3] Waxaan ka hadlaynaa waa waa wixii ka horreeyey sideetamaadkii, laakiin afartameeyadii sanee ugu dabaysey qarnigii laabmay si weyn baa aasiya, iyo adduun-weynaha, looga soo yaacay oo marakan Aasiyaanku aad bay Yurub iyo waqooyiga Maraykankaba u dhooban yihiin.
[4] Africa waa la wada gumeystey, waxaase kala qotodheeraa hannaanka gumeysiga iyo weliba sidii looga falceliyey. Dalalka aan si muuqata loo gumeysan ee aan raad dhaqan iyo af qalaad oo weyn looga tegin waxaa ka mid ahaa, uguna mudan, kuwa geeska afrika. Itoobiya ayaa iyadu ku doodda inaan la gumeysay oo ay weligeedba gobonimo haysatey. Waase war aan hufnayn, maxaa yeelay iyada, dawlad ahaan, iyo gumeystaha reer yurub waa isku diin iyo dhaqan. Sidaas darteed waxay qayb ka hayd gumeysigii afrika, iyadoo ahayd dalka keliya ee afrikada madow ah oo qayb ka noqday gemeysigii qaardda madow! Waana midda keentay inay ilaa maantadan la joogo ‘ogaden’ ama soomaali-galbeed xoog ku haysato!
[5] Markaan leennahay ‘si dheeriya’ waxaan uga soconnaa faransiisku ma aha af dalka ka ah af qaran, waase lagu shaqeeyaa, laguna ganacsadaa, si ballaanran na waa loogu hadlaa. Waxaa Marooko la mida, xagga afka Faransiiska, Aljeeriya.
[6] Isbaanishku wuxuu si dadban u gemeysan jirey qayb ka mida Morooko, waana midda keentay in qaybo ka mida dadku uu ku hadlo afkaasi. Waxaa la sheegaa in boqolkiiba hal ilaa shan ay ka yihiin bulshada.
[7] Eray-bixinta ‘Dunida saddexaad’ waa mid uu horraantii adeegsadey aqoonyahankii dhul-yaqaanka ahaa ee la oran jirey Alfred Sauvy. Wuxuu u adeegsaday qaybinta siyaasaddii adduunka markaasi ku hardameysey oo kala ahayd waxa uu ku magacaabay ‘Dunida koowaad’ oo uu ka wadey Guud ahaan dalalka Reer Galbeedka iyo raacdadoodo, ‘Dunida labaad’ oo uu ka wadey dalalkii shuuciga ahaa oo uu hoggaaminayey Ruushku, iyo wixii aan labadaas mad-hab ama aragti-siyaasadeed aan ahayn oo ahaa dunida inteeda kale, oo uu u baxshey ‘Dunida saddexaad’ oo Afrika ay ugu weyn tahay.
Faallooyinka
Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.
Maqaallo la xiriira

YAA HORTAAGAN DAWLADNIMO KA HANA-QAADDA DHUL-UDUG (PUNTLAND) Qaybta 1-aad

XIGASHADA TAARIIKHDA: Taariikhdu Ma Aha Warin Keliya

