

Dr Guled Salah Bare
3 maqaal
Dr. Guuleed Saalax Barre waa siyaasi iyo aqoonyahan Soomaaliyeed, Wuxuu shahaadada Ph.D ee cilmiga Federaalka iyo Nabadda ka qaatay Jaamacadda Qaramada Midoobay ee Nabadda (UPEACE), waxaana lagu xusuustaa doorkiisii taariikhiga ahaa ee uu ku hoggaamiyey doorashooyinkii hordhaca ahaa ee qof iyo cod isagoo ahaa Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland (TPEC) intii dhexaysay 2019 ilaa 2022. Dr. Guuleed oo sidoo kale soo noqday Wasiirka Deegaanka Puntland (2014–2016) iyo aasaasaha machadka cilmibaarista ee SIDRA, waa hoggaamiyaha Golaha Caddaaladda iyo Dimuqraadiyadda (GCD) Iyo mid kamid ah Asaasayaasha Midowga Haybad Qaran, wuxuuna ahaa musharrax u taagnaa xilka Madaxweynaha Puntland doorashadii horraantii 2024, isagoo weli ah cod mug leh oo u dooda dimuqraadiyadda iyo nidaamka sharciga.


Fahamka Federaalka: Qeexid, Taariikh iyo Muhiimaddiisa Dowlad-dhiska

