Amiir Cabdifitaax
Qoraa

Amiir Cabdifitaax

1 maqaal

Cabdifitaax Maxamuud Cabdi (Amiirka) waa aqoonyahan Soomaaliyeed, falanqeeye siyaasadeed, iyo u-ololeeye caan ku ah arrimaha dowlad-dhiska, xuquuqda aadanaha, iyo u-doodista arrimaha bulshada. Wuxuu xubin firfircoon ka yahay haldoorka dhalinyarada aqoonyahanka ah ee Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland, halkaas oo uu kaga jiro safka hore ee dadka u taagan dhiirrigelinta jiilka cusub iyo dhismaha bulsho ku dhisantay cadaalad, aqoon, iyo wadaninimo.Amiirka waxaa si weyn loogu yaqaannaa doorkiisa hoggaamineed ee wacyigelinta bulshada, falanqaynta hannaanka dimuqraadiyeynta, iyo difaaca xuquuqda muwaadinka, isagoo mar kasta xoogga saara sidii dhalinyaradu u noqon lahaayeen xoogga horseeda isbeddelka togan ee dalka.